Waa maxay Sister 2 Sister? Sister 2 Sister waa barnaamij sanadle

Waa maxay Sister 2 Sister?
Sister 2 Sister waa barnaamij sanadle ah ee gabdhaha fasalka sideedaad Regent Park iyo bulshooyinka
degaannada ku hareereysan. Laga bilaabo sanadkii 2009, barnaamijka ayaa tan iyo markii la ballaariyey
kuwaasoo ay ku jiraan sagaal iskuulood oo kala duwan ee magaaladaan ayna ka mid yihiin Nelson
Mandela Park, Lord Dufferin, Winchester, Sprucecourt, Market Lane, Our Lady of Lords, St Paul, Queen
Alexandra iyo First Nations.
Waxa aannu sameyno
Sister 2 Sister waa barnaamij caawiya abuurana fursado loogu talagalay gabdhaha dhalinyarada si loogu
qabto hawlaha ku salaysan bulshada iyo dhacdooyinka sanad walba. Sidoo kale waxaan bixinaa
seminaaro loogu talagalay waalidiinta / masuuliyiinta iyo xubnaha qoyska ee ku lug leh nolosha gabdhaha
fasalka sideedaad. Waa muhiim shaqadeena mana aha taageeris gabar oo kaliya, ee waa inaan door
weeyn ka ciyaarno nolosha bulshadeena.
Ujeeddo
Ujeedada Sister 2 Sister waa dhisid urur gabdho walaalo ah oo leh xiriir caafimaad bulshada dhexdeeda.
Waxaan rabnaa gabdhaheena dhalinyarada ah si loo dhiiri geliyo isla markaana codkooda la maqlo ayna
ka fekeraan kana hadlaan wixii halis ah oo ku saabsan adduunka ku wareegsan. Waxaan rajaynaynaa in
la dhiso kartida gabdhaheena dhalinyarada ah dhexdooda si ay ugu suurtogasho in ay ogaadaan awooda
iyaga u gaar ka ah ay leeyihiin, aqoontooda iyo xirfadaha intay qaadi karaan ilaa qaangaarkooda.
Abaabulayaasha Ururka
Barnaamijka waxaa hogaaminaya TDSB Social Worker, Zeina Faddoul iyo Shaqaalaha Taageerada ururu
ka TDSB, Jodi Burton. Waxa ka shaqeeynaaya guddi iskaa wax u qabso ah oo ka yimid yihiin Regent Park
iyo bulsho weeynta GTA iyo sidoo kale shaqaalaha TDSB gudahood ah. Waa barnaamij ay abaabuleen
soona gudbiyeen haweeneyda iyo gabdhaha dhalinyarada ah.
Sister 2 Sister waxaa taageera Maamulayaasha dhamaan 9-ka iskuul ee TDSB iyo sidoo kale
Maareeyayaasha, Superintendis-ka iyo Trustiiga. Guud ahaana waxa maamula bulshada deeqaha bixiya
iyo taageerooyinka iskaa wax u qabso. Waxaanu ka hawlgalnaa fahamka caadiga ah in marka aad
caawintid hal gabar ah, taas oo direeysa fariin guud saamayna ku yeelaneeysa bulshada iyo
shaqsiga noloshiisa oo dhan.