Page 1 of 35 “Umad waliba aayaheeda iyadaa leh” Ararta Dastuurka Dowlada Koonfurta–Galbeed: Magaca Naxriista iyo Nuurka Rabbi darteed, Anaga oo ah dadka ku nool Gobollada Koonfurta–Galbeed ee Dalka Soomaaliya. Waxaa naga go’aan ah inaan waa cusub abuurno, si aan ugu soo kabano musiibadii ku dhacday Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Gobollada Koonfurta –Galbeed, dagaaladii sokeeye dartood iyo Abaarihii is daba jooga ahaa. Waxaan ku mintidaynaa una ambaqaadaynaa hannaan iyo hab cusub oo u horseedi kara Dowladda Koonfur Galbeed, kuna dhisan Shareecada Islaamka, cadaalad, sinnaan, nabad, shaqo iyo horumar, dhowraysana sharciga sharafta qofka iyo xurmada bulshada. Annaga oo ka duulayna mabda’a wadatashiga iyo wax–wadaag caddaalad ku dhisan, waxaan doonaynaa in aan walaalahayna Soomaaliyeed ku wada noolaanno is qadarin iyo is faham. Waxaan ku hawlgalaynaa walaalahayna Soomaaliyeedna ugu yeeraynaa in aan wadajir ugu halgano dib–u–dhiska Qaranka Soomaaliyeed ee burburay. Dowladda Koonfur–Galbeed, waa qayb ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Sida ku cad Qodobka 1aad, Faqradiisa 1aad oo loo akhriyey Qodobka 11aad ee Axdiga Ku–Meel–Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Dastuurka cusub ee Dowladda Koonfur–galbeed waxaa lagu saleeyay sida hoos ku cad: Shareecada Islaamka Isku dheeli–tirka awoodaha Dowladda, Xeer dejinta, fulinta iyo garsoorka. Habka wada tashiga iyo go’aan wadaaga. Baahinta xukunka. Habka xisaabaadka. Page 2 of 35 QAYBTA KOOWAAD XUBINTA 1AAD MABAADI’DA GUUD QODOBKA 1AAD SARRAYNTA SHARCIGA 1. Sharciga ayaa ka sareeya qof kasta. QODOBKA 2AAD QAYBAHA DOWLADA (SEPRATION OF POWER). 1. Dowlada K.G waxay ku dhisantahay mabda’a qaybaha dowlada, kaas oo macnihiisu yahay. Xeer dejinta (Lagislative) Fulinta (Excutive ) Garsoorka (Judicial) QODOBKA 3AAD MAGACA IYO NIDAAMKA DOWLADDA 1. Magaca Dowlada waa Dowladda Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya 2. Dowladda Dowladda Koonfur-Galbeed waa Dowlad – goboleed Soomaaliyeed oo u madaxa - bannaan is maamulkeeda, kuna dhisan habka wada tashiga, Dimoqraadiyada ah iyo nidaamka xisbiyada. 3. Maamamulka Dowladu waa mid ballaaran, awooda ugu saraysana tan (Eebe mooyee) shacbiga ayaa iska leh, isaga oo awoodaas u adeegsanaya si toos ah oo Dastuurka iyo shuruudaha waafaqsan, qof ama qayb ka mid ah shacabka ma sheegan karo, kumana tagri fali karo gooni ahaan. 4. Dowladda Koonur-Galbeed waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saran baadi goobka iyo dhowridda Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaalka ah. QODOBKA 4AAD DHULKA, SOOHDIMAHA & XUQUUQAHA SOOHDIMAHA 1. Dowlada Koonfur-Galbeed, waxay ka kooban tahay gobollada kala ah: Bakool, Bay, Gedo, Jubadda Dhexe, Jubadda Hoose iyo Shabeelaha Hoose. 2. Soohdimaha Dowladda Koonfur–galbeed waa Gobolladaas & Degmooyinka ay ka kooban yihiin. 3. Midnimada Dowladda Koonfur–Galbeed laguma soo xadgudbi karo, Dhul, Cir iyo Bad toona. Page 3 of 35 4. Inta ku siman Soohdimaheeda (Dhul, Cir iyo Badba), DKG waxay la leedahay xuquuqihii awoodeed oo ay lahaayeen Dowladii hore. QODOBKA 5AAD DADKA Dadka Dowlad–Goboleedka Koonfur – Galbeed waa muwaadhiniinteeda oo dhan, lamana kala qaybin karo. QODOBKA 6AAD MUWAADHINNIMADA DOWLADA KOONFUR–GALBEED 1)2)3)- Muwaadhinimada Dowlada Koonfur–Galbeed, waxaa soo cadaynaya degmada uu qofka ka tirsan yahay. Muwaadhinku ma luminayo jinsiyadiisa ee Dowlada Koonfur–Galbeed hadii uu dhalasho kale qaato. Helida iyo dhuminta muwaadhinimada Dowlada Koonfur–Galbeed, waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah 12 (toban iyo labo) bilood ka dib, dhaqangalka Dastuurkan. QODOBKA 7AAD DIINTA 1)2)- Diinta Islaamku waa Diinta keliya ee Dowlad – Gobolledka ee Koonfur–galbeed ee Soomaaliya. Diin aan mida islaamka ahayn laguma fidin karo Dadka iyo Deegaanka Dowlad – goboleedka Koonfur – galbeed, qawaaniinta iyo dhaqanka bulshadana waxaa saldhig u ah Diinta Islaamka. QODOBKA 8AAD MAGAALA MADAXDA 1)2)- Magaala Madaxda Dowlad – Goboleedka Koonfur–Galbeed waa magaalada (Baydhabo, Xudur, Marka, Kismaayo, Garbahaareey, Bu’aale) midii la’isku raaco waana fadhiga dhexe ee Dowladda. Magaala Madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah, kaas oo 12 (laba iyo toban) bilood gudahooda lagu soo saarayo, laga bilaabo dhaqan – galka Dastuurkan. QODOBKA 9AAD AFAFKA RASMIGA AH Page 4 of 35 Afka rasmiga ah ee Dowlad–Goboleedka Koonfur–galbeed Soomaaliya waa Af– Soomaaliga (Maay & Maxaa tiri), af Carabigana waa luqada labaad sida ku cad Qodobka 5-aad ee Axdiga Qaranka KMG ah. Afaf kalena waa lagu adeegan karaa. QODOBKA 10AAD ASTAANTA, CALANKA & HEESTA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR–GALBEED 1. Calanka D.K.G ee Soomaaliya wuxuu ka koobanyahay: a) Midabka Buluuga ah oo 6 xidigood dhexda ku leh. b) Midabka Jaalaha ama Hurdiga c) Midabka Cagaarka ama Dooga 2. Astaanta D.K.G wuxuu ka koobanyahay A) Labo Shabeel B) Labo Seef C) Calanka D.K.G D) Calanka Dowlada Federaalka Soomaaliyeed. E) Laba waran 3. Heeska D.K.G wuxuu ku jiraa ka fakarid. XUBINTA 2AAD QODOBKA 11AAD WADA HADAL & WAX–WADDAAG FEDERAALNIMO 1. Dowladda Koonfur–Galbeed waxay ka mid noqonaysaa Dowladda Soomaaliyeed oo habka Federaalka ah ku dhisan, waxayna wada hadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaali ah oo aaminsan raadinta iyo ka midnoqoshada Dowlada Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaalka ah. 2. Waxyaalaha Dowladda Koonfur–Galbeed ay la wadaagi doonto Dowladda Federaalka ah, waxaa ka mid ah: Difaaca Dalka, Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Arrimaha Socdaalka, Istaambada Boostada iyo habka cabiraada lacag samaynta. 3. Wixii intaas dheeraad ka ah, waxay ku imaanayaan wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed. QODOBKA 12AAD XIRIIRKA DIBADDA 1. Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed waxay dhowraysaa heshiisyadii ay Dowladii hore ee Soomaaliya la gashay Dowladaha shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiisyadaas aysan ka hor imaanaynin danaha iyo maslaxada Dowlada Koonfur–Galbeed. 2. Dowlada–goboleedka Koonfur–Galbeed waxay dhowraysaa heshiisyadii ay Dowladii hore ee Soomaaliya la gashay Shirkad shisheeye, haddii Page 5 of 35 3. 4. 5. 6. 7. heshiiskaas/heshiisyadaas aysan ka hor imaanaynin danaha iyo maslaxada Dowlada Koonfur–Galbeed. Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa axdiyada Qaramad Midoobey iyo Qaynuunka Dowliga ah, waxaa kale oo ay xurmaynaysaa baaqyada caalamiga ah ee Aadamiga iyo wixii aan ka hor imaanaynin Shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta Dowlad–Goboleedka Koonfur–Galbeed. Dowlad–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay xushmaynaysaa, Axdiga Midnimada Afrika (African Union), Jaamacada Carabta, (Arab League) Urur Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD) iyo Ururka Mu’tamarka Islaamka (OIC). Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay aqoonsan tahay Mabaadi’da Aaya ka talinta Ummadaha Aduunka. Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay taageeraysaa hindisooyinka ah in khilaafaadka aasaasiga ah ee abuurma ama horeyba u jiray lagu dhameeyo wada hadal iyo hab nabadeed. Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay ka soo horjeedaa Argagaxiso– nimada iyo wixii la xiriira. QODOBKA 13AAD DHISMAHA SIYAASADEED EE DOWLAD–GOBOLEEDKA KOONFUR–GALBEED XISBIYADA 1. Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed waxaa lagaga dhaqmayaa nidaanka xisbiyada. 2. Waxaa jiraya ugu badnaan 2 (laba) xisbi oo siyaasadeed. 3. Waxaa reeban Xisbiyada iyo Ururada leh dabeecad Ciidan iyo Qabiil. 4. Qofkii Xisbi kaga guulaysto Kursi, kana baxa Xisbiga waxa uu waayayaa Kursigii xisbiga ee uu ku guulaystey. 5. Nidaamka Xisbiyada waxaa lagu soo saaryaa Xeer gaar ah oo Xukuumada u soo jeediso, Golaha Wakiiladuna Ansixiyo. 6. Hantida Qaranka looma isticmaali karo hawl xisbiyeed. 7. Cidii ay ku cadaato in ay u isticmaashey hanti Qaran arrimo xisbi, waxaa la horgaynayaa Maxkamad. QODOBKA 14AAD SHURUUDAHA FURASHADA XISBI SIYAASADEED Xisbi kasta oo la furaayo waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda: – a)- Waa in uu leeyahay barnaamij siyaasadeed oo himilo wadaniyad ah leh; b)- Waa in uu leeyahay Dastuur; Page 6 of 35 c)- Waa in uu leeyahay saldhig dhaqaale oo damaanad qaadi kara jiritaanka Xisbiga oo dhan 200,000,000 (laba boqol oo milyan Sh.So ah) oo la dhigayo Bangiga Dhexde. QODOBKA 15AAD DHISMAHA XUKUUMADEED EE XISBIYADA 1)- Xisbigii ku guulaysto ugu yaraan 51%, Kuraasta guud ee Golaha Wakiilada ayaa Dowlada soo dhisaya. 2)- Hadii xaalada ku xusan Qodobka 14 Faqradiisa 1aad dhici waydo, Dowlad wadaag ah ayaa la soo dhisayaa, ayada oo xisbiga ugu xubinta badan leh hogaaminta yeelanayo. 3)- Haddii 2da xisbi xubnahooda isla ekaadaan xisbiyadu wada hadal ayay ku go’aansanayaan xisbigii hogaaminta yeelan lahaa, haddii ay ku heshiin waayaana waxaa go’aaminaya Maxkamadda sare. QODOBKA 16AAD TIRA–KOOBKA 1)- Dadwaynaha ku nool Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed 10-kii (toban) sano mar ayaa la tira–koobayaa. 2)- Waqtiga tira–koobku bilaaban doona xeer gaar ah ayaa laga soo saari doonaa. QODOBKA 17AAD GUDDIGA DOORASHADA 1)- Waxa jiraya Guddi Doorasho oo Guddoonka Golaha Wakiiladu soo jeediyo, Goluhuna Ansixiyo. 2)- Waxaa Guddiga Doorashada la magacaabayaa 2 (laba) bilood ka hor waqtiga Doorashada, wuxuuna Guddigu jirayaa 2 (laba) bilood ka dib, dhammaadka natiijada doorashada. 3)- Guddiga wuxuu u hogaansamayaa sharciga oo keliya. 4)- Markii la Ansaxiyo Guddiga Doorashada guud ahaan & gaar ahaan toona xilka lagama qaadi karo, waxna lagama beddeli karo. 5)- Guddiga Warbixinta Doorashada wuxuu u soo gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Maxkamada Sare. 6)- Guddoomiyaha Guddiga Doorashada waxuu usoo jeedinayaa warbixinta Guddoonka Golaha Wakiilada, waana ansixinayaa Golaha. 7)- Tirada Guddiga Doorashada kama yaraan karaan 15 (shan&toban) xubnood. 8)- Awoodaha iyo xil – waajibaadka Guddiga waxaa lagu soo qeexayaa xeer gaar ah oo Golaha Wakiiladu soo saaro. Ansixiyana. Page 7 of 35 XUBINTA 3AAD MABAADI’DA GUUD ARRIMAHA BULSHADA QODOBKA 18AAD QOYSKA Qoyska waa Aasaaska bulshada oo ka aasaasma Nin iyo Haweenay qaan gaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday, wuxuuna xaq u leeyahay damaanad qaad Dastuuri ah. QODOBKA 19AAD XUQUUQDA HAWEENKA 1)- Dastuurkani wuxuu xaqiijinayaa xuquuqda, xuriyadda iyo waajibaadka Haweenka ee dhaqan–dhaqaale iyo siyaaso aan Diinta Islaamku ka reebin. 2)- Dowlada ayaa ilaalinaysa xuquuqda Haweenka ee ku xusan Qodobkan. 3)- Haddii nolosha Hooyada Uurka lihi halis gasho, Ilmaha Caloosha ku jira waa la soo ridi karaa, markii Takhtar Takhasuskeedi lihi cadeeyo. QODOBKA 20AAD XAQUUQDA CARUURTA 1)- Caruurta waxaa loola jeedaa qof kasta oo 15 (shan&tobansano) ka yar 2)- Ilmaha wuxuu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad iyo koriimo. 3)- Waxaa reeban shaqada caruurta wax u dhimaysa noloshooda, dhaqankooda, koriimadooda iyo waxbarashadooda. 4)- Waxa reeban in la soo rido Ilmaha caloosha ku jira hadii aysan jirin xaalada ku xusan Qod. 18aad, Faq. 3aad QODOBKA 21AAD AGOOMAHA, CURYAAMADA IYO GARAAD–DHIMANKA 1)- Naafada iyo Muwaandhin kasta oo aan is daryeeli karin, cid daryeeshana aysan jirin, Dowlada ayay waajib ku tahay inay daryeesho. 2)- Dowladu waa inay dhiiri – gelisaa, samaysana Hay’ado ilaaliya dadka Qodobakan ku tilmaaman. QODOBKA 22AAD CAAFIMAADKA 1. Dowlada ayaa u xilsaaran caafimaadka guud, gaar ahaan, kan Caruurta iyo Hooyada, ka–hor–taga cudura faafa iyo nadaafadarada guud. 2. Dowlada ayaa xil ka saran yahay horumarinta adeegyada caafimaadka. 3. Dowladu way ogoshahay Rugo (Xarumo) caafimaad iyo Isbitaal gaar ah, xeer gaar ah ayay xukuumadu ka soo saaraysaa. Page 8 of 35 QODOBKA 23AAD WAXBARASHADA 1. Horumarinta, Baahinta iyo Faafinta cilmigu iyo waxbarashada waa waajib Ummadeed, meel – marintoodana, Dowlada ayaa u xilsaaran. 2. Akhris–Qoris la’aanta Afka Hooyo, waa cadowga 1aad ee Ummadda, waana waajib in lala dagaalamo, Dowladana xil dheeraad ah ayaa ka saraan. 3. Waxbarashada Aasaasiga ah,waxaa loo aqoonsan yahay: Dugsiyada Qur’aanka, Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare. Ciyaaraha jirka iyo Isboortiga, waxbarashada Dadka waaweyn iyo waxbarashada gaarka ah ee Haweenka, waa waajib Dowladu leedahay in ay meel mariso, waxaana jiraya Manhaj Midaysan. 4. Muwaadhin kasta wuxuu xaq u leeyahay daryeel waxbarasho 5. Qofka qaan – gaarka ahi, waa u madax bannaan yahay Doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed. 6. Waxaa la furan karaa Dugsiyo Waxbarasho, Dugsiyo Xirfadeed iyo Jaamacado gaar ah, waafaqsana Manhajka Dowlada. 7. Dowladda xil ayaa ka saraan dhisma Jaamaceed. 8. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya Waxbarashada Madaxa–bannan. QAYBTA 4AAD XUQUUQDA IYO XURIYADA AASAASIGA AH EE QOFKA QODOBKA 24AAD SINNAANTA BULSHADA 1. Dhammaan dadka ku nool Dowlad – goboleedka Koonfur – galbeed, waa siman yihiin Sharciga hortiisa. 2. Qofna laguma takoori karo Midabka, Diinta, Dhalashada, Jinsiyada, Hantida, Fikrada uu aamisan yahay, Siyaasadda, Afka iyo Isirka. 3. Dastuurka wuxuu dhowrayaa, xushmaynayaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. QODOBKA 25AAD XURIYADA CAQIIDADA 1. Qofka Muslimka ahi, kama noqon karo diinta islaamka. QODOBKA 26AAD XURIYADA FIKIRKA 1. Qof kasta xur buu u yahay fikradiisa iyo soo bandhigeeda. 2. Qofka wuxuu fikradiisa ku cabiri karaa qaab hadal, saxaafad, qoraal baahin, muuqaal, suugaan iyo hab kale oo xeerka waafaqsan xad – gudub la’aan. Page 9 of 35 QODOBKA 27AAD XAQA DOORASHADA 1. Muwaadhin kasta oo buuxiya shuruudaha Doorashada looga baahan yahay wuxuu xaq u leeyahay in uu wax doorto, lana doorto. 2. Codayntu waa shaqsi, sinnaan, xuriyad iyo qarsoodi. QODOBKA 28AAD XAQA DOORASHADA ARJIGA 1. Muwaadhin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu cabasho qoran u diro Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda. 2. Cabasho kasta oo xeerka waafaqsan Dowladdu waa in ay ka jawaabtaa 60 (lexdan) casho gudahooda. QODOBKA 29AAD XAQA KAMID NOQOSHADA URURADA 1. Muwaadhin kasta oo buuxiya shuruudaha Doorashada, wuxuu xaq u leeyahay in ka qayb qaato hawlaha, ka mid noqosho ama aasaaso Ururo Siyaasadeed, dhaqaaleed, bulshadeed, cilmiyeed iyo dhaqmeed. 2. Waxaa reeban jiritaanka Ururada leh ujeedooyin lid ku ah qawaaniinta Dalka iyo danaha Ummadda. 3. Ururada leh shaqsiyadooda qaannuun, heshiisyada ayay xubnuhu ku galaan ururada, waxa uu waajib ku wada noqonayaa dhammaan xubnaha ururka. QODOBKA 30AAD XURIYADA DHAQ - DHAQAAQA 1. Muwaadhin kasta ama qof kasta oo si xeerka waafaqsan dalka ku jooga wuxuu u madax – bannaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kast oo uu rabo, iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono. 2. Meelaha iyo goobaha ay reeban tahay maridooda iyo galidooda xeer gaar ah ayaa lagu soo saarayaa. QODOBKA 31AAD XAQA LAHAANSHAHA HANTIYEED 1. Muwaandhin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu yeesho Hanti 2. waxaa reeban wax soo saar kasta oo aan sharciga waafaqsanayn. 3. Qofna lagama qaadi karo khidmad ama Hanti aan sharciga waafaqsanayn Page 10 of 35 QODOBKA 32AAD XAQA NOLOSHA IYO NABADGELYAYNTA JIRKA 1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay Noloshiisa, waxaana ku waajibi kara oo keliya tan Eebe mooyaane, markii ay Maxkamad horteeda kaga cadaato dembi dil lagu mutaysan karo. 2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nabad–galyaynta jirkiisa iyo sharaftiisa. 3. Waxaa reeban dembiyada laga galo xuquuqda Aadamiga ah, sida: Xasuuqa iyo dil Maxkamd la’aaneed. QODOBKA 33AAD XAQA MADAX–BANNAANIDA QOFKA 1. Qofna xuriyadiisa lagama qaadi karo, lama baari karo, lama xayiri karo haddii aan qaynuun ogolaan. 2. Adoonsigu iyo ka ganacsiga dadku way reeban yihiin. 3. Dhammaan xuriyada qofka waxaa shardi u ah inaysan ka hor–imaanin shareecda Islaamka, xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale. 4. Dastuurka ayaa qof kasta u damaanad qaadaya xuquuqdiisa iyo xuriyadiisa. QODOBKA 34AAD XAQA MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISKU CELINTA EEDAYSANAYAASHA/DEMBIILAYAASHA 1. Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku jooga si xeerarka waafaqsan ee waydiista magangelin siyaasadeed waa la siin karaa, haddii laga helo shuruudaha u dhigan magangelyada, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada caalamiga ah. 2. Ma bannaana in muwaadin ka tirsan Dowlada – Koonfurta – galbeed loo dhiibo Dowlad kale. 3. Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed, waxay dib u celin kartaa dembiile ama eedaysane shisheeye ah, oo dalkiisa ka soo cararey, haddii uu jiro heshiis dad isu – celineed oo dhex mara Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed iyo Dalkaasi. QODOBKA 35AAD XAQA HOYGA 1. Hoyga iyo meelaha kale ee la degan yahay, waxay leeyihiin xurmayntooda. Ma bannaan baarida, basaasidda iyo galida hoyga haddii aan amar garsoore oo sababaysan jirin ama sharcigu si kale u sheegin. 2. Waxaa waajib ah in si toos ah looga akhriyo amarka garsooraha milkiilaha ama deganaha hoyga inta aan la gelin. Page 11 of 35 QODOBKA 36AAD SAXAAFADDA 1. Saxaafada iyo warbaahinta waa madax – bannaan yihiin, lamana fara gelin karo. 2. Xeer gaar ah, ayaa sii faah–faahinaya nidaamkooda. QODOBKA 37AAD XAQA XURIYADA ISGAARSIINTA Qofna lama fara gelin karo waraaqihiisa Boostada, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo Saxaafadeed iyo Qoraaladiisa gaarka ah, marka laga reebo xaaladaha xeerka bannaynayo baaritaankoodi, dabagalkooda ama dhagaysigoodi, iyadoo ay markaasna waajib tahay in la helo amar Garsoore oo sababaysan. QODOBKA 38AAD XURIYADA KULAMADA IYO BANNAAN–BAXYADA 1. Qof kasta wuxuu xur u yahay inuu sameeyo kulamo iyo bannaan–baxyo ku salaysan hab nabadgelyo, waase inuu sii wargeliyaa Hay’adaha ay khusayso. 2. Kulamada iyo bannaan–baxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, Caafimaadka guud, Amniga, Anshaxa, Nidaamka guud iyo Xasiloonida. QODOBKA 39AAD WAAJIBKA MUWAADHINIINTA 1. Muwaadhin kasta waxaa waajib ku ah adkanyta Nidaamka Ummadda iyo Ilaalinta jiritaanka Qaranimada Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed. 2. Muwaadhin kasta waxaa waajib ku ah dhowridda Diinta islaamka, Dastuurka, Xeerarka Dalka iyo bixinta canshuuraha ku waajibey. 3. Muwaadhin kasta waxaa waajib ku ah ka qaybgalka difaaca Dowlada– goboleedka Koonfur–galbeed markii loogu yeero ama ay la gudboonaato. 4. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan Faqrada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Qodobkan. XUBINTA 5AAD XUQUUQDA ASAASIGA AH QODOBKA 40AAD DACWAD – DACWAD FURASHO, CIQAAB & DEMBI 1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad qaanuunka waafaqsan ka furto Maxkamadaha awooda u leh. 2. Qofna looma qaban/xiri karo fal markii uu galaayay aan dembi ku ahayn qaanuunka. Page 12 of 35 3. Ciqaab aan Maxkamad ka soo bixin cidna laguma fulin karo. 4. Dembi iyo ciqaab aan sharciga waafaqsanayn ma jiri karo, mas’uuliyada faldembiyeedkuna waa shaqsi. QODOBKA 41AAD XUQUUQDA EEDAYSANAYAASHA 1. Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay Dembi laawe ilaa si qaanuunka waafaqsan Maxkamad si kama dambays ah ugu xukunto gelida dembiga. 2. Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunka banaynin, waana in 48 Saac gudaheeda la horgeeyaa Garsoore. 3. Eedaysanaha waa in Maxkamad awoodi u leh si tafaftiran ugu akhriso dembiga lagu soo oogay. 4. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan Eheladiisa, Qareenkiisa, Takhtarkiisa iyo Asxaabtiisa, wuxuu kaloo xaq u leeyahay in la damiinto, haddii sharcigu ogolyahay. 5. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu Qareen difaaca qabsado, haddii uusan awoodi karin, Dowladu waa in ay u qabato dadka garaad dhimanka ahna waa la mid. 6. Eedaysanuhu laguma qasbi qaro qirashada dembiga loo haysto. 7. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu isku difaaco Maxkamadda horteed. QODOBKA 42AAD XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN 1. Qofka ay Maxkamad xukuntay oo xiran wuxuu xaq u leeyahay in la dhowro ilaalintiisa, nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa Aadanenimo. 2. Xukumanuhu wuxuu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan Eheladiisa, Qareenkiisa, Takhtarkiisa iyo Asxaabtiisa. 3. Xukumanaha Xabsiga ku jira wuxuu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cuno iyo waxbarasho. 4. Xukumanaha Xabsiga ku jira wuxuu xaq u leeyahay xuquuqda Caalamiga ah ee Maxaabiista. 5. Xukumanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu rafcaan ka qaato xukunka Maxkamadu ku riday, isaga oo rafcaanku ku caddaynaya Maxkamadii xukuntay mid ka saraysa. QAYBTA 3-AAD QODOBKA 43AAD GOLAHA ODAYAASHA Dowlada koonfur galbeed Soomaaliya, waxeey yeelanaysaa 2 (labo) gole oo kala ah: 1. Golaha Odayaasha oo ka kooban 73 (todobaatan iyo seddex) xubnood. 2. Golaha wakiilada oo ka kooban 135 (boqol iyo soddon iyo shan) xubnood. Page 13 of 35 TILMAAMAHA GUUD EE GOLAHA ODAYAASHA Golaha odayaasha dolwlad goboleedka koonfur galbeed, waa qaybta 2-aad ee xeer dejinta, waxeyna dib u eegayaan xeerarka kasoo baxa golaha wakiilda intaan loo gudbinin madaxweynaha dowlada koonfur galbeed wuxuuna gaar u yeelanayaa xeerarka ku saabsan Diinta, Dhaqanka iyo nabadgelyada. QODOBKA 44AAD DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA ODAYAASHA & MUDADA XILKOODA 1. 2. Xubnaha Golaha Odayaasha waxaa lagu dooranayaa doorasho, habka doorashada waxaana nidaaminaya xeer gaar ah. Mudada xilka Golaha Odayaasha waa 5 (shan) sano oo ka bilaabaneeysa maalinta fadhiga 1aad uu qabsamo. QODOBKA 45AAD SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANYO XUBINIMADA GOLAHA ODAYAASHA Qofka loo dooranayo xubinnimida Golaha Odayaasha waa inuu lahaadaa shuruudaha qofka isku soo taagaya xubinimada Golaha Wakiilada, marka laga reebo da’da iyo heerka aqoonta oo noqonaaya sida soo socota 1. Inaan da’diisa ka ayraan 40 (afartan) sano. 2. Inuu yahay qof diinta aqoon fiican u leh ama ah oday dhaqan run ah. QODOBKA 46AAD TIRADA XUBNAHA GOLAHA ODAYAASHA Tirada xubnaha Odayaasha waa 73 (lixdan) xubnood oo laga soo xulaayo 6-da gobol, midkiiba 10 xubnood. Waxeeyna iska dhex dooranyaan, Gudoomiye, labo guddoomiye ku xigeen iyo gudi hoosaadyo, inta ay u baahanyihiin. Goluhu wuxuu yeelanaayaa gudi joogto ah oo ka kooban 15 xubnood. QODOBKA 47AAD AWOODA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA ODAYAASHA 1. Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, Dhaqanka iyo nabad-gelyada. 2. Dib-u-eegida xeerarka golaha shacabka ansaxiyo oo ka baxsan xeerarka maaliyada, waxeeyna ku celin karaa golaha shacbiga 1 (hal) mar, mudo 20 (labaatan) casho gudahood ah, taas oo ka bilaabaneeysa maalinta loo soo gudbiyo xafiiska shir gudoonka golaha odayaasha, asaga oo sababaynaya aragtidiisa, qoraal ahaana ku gudbinaya. Page 14 of 35 3. Ka tala bixinta dhaliilaha maamulka ee xukuumada, isagoo ogeeysiinaya golaha shacabiga. 4. Wuxuu gacan ka siinayaa Xukuumada arrimaha la xiriira Diinta, Nabadgelyada, Difaaca, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada, ayaga oo la kaashanaya Madax-dhaqameedyada Beelaha. 5. Waajibaadka Golha Odayaasha waxaa kamid ah in ay ilaaliyaan danaha gobolada (the interest of regions) sidaas darteeda ayaa xubnaha isla eg looga dhigay golaha odayaasha ( Fiiri Qodobka 42/1) Golaha odayaasha waxeey leeyihiin masuuliyada kala ah Ineey ilaaliyaan sharciga, maamulka iyo siyaasada dowlada Ineey ilaaliyaan xuquuqda muwaadinka Ineey xalliyaan khilaafaadka ka dhex dhecaaya dowlada dhexdeeda iyo bulshda dhexdeeda Golaha waxeey leeyihiin awooda dambe (reserve powers). QODOBKA 48AAD FADHIGA OGU HOREEYA GOLAHA ODAYAASHA Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Odayaasha wuxuu qabsoomayaa 30 cisho gudahood, kadib maalinta la soo dhameystiro xulashadiisa, waxaana fadhiga furaya xubnaha dhaarinaya (gudoomiyaha maxkamada sare), waxaanaa shirkaas gudoominaya Xubinta ugu da’da wayn inta laga dooranayo Gudoomiye rasmi ah iyo 2 (labdaiisa) ku xigeen. QODOBKA 49AAD XOGAHAYAHA GOLAHA ODAYAASHA IYO LA TALIYEYAAL Golaha Odayaasha wuxuu yeelanayaa Xoghaye aan xubin ka ahayn golaha. Waxaa kale oo uu yeelan karaa la taliyeyaal uu ka mid ayahay la taliye sharci. Dhismaha Xoghayaha Golaha Odayaasha waxeey la mid tahay tan Golaha Wakiilada. QODOBKA 50AAD XEER HOOSAADKA GOLAHA Kal-fadhiga ugu horeeya Golaha Odayaasha waxeey ku ansixinayaan Xeerhoosaadka Golaha. QODOBKA 51AAD MUSHAARKA IYO GUNADA ODAYAASHA Xubnaha Golaha Odayaasha waxeey yeelan doonaan Mushaar iyo Gunno waxaana qeexi doona xeer gaar ah. Page 15 of 35 QODOBKA 52AAD DHOWRISTA ANSHAXA GOLAHA ODAYAASHA Dhowrsanaanta xubnaha Golaha Odayaasha waxeey la mid tahay tan xubnaha Golaha Wakiilada, iyada oo dhowrsanaan ka qaadista uu leeyahay Golaha Odayaasha. QODOBKA 53AAD SHAQO KA TAGIDA XUBNAHA GOLAHA ODAYAASHA Xubinta Golaha Odayaasha waxeey u gudbin kartaa shaqo ka tagis Golaha Odayaasha isagaana ka ogalaaynaya. QODOBKA 54AAD WAYNTA XUBINNIMADA GOLAHA ODAYAASHA 1. Xubinta Golaha Odayaasha waxeey wayn kartaa xubinimadeeda, hadii ay burto shuruud kamid ah shuruudihii lagu soo xushay, ama ay gudan wayso xilka, sida uu cadeeynayo xeer hoosaadka Golaha Odayaasha. 2. Hadii uu ku dhaco xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo Maxkamada horteeda kaga cadaaday. 3. Hadii Golaha ka aqbalo istiqaalo. QODOBKA 55AAD KALA DIRIDA GOLAHA ODAYAASHA Golaha odayaasha waxaa loo kala diraayaa habka loo kala diri karo Golaha Wakiilada. QODOBKA 56AAD REEBANAANTA QABASHADA XIL KALE AMA OGA FAA’IDAYSIG XILKA DANO GAAR AH Xubinta Golaha Odayaasha uma banaana in uu qabto xil kale, umana banaana inuu xilka oga faa’ideysto dano gaar ahaaneed. QODOBKA 57AAD KAL-FADHIYADA GOLAHA ODAYAASHA Golaha Odayaasha fadhiyadooda waa kuwo furan. Tirada ay fadhiyada ku furan karaan waa aqlabiyad taasuuna go’aanadiisa ku ansixinayaan. Golaha waxaa isugu yeeri kara Gudoomiyaha, sida Golaha wakiilada. Page 16 of 35 QODOBKA 58AAD BANAANSHAHA JAGADA GOLAHA ODAYAASHA IYO SOO BUUXINTEEDA 12- Jagada Golaha Odayaasha waxeey ku banaanaan kartaa hadii ay timaado xaalad kamid ah xaaladaha ku tilmaaman Qod, 61-aad ee dastuurkan. Hadii ay banaanaato xubin ka mid ah Golaha Odayaasha, waxaa loo soo buuxinayaa sida waafaqsan Xeerkan, iyada oo xubintaas cusub ay dhameestirayso mudada xilka Golaha. QODOBKA 59AAD XARUNTA GOLAHA ODAYAASHA Xarunta Golaha Odayaasha waa Magaalada-Madaxda Dowlada Koonfur-galbeed sida ku cad qodobka 7 aad ee dastuurkan. QAYBTA 3AAD QAAB–DHISMEEDKA DOWLADDA QODOBKA 60AAD AFARTA QAYBOOD EE DOWLADDA 1. Afarta Qaybood ee Awoodaha Dowladda waxay u kala baxaan: – a)- Golaha Odayaasha b)- Golaha Wakiilada c)- Golaha Xukuumada d)- Golaha Garsoorka 2. Qofna kama mid noqon karo in ka badan qayb ka tirsan 4ta awoodood ee Dowladda. XUBINTA 3AAD XEER–DEJINTA QODOBKA 61AAD GOLAHA WAKIILADA 1. Awooda Xeer–dejinta Dowladda Koonfur–galbeed waxaa leh Golaha Wakiilada oo masala Shacbiga Dowladda Koonfur–galbeed oo dhan. 2. Golaha Wakiiladu wuxuu ka kooban yihiin 135 wakiil oo Dadweynaha soo dooranayo. Page 17 of 35 3. Mudada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano, laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. 4. Golaha Wakiiladu waxay uu si rasmi ah u dhismayaan 30 (sodon) maalmood gudahood laga bilaabo maalinta natiijada doorashadu soo baxdo. QODOBKA 62AAD SHURUUDAHA LAGU SOO DOORANAYO GOLAHA WAKIILADA 1. Golaha Wakiilada waxaa loo dooran karaa muwaadhin kasta oo xilkaasi qaadi kara, miirkiisu dhan yahay oo ah muwaadhin reer Dowladda Koonfur–galbeed, da’diisuna aanu ka yarayn 30 sano. 2. Waa inuusan Maxkamad horey ugu xukumin dembi qiyaano Qaran ah. 3. Waa in uu leeyahay ugu yaraan aqoon Dugsig Sare ama waayo – aragnimo u dhiganta. 4. Maxkamada sare ayaa leh awooda sharciyeed oo lagu hor–istaagi karo Musharaxii aan buuxin shuruudaha Doorashada QODOBKA 63AAD SHURUUDAHA LAGU LUMIYO XILKA GOLAHA WAKIILADA 1. Xubinimada Golaha Wakiilada waxaa lagu waayi karaa, hadii xubintu: – a)- Geeriyoodo b)- Istiqaalad Goluhu keeno, Goluhuna ka aqbalo c)- Iyo haddii faldambiyeed kama dambays ah Maxkamad ku xukunto. 2. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiiladu lumiso wakiilnimadeeda, waxaa bedelkeeda soo galaya qofka qaabka doorashadii hore ku yimid, mudo 30 casho gudahood ah. QODOBKA 64AAD WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA 1. Golaha fadhigooda ugu horeeya waxaa shir gudoominaya xubinta ugu da’da wayn, ilaa ay iska dhex doortaan Gudoomiye iyo 2 (labo) Gudoomiye ku xigeen. 2. Golaha wuxuu iska dhex dooranayaa Guddiyo fuliya, ururiyana hawlaha Golaha Wakiilada, mudada u dhaxaysa kal–fadhiyaasha 3. Golaha wuxuu yeelanayaa Xoghaye joogta ah oo aan xubin ka ahayn Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladaana soo magacaabaya. 4. Golaha wuxuu yeelanayaa la–taliyaal, waxayna hoos imaanayaan Guddoonka. 5. Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan xeer hoosaad u gaar ah. 6. Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan awooda ka doodista, wax ka sheegida iyo talo ka bixinta siyaasdadda guud ee Xukuumada. 7. Miisaaniyad sanadeedka waxaa la horkeenayaa Golaha Wakiilada, wayna ansaxinayaan, xirideedana waa la mid. Page 18 of 35 8. Xeer kasta oo Golaha la keeno, waxaa looga doodayaa Qodob – qodob, codna loogu qaadayaa. Hadii aan Dastuurka si kale u xadidin, cod hal dheeri ah ayaa lagu ogolaanayaa ama lagu diidayaa. 9. Qaynuun kasta oo Golaha ansixiyo Madaxweynuhu wuxuu ku saxiixayaa mudo 30 (sodon) casho gudahood ah ugu badnaan, waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowlada, wuxuuna ku dhaqan galayaa 15 (shaniyotoban) casho gudahdooda. 10. Go’aamada Goluhu waxay ku ansaxayaan kala bar iyo hal dheeri, fadhiga Golaha haddii aysan jirin Qodob Dastuuri ah oo kale oo xadidaya. 11. Haddii Madaxweynaha iyo Ku–xigeenadiisu geeriyoodaan, is casilaan ama xilka laga wada qaado, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa xilka sii wadaya ilaa inta Golaha Wakiilada 60 (lexdan) casho gudahood ku soo dooranayaa Madaxweynaha Dowladda iyo Ku – xigeendiisa. QODOBKA 65AAD AWOODAHA GOLAHA WAKIILADA 1. Madaxweynaha, madaxweynaha ku/xigeenada iyo golaha wasiiradiisa waxaa la xisaabtamaya golaha wakiilada. 2. Ansaxinta/diidmada Degmo ama Gobol cusub, haddii Xukuumada soo jeediso. 3. Dib–u–eegida, ogolaanshaha, wax–ka–bedelida iyo diidmada qaanuunada iyo xeerarka xukuumada soo jeediso. 4. Ansixinta/diidmada iyo wax–ka–bedelida Miisaaniyada Golaha Xukuumadu soo bandhigto, iyo xisaab xirka miisaaniyada sanadkii hore. 5. Haddii ansaxinta Miisaaniyada cusub dhammaanwaydo ka hor sanadkii miisaaniyada cusub, waxaa lagu sii dhaqmayaa miisaaniyadii hore mudo bil ah. 6. U codaynta kalsoonida Wasiirada waa mid mid markii uu Madaxweynuhu soo jeediyo, waana in 2/3 ( laba meelood sedax meel) ee xubnaha Golaha Wakiilada ogolaadaan. 7. Ansaxinta/diidmada barnaamijka waxqabadka ee Xukuumada soo gudbiso. 8. Ansaxinta/diidmada heshiisyada uu soo bandhigo Golaha Xukuumada ee la xiriira Dowlada Federaaliga ah ee Soomaaliyeed. 9. Ansaxinta/diidmada iyo wax – ka – bedelida heshiisyada caalamiga ah ee Xukuumadu Koonfur Galbeed gasho . 10. Ansaxinta/diidmada qorshayaasha Xukuumada ee la xiriira baahinta awooda Maamulka. 11. Ansaxinta/diidmada mudo 30 (sadon) casho gudahood ah haddii xukuumadu soo saarto xeer xaalad deg–deg ah oo ah: – a)- Musiibo timaada, sida Duufaan; b)- Dagaal Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed gasho; c)- Iyo Qalalaase gudaha ah oo lagu burburinayo jiritaanka Dowlada– goboleedka Koonfur–galbeed. Page 19 of 35 12. Haddii la diido xeerka xaalada deg–dega ah, wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan, hase yeeshee, hawlihii lagu fuliyey xaaladaasi deg – dega ah, Golaha Wakiilada ayaa Ansaxinaya. 13. Goluhu waxa uu dooranayaa Madaxweynaha iyo Ku–xigeenadiisa oo lagu dooranayo si shaqsi, toos iyo qarsoodi ah, marka 1aad iyo marka 2aad waa 2/3 Golaha, marka 3aad waa hal dheeri. 14. Xeerka Goluhu diidey dib looguma soo celin karo Golaha ilaa kalfadhiga xiga ee caadiga ah. 15. Ansaxinta xiritaanka iyo dacwad ku oogista Guddoomiyaha Maxkamada Sare & Xeer ilaaliyaha Guud, haddii midkooda ama dhammaantooda lagu qabto, isaga/ayaga oo faraha kula jira fal–degmiyeed culus. 16. Diidmada qeexan ee Madaxwaynaha waxay ku bur–buri kartaa codaynta cusub oo Golaha Wakiiladu ku soo celiyo sharciga 2/3 tirada guud ee Golaha 30 (sodon) casho gudahood, laga bilaabo taariikhda diidmada qeexan. 17. Hubinta iyo dabagalka xeerarka Goluhu ansaxiyo. 18. Goluhu wuxuu cod hal dheeri ah kaga qaadi karaan Xasaanada mas’uul kasta oo xasaanad leh, haddii uu Xeer – Ilaaliyaha guud soo hordhigo caddayn ay ku qancaan oo la xiriirta gelida faldembiyeed. 19. Canshuur aan xeerkeeda Goluhu ogolaan laguma dhaqmi karo. 20. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku–xigeenadiisa, waxay Golaha Wakiilada dooranayaa 2 (laba) bil ka hor dhismaha xukuumada. QODOBKA 66AAD FADHIYADA GOLAHA WAKIILAD 1. Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaan kal–fadhiyadiisa caadiga ah 2 (laba) jeer sanadkiiba bilaha (June iyo November). 2. Kal–fadhiyadiisa aan caadiga ahayn, waxaa isugu yeeri kara Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, codsi ka yimaada Madaxweynaha ama Golaha Xukuumada, iyo 1/3 Xubnaha Golaha Wakiilada, ayaga codsi qoraal ah ku soo dalbaya. 3. Dowlada waxaa loogu yeeri karaa ama ay dalban kartaa ka qaybgalka kal– fadhiyada Golaha Wakiilada, si ay ugu jawaabaan ama caddaymo uga bixiyaan su’aalo xilkooda khuseeya. 4. Xaalada deg–dega ah, waxaa lagu ansaxinayaa Golaha Wakiilada 30 (sodon) casho gudahood. 5. Kal–fadhi kasta oo Goluhu yeelanayo waxa uu ku furmayaa koram. QODOBKA 67AAD XASAANADA GOLAHA XEER–DEJINTA 1. Xasaanad ayay leeyihiin Xildhibaanada Golaha Wakiilada. 2. Xasaanad waxaa loola jeedaa: Qofna lama baari karo Gurigiisa iyo jirkiisa, lamana qaban karo, haddii uusan faraha kula jirin faldembiyeed culus. 3. Xasaanad waxaa lagu waayi karaa: – Page 20 of 35 a)- Markii qofka xasaanada leh lagu qabto isaga oo faraha kula jira fal – dembiyeed culus. b)- Markii uu lumiyo xilkii uu xasaanada ku yeeshay. 4. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa Xildhibaan kasta, iyada oo aan loo baahnayn ogolaanshaha Golaha Wakiilada, wuxuuse u wakiilan karaa Qareen. QODOBKA 68AAD KALA DIRIDA GOLAHA WAKIILADA 1. Golaha Wakiilada waa la kala diri karaa markii arrimaha ku xusan Qodobkan Faqradihiisa 2, 3, iyo 4 ay wada dhacaan ama qaarkood dhacaan. 2. Markii ay is casilaan aqlabiyada Golaha Wakiilada. 3. Markii Goluhu fadhiisan waayo 2 (laba) kal – fadhi oo isku xigta, aysan jirana duruuf kaliftey. 4. Markii ay sugnaato in Goluhu si bareer ah ugu xadgudbay Dastuurka. 5. Markii ay dhacaan arrimaha ku xusan Qodobkan, Faqradihiisa 2, 3 iyo 4, Madaxweynuhu waxa uu Maxkamada Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbayo caddaynta Faqr. 2, 3 iyo 4. 6. Hadii ay u caddaato Maxkamada Dastuuriga ah gelida Qodobadan, Faq. 2aad, 3aad iyo 4aad, waxay Madaxweynaha u gudbinaysaa in ay sugan tahay gelida eedaynta lagu oogay. 7. Caddayntan Maxkamada markii uu helo Madaxweynaha ayaa soo saaraya qoraalka kala dirida Golaha, isaga oo isla qoraalkaas ku caddaynaya xilliga doorashada Golaha cusub mudo 45 (afartan iyo shan casho) gudahood ah. 8. Inta Gole cusub laga soo dooranayo Golihii hore ayaa xilka sii haynaya, fulinayana qorshayaashii hore. QODOBKA 69AAD KALSOONI KALA NOQOSHADA WASIIRADA 1. Golaha Wakiiladu wuxuu kala noqon karaa kalsoonida Wasiirada mid, mid iyo wadarba. 2. Ugu yaraan 20 (labaatan) xildhibaan ayaa soo jeedin kara ka doodida kalsooni kala noqoshada Wasiirada. 3. Ugu yaraan 1/3 ee xubnaha Golaha Wakiilada waa inay isku raacaan in laga doodo kalsooni kala noqoshada. 4. 2/3 xubnaha Golaha Wakiilada waa in ay u codaysaa kalsooni kala noqoshada Wasiirada. 5. Haddii xaalada ku xusan Qodobkan. Faq. 4aad dhacdo, Wasiiradu waa dhacayaan, iyagaase hawlihii Xukuumad sii fulinaya, qorshe cusubna ma samayn karaan inta mid cusub laga soo dhisayo. XUBINTA 7- AAD QAAB HOWLEEDKA XUKUUMADA Page 21 of 35 NIDAAMKA XUKUUMADA D.K.G QODOBKA 70- AAD 1. Nidaamka Xukuumada Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed, waa Barlamaani, iyadaana leh awooda fulinta. 2. Waxay xoojinaysaa, fulinaysaa nidaamka Demoqraadiga ah ee Dastuurku jideeyey. 3. Waxay ilaalinaysaa xasiloonida guud ee Dowlada Koonfur Galbeed. 4. Xukuumada Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed, waxay u qaybsan tahay sida soo socota: – a. b. Xukuumada Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka 5. Awooda iyo xiriirka Xukuumada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo maamulada Gobolada iyo Degmooyinka waxaa kala qeexaya xeer gaar ah. 6. Xukuumadu waxay dejisaa, fulisaa istiraatijiyada siyaasadeed, dhaqaale, iyo qorshaha guud ee horumarka Dalka. 7. Waxa ay dejisaa, fulisaana odoroska maaliyadeed iyo maalgelinta Wadaniyiinta iyo shisheeyaha. 8. Waxay diyaarisaa miisaaniyad sanadeedka ku talagalka ah ee Dowladda. 9. Qaadashada Saraakiisha sare ee Dowlada iyo Madaxda Ciidamada, waxaa soo jeedinaya madaxda ay khusayso, waxaana ogolaanaya Golaha Xukuumada, iyada oo lagu xulanayo aqoon iyo waaya–aragnimo. 10. Agaasimayaasha Guud ayaa u xilsaaran fulinta maamulka Wasaaradaha iyo Hay’adaha, ayaga oo raacaya awaamiirta waziirada iyo siyaasadda guud ee Dowladda. QODOBKA 71AAD SHURUUDAHA LAGU DOORANAYO MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU–XIGEENKA Madaxweynaha, madaxweyne ku/xigeenada waxaa shanta sano ugu horeysa dooranayo golaha guurtada. Shuruudaha lagu dooranayo Madaxweynaha Dowlada iyo Ku – xigeenadiisa waa sedan: – 1. Waa in uu yahay Soomaali Muslim ah, kuna dhaqma Diinta Islaamka, isla markaasna ah muwaadhin Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed, miirkiisuna taam yahay, da’diisa aan ka yarayn 40 sano marka uu xilka qabanyo. 2. Waa in uu aqoon maamul, waaya–aragnimo hogaamineed iyo tacliin sare leeyahay, waa inuusan qabin xaas Ajanabi ah, guursan karina inta uu xilka hayo. 3. Waa inuusan gelin dembi khiyaamo Qaran ah, dembi Bani–aadanimada ka horjeeda iyo inuusan ku dhaqmin fal mujtamaca dhaxdiisa ku xun. Page 22 of 35 4. Qofka Madaxweynaha ama Ku–xigeenadiisa isku soo sharaxaya Golaha Wakiilada iyo Dadweynaha waa ka iman karaa. QODOBKA 72AAD AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNAHA 1. Waa Madaxa Dowlada iyo Gudoomiyaha Golaha Fulinta. Wuxuu matalayaa midnimada Dadweynaha Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed. 2. Madaxweynaha iyo Madaxweyne – ku xigeenadiisu Xukuumada waxay ku soo dhisayaan 30 (sodon) casho gudahood. 3. Wuxuu leeyahay magacaabida iyo xilkaqaadista xubnaha Golaha Xukuumada, isaga oo la tashanaya Ku–xigeenkiisa. 4. Waa taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida. 5. Wuxuu leeyahay awood fulinta saamaxaada iyo cafiska marka uu helo talo ay soo jeediyaan Hay’adaha Garsoorka. 6. Madaxweynaha wuxuu leeyahay qaabilaad marti–sharafta Ajnabiga ah. 7. Madaxweynaha wuxuu dalka dibadiisa uga safri karaa danaha Dowlad– goboleedka Koonfur–galbeed. 8. Madaxweynaha wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta Diinta Islaamka, Dastuurka, Dhaqanka Suuban iyo Xeerarka Dalka. 9. Wuxuu leeyahay awooda hadal–jeedinta furitaanka kal – fadhiyada Golaha Wakiilada. 10. Wuxuu leeyahay awooda ku dhawaaqida xaalada deg – degga ah, marka uu la tashado Golihiisa Xukuumada, isla markaana; wargeliyo Golaha Wakiilada. 11. Madaxweynaha wuxuu leeyahay in uu Bilad – sharaf iyo iyo Abaalmarin ku bixiyo Magaca iyo Haybada Ummadda Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed. 12. Madaxweynaha wuxuu saxiixayaa Xeerarka Golaha Wakiilada soo Ansaxiyaan. 13. Madaxweynaha wuxuu awood u leeyahay awooda dib–u–celinta xeerarka Golaha Wakiiladu soo ansaxiyaan. Waa in uu sababayn cad raaciyaa dib–u– celinta xeerka . 14. Mudadda Madaxweynaha xilka haynayo waa 5 (shan) sano, waxaana la dooran karaa 2 (laba) jeer oo keliya. 15. Hadiyadaha la siiyo Mas’uulyiinta Sare iyo Marwooyinkooda ee leh muuqaal Qaran waa hanti Qaran. 16. Ku dhawaaqida waqtiyada Doorashada. 17. Soo saaridda xeerar hawl – fulineed. 18. Madaxweynaha dalka kama maqnaan karo 60 (lexdan) casho ka badan. QODOBKA 73AAD AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNE KU–XIGEENADA 1. Sii wadidda xilalka dhammaan marka uu Madaxweynaha dalka ka maqan yahay. 2. Kala talinta Madaxweynaha xulashada Wasiirada iyo shaqo ka fadhiisintooda. 3. fulinta hawlaha Madaxweynaha u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka Madaxweynaha. Page 23 of 35 4. Haddii Madaxweynaha uu geeriyoodo, xilka laga qaado ama uu is casilo xilkiisa waxaa la wareegaya Madaxweyne Ku–xigeenka-1-aad, mudada inta ka hartay. QODOBKA 74AAD XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA IYO KU–XIGEENADIISA 1. Madaxweynaha iyo Ku – xigeenadiisa, waxaa xilka ka qaadi kara markii Golaha Wakiiladu ku ogolaadaan cod 2/3 oo toos iyo qarsoodi ah, markii lagu soo eedeeyo khiyaamo Qaran, xil gudasho la’aan iyo ku xad–gudub Dastuur iyo fal– dembiyeed culus oo Xeer ilaaliyaha Guud soo hordhigo Golaha, Goluhuna ku qanco. 2. Madaxweynaha iyo Ku – xigeenadiisa waxaa eedayn lagu soo oogi karaa, marka ay Golaha Wakiilada ay u ku aqbalaan cod aqlabiyad ah (2/3). QODOBKA 75AAD GOLAHA XUKUUMADDA 1. Golaha Xukuumadu wuxuu ku kooban yahay: Madaxweynaha, Madaxweyne Ku– xigeeno iyo golaha Wasiirada. 2. Mawaadhin kasta oo leh shuruudaha lagu doorto Xildhibaanka ka sokow, qofka loo magacaabaya Wasiir, waa inuu leeyahay aqoon sare oo gaarsiisan heer Jaamacadeed iyo xirfad maamul oo gaarsiisan ilaa 5 (shan) sano. 3. Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku – xigeendiisa, Wasiirada iyo Wasiir ku – xigeenada iyo Saraakiisha sare ee Dowladda ma geli karaan dhaq – dhaqaaq ganacsi oo gaar ah, inta ay xilka hayaan. 4. Markii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku–xigeenadiisa, Wasiirada, Wasiir Ku – xigeenada iyo Saraakiisha Sare ee Dowlada loo magacaabo xilka, waxaa la diiwaan gelinayaa hantidooda iyo sidoo kale marka xilka laga qaadaba, waxaana diiwaangelinaya Hanti – dhowrka Guud. 5. Qaab dhismeedka waaxyaha xukuumada waxaa lagu soo saarayaa xeer hoosaad kala qeexaya hawlahooda. 6. Xukuumadu waxay ku diyaarinaysaa xil – wareejinta 2-da (labada) bilood ee xilkeeda ugu dambaysa. 7. Golaha fulinta waxay leeyihiin xasaanad, sida ku cad Qod. 93 ee Golaha Garsoorka. QODOBKA 76AAD WAAJIBAADKA WASAARADAHA IYO HAY’ADAHA XUKUUMADA Page 24 of 35 1. Madaxweynaha isaga oo la tashanaya Madaxweyne ku – xigeenadiisa, wuxuu abuuri karaa Wakaalado gaar ah oo loo xilsaaro hawlo cayiman. 2. Xeer gaar ah ayaa lagu kala qeexi doonaa hawlahooda, waana in xeerku ka horeeyo dhismaha Wakaalada. 3. Dhammaan Wakaaladaha Xukuumadu waxay u shaqaynayaan habka waafaqsan Dastuurka. 4. Mas’uuliyada Golaha Xukuumadu waa wadar iyo shaqsi. 5. Cid aan Dowlada ahayn ama aysan fasax u siinin Hub kuma haysan karto Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed gudaheeda. 6. Tayaynta Ciidamada Qalabka sida ee D.K.G 7. Qorshe u dejinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa barakacay. 8. Dhaqan–celinta bulshada ku aafoowday dagaalkii sokeeye. 9. Diyaarinta qorshe dhaqan – dhaqaale oo isku dheeli tiran, iyada oo loo samaynayo baaris cilmiyeed ku wajahan khayraadka dabiiciga ah. 10. Hor-u-marinta arrimaha Bulshada. 11. Ilaalinta iyo diiwaan gelinta Hantida Dowladda. 12. Dowladda waxay dhowreysaa anshaxa iyo dhaqan-samida bulshada QODOBKA 77AAD XILKA WASIIRKA 1. Wasiirka waa mas’uulka ugu sareeya Wasaarada loo magacaabay. 2. wuxuu fulinayaa siyaasada guud ee D.K.G 3. wuxuu go’aaminayaa soona jeedinayaa dalacsiinta, casilaada, abaal – marinta iyo shaqo ka fadhiisinta shaqaalaha xilkiisa hoos yimaada, isaga oo la tashanaya Wasiir ku – xigeenka. QODOBKA 78AAD XILKA WASIIR KU – XIGEENKA 1. Wasiir ku – xigeenka wuxuu qabanayaa dhammaan xilalkii Wasiirku qaban jirey, marka uu maqan yahay ama uu si ku – meel – gaar ah xilka u gudan Karin. 2. Wuxuu kala taliyaa Wasiirka dhammaan hawlaha Wasaaradda. 3. Fulinta hawlaha Wasiirku u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka Wasiirka. QODOBKA 79AAD HAY’ADAHA MADAX–BANNAAN 1. hay’adaha madax–bannaan waxay ka kooban yihiin oo keliya: – a)- Hanti–dhowraha Guud b)- Xisaabiyaha Guud c)- Iyo Bankiga Dhexe 2. Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madax – banaan waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumada waxaana ansaxinaya Golaha Wakiilada. Page 25 of 35 3. Hay’adaha madax–bannaan waxay u hogaansamayaan sharciga oo keliya, warbixinta hawlahoodana waxa ay siinayaa Golaha Xukuumada, iyaga oo ogaysiina siinaya Golaha Wakiilada. QODOBKA 80 AAD BANGIGA DHEXE 1. Bankiga dhexe wuxuu yeelanayaa guddi sare oo ka kooban 7 (todoba) xubnood oo kala ah: – a. b. c. d. e. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Agaasimaha Guud ee W.Maaliyada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shqaalaha 3 (sadax) xubnood oo ka kala socda Maamulka Sare ee Rugta Ganacsiga iyo Xoghayn aan cod lahayn oo noqonaya Agaasimaha Guud ee Bangiga. 2. Xil – waajibaadka Guddiga waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumada, waxaana ansaxinaya Golaha Wakiilada. QODOBKA 81AAD WAKAALADAHA 1. Dastuurku wuxuu ogolyahay in la aasaaso shirkado wadaag ah. 2. Madaxda Wakaaladaha waxaa soo jeedinaya Wasiirka ku shaqada leh, waxaana ogolaanaya Golaha xukuumada. 3. Shirkadaha Wadaaga ah Madaxdooda waxaa isla ansaxinaya Wasiirka shaqada ku leh iyo Madaxda dadka wadaaga ah (Private Sector). QODOBKA 82AAD XASAANADA HAY’ADAHA MADAXA–BANNAAN 1. Xasaanad waxaa leh: – Guddoomiyaasha Hay’adaha madax–bannaan. 2. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu soo oogi karaa Guddoomiyeyaaasha, hanti–dhowrka, xisaabiyaha guud iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyadoo oo aan loo baahnayn ogolaanshaha Golaha Wakiilada. QODOBKA 83AAD MADAX–BANNAANIDA IYO DHISMAHA GARSOORKA 1. Garsoorku wuxuu ka madax–bannaan yahay Golayaasha Xeer–dejinta & Fulinta. Page 26 of 35 2. Garsoorku wuu u madax–bannaan yahay hawlihiisa Garsoor iyo Maamulba, wuxuuna u hogaasamayaa oo kaliya sharciga. 3. Garsoorku wuxuu ka kooban yahay: – a)- Maxkamadaha Caadiga ah oo ka kooban: – Maxkamadda Sare Maxkamadaha Rafcaanka ee Gobollada Maxkamadaha darajada koowaad oo ah: i. Maxkamadaha Gobollada ii. Maxkamadaha Degmooyinka b)- Xafiiska Xeer–ilaalinta Guud, kaas oo ku yeelanaya wakiilo Gobollada & Degmooyinkaba. QODOBKA 84AAD GUDDIGA SARE EE GARSOORKA & AWOODIHIISI SHARCI 1. Guddiga Sare ee Garsoorku waa Hay’adda ugu sarraysa maamulka Garsoorka. 2. Waxaa lagu dhisayaa laguna maamulayaa xeer gaar ah oo Xukuumaddu soo jeediso, Golaha Wakiiladuna ansixiyaan. 3. Guddiga Sare ee Garsoorku waxa uu ka kooban yahay: – a)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, b)- Xeer – Ilaaliyaha Guud, c)- Saddax Garsoore oo ka mid ah Garsoorka, d)- Laba Garyaqaan oo bulshada laga soo xulay. 4. Saddexda Garsoore ee ka tirsan Garsoorka iyo labada Garyaqaan ee bulshada laga soo xulay, waxaa soo sharaxaya Golaha Xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada. 5. Guddiga Sare ee Garsoorka, waxaa awoodiisu tahay una xilsaaran yahay magacaabidda, shaqo – ka – fariisinta, beddelka, dallacsiinta, anshaxa iyo abaalmarinta Garsoorayaasha iyo Shaqaalaha kale ee Garsoorka. 6. Shuruudaha Guddiga Sare ee Garsoorku ku qaadanayo Garsoorayaasha, Qaadiyadda iyo Shaqaalaha kale ee Garsoosrka waxaa lagu qeexayaa xeerka Garsoorka (Judicial Regulation). 7. Xubnaha Guddiga Sare ee Garsoorku hal mar shaqada iskama wada casili karaan. QODOBKA 85AAD MAXKAMADDA SARE 1)- Maxkamadda Sare waa tan ugu sarraysa maxkamadaha Caadiga ah. 2)- Maxkamadda Sare waxa ay leedahay awoodda qaadista dacwadaha. Page 27 of 35 3)- Dacwadaha laga soo qaatay Racfaan ee Xukunnaddoodu ka soo dhamaadeen maxkamadaha Racfaanka. 4)- Dacwadaha idaariga ah oo iyagu toos uga bilawda Maxkamdda Sare. 5)- Fadhiga Maxkamadda Sare waa Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur– galbeed, waxayna dacwadaha ku qaadi kartaa meel kasta oo Koonfurta–galbeed ka mid ah. 6)- Tirada Garsoorayaasha xubnaha ka ah Maxkamadda Sare waa lex (6) xubnood, Guudoomiye, labo Guddoomiye ku – xigeeno iyo saddax Garsoore. 7)- Magacaabista iyo xil – ka – qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada. 8)- Garsoorayaasha kale ee maxkamadda Sare waxay ku soo baxayaan xeerka nidaamka Garsoorka. 9)- Garsoorayaasha Maxkamadda Sare hal mar xilka iska ma wada casil karaan. 10)- Maxkamada sare waxay awood u leedahay xilalka Maxkamada dastuuriga, inta laga dhisaayo Maxakamada Dastuuriga. QODOBKA 86AAD MAXKAMAD SARE AWOODEED GAAR AHAANEED Hadii cabasho ka timaado go’aan horay loo gaaray ee hirgelintiisna la joojiyay ama socdo, waxaa loo riixayaa Maxkamada sare inay go’aan ka gaarto arrinta la joojiyay. QODOBKA 87AAD MAXKAMADA SARE MARKAY U FADHIISANAYSO ARRIMO DASTUURI AH IYO AWOODEEDA 1. Tirada Garsoorayaasha waxay noqonayaan 11 garsoore oo kala ah. a) 5 (Shan) xubnood ee Maxkamada Sare b) 6 (lex) xubnood oo bulshada laga soo xulayo 2. Dacawadaha lidka ku ah: Madaxweynaha, Ku-Xigeenadiisa, Wasaaradaha, Xildhibaanada iyo Madaxda sare ee Dowlada. 3. Maxkamadda Dastuuriga ah waxa kale ay awood u leedahay, ka turjumida Dastuurka ( cadaynta iyo fasiraada Dastuurka iyo xeerarka kale) ee Dowalda 4. Is waafajinta Dastuurka, Qawaaniinta kale iyo Shareecada Islaamka. 5. Codsi sedax-meelood hal meel oo xubnaha Golaha Wakiiladda u soo gudbiyaan arrin dastuuri ah. 6. Marka qof ama ka badan ee Shacbi ah ay kusoo dacwoodaan in lagu xadgudbay xaquuqdooda. 7. Marka qayb ama laan ka mid ah Dowladda ay soo codsato in ay go’aan ka gaarto is maan dhaaf u dhaxeeya awoodaha dowladda 8. Go’aanka Maxkamadda waa:a) In ay ku ansaxaan cod 1 dheeri ah ee xubnaheeda; b) Ineeysan qarsoodi ahayn codkooada, Page 28 of 35 c) d) e) f) In la diiwaangeliyo go’aanka maxkamada In loo gudbiyo Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda; In lagu soo saaro faafinta rasmiga ah D.K.G Waxeey leedahay awood sharciyeed oo ku saleeysan Dastuurka iyo qawaaniinta D.K.G QODOBKA 88AAD SHURUUDAHA XULIDA LEXDA QOFOOD EE MAXKAMADDA DASTUURIGA. 1- Garsooraha Maxkamadda Dastuuriga ah waa inuu haystaa Shahaado kuliyad qaanuun Shareecada Islaamka oo la’aqoonsanyahay ama Shahaado Kuliyad qaanuun oo la’aqoonsan yahay. 2- Waa in uu leeyahay waaya aragnimo ugu yaraan 5 (shan) sanadood ah. 3- 6-da (lexda) xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ahi ee Bulshada laga soo xulay waxeey dhamaan xuquuqaha kala mid yihiin, Garsoorayaasha Maxkamadda Sare. QODOBKA 89AAD LUMINTA XUBINNIMADA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH Luminta xubinnimada Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa loo cuskanayaa Qodobka 62- ee Golaha Wakiilada. QODOBKA 90AAD MAXKAMADAHA RAFCAANKA 1Fadhiyada Maxkamaddaha Racfaanku waa magaalda madaxyada gobolada. 2Maxkamaddaha Racfaanku waxa ay qaadaan dacwadaha racfaanka laga soo qaatay ee xukunadoodu kasoo dhamaadeen Maxkamadaha darajada 1-aad (Gobolada iyo Degmooyinka). 3Awooda maxakamada racfaanku waxa ay ku egtahay gobolkeeda. 4Tirada Garsoorayaasha maxkamada racfaanku ugu yaraan waa 3 (sedax) 5Shuruudaha Garsoorayaasha loo qaadanayo Maxkamada Racfaanku waa in ay heeystaan Shahaado Kuliyada Shareecada Islaamka oo la’aqoonsan yahay ama shahaado kuliyad Qaanuun oo la’aqoonsanyahay. QODOBKA 91AAD MAXKAMADAHA DARAJADA KOOWAAD 1)- Maxkamadaha Darajada Koowaad ee Degmooyinku waa Maxkamadaha ay ka bilawdaan dacwaduhu nooc kasta ha ahaadeene, kuwa ciqaabta iyo kuwa Page 29 of 35 madaniga ah iyo arrimaha qoyska marka laga reebo dacwadaha idaariga ah oo iyagu ka bilawda maxkamadda Sare. 2)- Tirada Garsoorayaashu ama Qaadiyada maxkamadaha darajada koowaad waxay ku soo baxayaan xeerka nidaamka garsoorka. XUBINTA 9-AAD QODOBKA 92AAD XEER ILAALINTA GUUD 1)- Xarunta Xeer–Ilaalinta Guud waa caasimadda Dowlad Gobolleedka Koonfurta– Galbeed. 2)- Awoodda Xeer – ilaaliyaha Guud waxa ay ku fidsan tahay dhulka Koonfurta Galbeed oo dhan. 3)- Magacaabistiisa iyo xilka – qaadistiisa Xeer – ilaaliyaha Guud waxaa soo jeedinaya Gudiga sare ee garsoorka, wuxuuna u gudbinayaa Waziirka Caddaalada, Waziirka wuxuu u gudbinayaa Golaha Waziirada, waxaana ansaxinaya Golaha Wakiiladda. 4)- Xafiiska Xeer – ilaalinta Guud waxa uu ka kooban yahay: – a- Xeer–Ilaaliayaha Guud b- Ku–xigeenadiisana oo laba ah c- Gobol walba waxaa ka joogaya hal xeer ilaaliye oo wakiil ka’ah xafiiska xeer ilaaliyaha guud. QODOBKA 93AAD AWOODAHA IYO XILALKA XEER–ILAALIYAHA GUUD 1)- Xeer–ilaaliyaha Guud, waxa uu awood gaar ah u leeyahay in uu dacwad ku oogo kagana muddaco cid kasta maxkamadaha hortooda. 2)- Xeer–ilaaliyaha Guud, waxa uu u xilsaaran yahay: – a- Ilaalinta ama dhowrista sharciga iyo ka–hortagga dhaqan xumada. b- Baarista, oogista iyo ku muddaca dambiyada Maxkamddaha hortooda. c- Kormeeridda xabsiyada iyo xarumaha dhaqancelinta, d- Ilaalinta iyo difaaca xuquuqaha Agoonta, Dadka aan dhimirkoodu dhammayn iyo cid kasta oo u baahan daryeel sharci. QAYBTA 3-AAD XUBINTA 9-AAD QODOBKA 94AAD DAMAANAD–QAADKA GARSOORKA (JUDICIAL GUARANTEES) Page 30 of 35 1)- Garsoorayaashu kama shaqayn karaan shaqo ka hor imaanaysa Garsooridooda. 2)- Garsoorayaasha laguma faragelin karo hawlahooda garsoor. 3)- Dhegaysiga dacwaduhu waa u furan yahay dadweynaha, hase yeeshee, Garsooruhu waxa uu soo saari karaa amar dacwadda albaabada loogu xiro, sababo liddi ku ah dhaqanka wanaagsan, caafimaadka iyo nabadgelyada guud awgood. 4)- Lama soo saari karo lamana ridi karo go’aan Maxkamadeed haddii aan dhinacyada is haya dacwadda laga wada qaybgelin si ay isu difaacaan, haddii aan qaanuunka si kale u sheegin. 5)- Go’aannada Garsoorka iyo awaamirta la xiriirta waa in ay sababaysnaadaan, waxaana loo duri karaa si sharciga waafaqsan. 6)- Maxkamaddu qofka waa in ay u sheegtaa dembiga uu ciqaabta ku mutaystay. QODOBKA 95AAD XILALKA GARSOORKA 1)- Mas’uuliyadaha, awoodaha iyo shaqooyinka Garsoorka waxaa xaddidaya Qaynuunka (Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Koonfur Galbeed). 2)- Waxaa si sharci ah lagu dhisi karaa laamo Maxkamaddeed oo ka mid ah Maxkamadaha darajada koowaad, sida qaybta ciqaabta, qaybta madaniga ah iyo qaybta arrimaha qoyska. 3)- Maxkamad ciidan waxaa la dhisi karaa oo keli ah xilliga dagaalka. 4)- Wakhtiyada nabada Maxkamadaha ciidamadu waxa ay qaadi karaan oo keli ah dacwadaha ciidanka khuseeya. QODOBKA 96AAD XASAANADA GOLAHA GARSOORKA 1- Golaha Garsoorka xasaanad ayuu leeyahay. 2- Garsoore lama baari karo jirkiisa, gurigiisa iyo gaarigiisa midna, lama qaban karo haduusan faraha kula jirin fal dambiyeed culus. 3- Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa garsoore kasta iyadoon loo baahan oggolaanshaha Golaha Sare ee Garsoorka. QAYBTA SHANAAD XUBINTA 10AAD MAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA QODOBKA 97AAD BAAHINTA MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA 1- Dowladda Koonfur-galbeed waxay ku dhaqmeeysaa Mabaadi’da baahinta xukunka, kaas oo ah in la doorto Gudoomiyaha Gobolka 4-tii (afartii) sanaba 2 (laba) mar. Page 31 of 35 2- Xukuumada ayaa u xilsaaran dib-u-habaynta iyo xadaynta Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed. 3- Shuruudaha lagu dooranayo Golaha Xeer-dejinta Gobolada iyo Degmooyinka waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah. QODOBKA 98AAD AWOODA IYO WAAJIBAADKA GUDOOMIYEYAASHA GOBOLLADDA 1- Waajibaadka iyo xilka Gudoomiyeyaasha Gobolladda waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah. 2- Gudoomiyeyaasha Gobolladda ayaa u sareeya Madaxda Laamaha Dowladda ee Gobolada, iyagaana guddoominaya shirarka Guddiga Hor-umarinta iyo kan Nabad-gelyada. 3- Waxaa ay kormeer howleed ku leeyihiin dhamaan shaqaalaha Dowladda ee Gobolada. 4- Guddoomiyeyaasha Gobolladda ayaa guddoominaya kulamada ay isugu imaanayaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo 6 (lex) biloodba mar dhacaya. 5- Waxay isku xirayaan maamulka Dowladda Koonfur-Galbeed iyo tan Gobolada. QODOBKA 99AAD HABKA MAAMULKA DEGMOOYINKA 1- Degmooyinka waxay ku dhismayaan habka ismaamulka bulshada. 2- Waxaa jiraya Gole Xeer-dejin (District Council) ee degmo oo ay dooranayaan dadwaynaha deegaanka. 3- Waxaa jiraya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen Gollaha Xeer-dejinta Degmada oo ay iska soo dhex dooranayaan 4 (afar) sanaba mar. QODOBKA 100AAD -AAD WAAJIBAADKA GOLLAHA DEGMOOYINKA i. Waajibaadka Gollaha Degmooyinka waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah, ka hor intaan la dooran. ii. Tiradda Guddiyadda Xeer-dejinta Degmooyinka waxaa lagu xadidayaa baahida deegaanka, iyo tirada dadka. iii. Guddoomiyaha Degmada iyo Ku-xigeenkiisa ayaa soo jeedinaya wixii talo hor-umarinta deegaanka ah, waxaana ansixinaya Gollaha Xeer-dejinta Page 32 of 35 degmada, waxayna soo jeedinayaan qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulsho iyo Nabadgelyo. QODOBKA 101AAD AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMOOYINKA 1- Golayaasha Degmooyinka waxay yeelanayaa xeer midaysan oo xukuumada dowladad Koonfur Galbeed ay dejiso, Golaha Wakiiladuna ay ansaxiyaan. 2- Golayaasha Degmooyinka waxay u xilsaaran yihiin:a) fulinta dhamaan qorshooyinka Dowlada ee heer Degmo ee ku wajahan adeegyada bulshada, sida: waxbarashada, xanaanada xoolaha, beeraha, nabadgelyada, biyaha, korontada, isgaarsiinta, horumarinta caafimaadka, ilaalinta deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee awoodu gaarto. b) Kala xadaynta awooda maamul iyo canshuureed ee Dowladda Koofur Galbeed iyo Degmooyinka waxaa lagu caddaynayaa xeerka xiriirinta Dowladda Koonfur Galbeed, Goboladda iyo Degmooyinka oo ay soo saareeyso Xukuumadda, Golaha Wakiiladana ay ansixinayaa. QODOBKA102AAD LUMINTA XUBINNIMADA EE GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMOOYINKA Luminta xubinnimada Golaha Xeer-dejinta Degmooyinka waxay ku imaaneysaa markii ay dhacdo arinta ku xusan qodobka 62-aad ee dastuurkan oo ah luminta Golaha Wakiilada. QODOBKA 103AAD KALA DIRISTA GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMOOYINKA Golaha Xeer-dejinta Degmooyinka waxaa lagu kala diri karaa haday dhacdo arrinta ku xusan Qodobka 67-aad ee dastuurkan oo sheegaya sida lagu kala dirayo Golaha Wakiilada. QAYBTA SHANAAD XUBINTA 11-AAD QODOBO KALA DUWAN QODOBKA 104AAD KALA GADASHADA HANTIDA UMMADDA Page 33 of 35 1- Waxaa reeban kala gadashadda hantida ummadda, hadii aan Dowladda dhinac ka’ahayn. 2- Dowladda ma’iibin karto hanti ummaddeed oo qiimaheedu ka badan yahay $100,000 ( boqol kun doolar-ka mareeykanka ah) hadii aan Golaha Wakiiladu ogolaan. QODOBKA 105AAD LA WAREEGIDA HANTID GAAR AHAANEED . 1- Hanti qof uu leeyahay sida xeerka waafaqsan lalama wareegi karo dan guud mooyee, iyada oo markaana la bixinayo mag dhaw munaasib ah. 2- Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegida hantida gaar ahaaneed. QODOBKA 106AAD ILAALINTA SHAQADA 1- Dowlada waxay xil iska saareeysaa shaqo abuurista iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. 2- Waxaa reeban shaqo qasab ah, hadii aan qaynuunku si kale u tilmaamin, xeer gaar ah ayaana lagu sii faahfaahin doonaa. 3- Shaqaale kasta wuxuu xaq u leeyahay mushahar u dhigma shaqada uu qabto. 4- Shaqaale kasta wuxuu xaq u leeyahay maalin nasasho ah todobaadkiiba, fasax sanadeed iyo ciidaha uu qaynuunku jideeyay, iyada oo aan xuquuqda qofka wax loo dhimin. 5- Dowladda waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba. 6- Shaqaalahu waxay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan banaanbax ama shaqo joojin, markii laga reebo ciidamada sida xeerka waafaqsan. 7- Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada uu rabo. QODOBKA 107AAD BADBAADADA SHAQAALAHA 1- Dastuurku wuxuu u balan qaadayaa shaqaalaha mid ciidan iyo mid madaniba xaqa howl-gabnimo. 2- Muwaadin kasta oo xil u haya Dowladda oo ay wax gaaraan, ama jirrada, ama howl-gaba, wuxuu xaq u leeyahay daryeel qaynuunka waafaqsan. QODOBKA 108AAD CIIDAMADA DOWLADDA KOOFUR-GALBEED Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed waxay ka kooban yihiin: a) Booliiska b) Daraawiishta Page 34 of 35 c) Nabad-sugidda d) Asluubta QODOBKA 109AAD HABKA DHAQAN-DHAQAALE D.K.G 1- Dowladda K.G waxay ku dhaqmaysaa habka dhaqan-dhaqaale ee suuqa xorta ah,( free market ) waxayna hirgelinaysaa, damaanadna siineysaa maalgelinta dalka, mid waddani iyo shisheeye ahba. 2- Habka ganacsiga waa tartan furan. 3- Waxaa reeban qodob ka hor imanaya tartanka ganacsiga ah. QODOBKA 110AAD DARYEELKA DEEGAANKA 1- Waxaa reeban nabaad-guurinta iyo xaalufinta ( badda iyo Barigaba) iyo saamaynta deegaanka Bad, Cir iyo Bariba, dhoofinta dhuxusha, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhirta qoyan iyo tan qalalanba. 2- Waxaa reeban dhoofinta xoolaha dhedigga ah. 3- Waxaa reeban ugaarsiga iyo dhoofinta duur-joogta. 4- Dastuurka waxa uu mamnuucayaa deegaamaynta meelaha aan ku haboonayn. QODOBKA 111AAD DHAARTA XILKA Qof kasta oo xil sare u qaadaya D.K.G waxaa dhaarinaya gudoomiyaha Maxkamada sare ama qof wakiil ka’ah wuxuuna ku dhaarinayaa sida soo socota: ( waxaan ku dhaaranayaa magaca illaaheey in aan diinta Islaamka xurmeeyo, Dastuurka dalka DKG iyo qawaaniintiisa dhowro, xilka la’ii dhiibayna daacadnimo ku guto, dalka iyo dadkiisana lillaahi ugu adeego). QODOBKA 112AAD WAX KA BADALIDA DASTUURKA 1- Wax ka badelidda dastuurtka waxaa ka go’aan qaadanaya Golaha Wakiilada marka ay soo jeediyaan 1/3, xubnaha golaha xukuumada ama 5,000 (shan kun) qof oo cod bixiyeyaal ah. 2- Marka hore cod bixintu waa ¾ ee xubnaha Golaha Wakiilada, marka labaadna waa sidoo kale. 3- Laba kal fadhi oo isku xigta, ugu yaraanna bil u dhaxayso ayaa Dastuurka wax looga bedeli karaa. QODOBKA 113AAD BALLANQAADKA DASTUURKA 1- Dhamaan qawaaniintu waxay ka min guursanayaan dastuurka. Page 35 of 35 2- Hadii ay cabasho ka timaado qof ama xafiis, Maxkamaddi u aragto maangal arrintaas, Maxkamaddi xukuntay ama xafiiska go’aamiyay oo laga keeno arin cusub, waxay u fureysaa dib-u-eegid. 3- Hadii ay cabasho ka timaado go’aan horay loo gaaray ee hirgelintiisana la joojiyay ama socday, waxaa loo riixayaa Maxkamada sare inay go’aan kasoo gaarto arinta la joojiyay. QODOBKA 114AAD NUQULKA RASMIGA AH EE DASTUURKA Nuqulka afka Soomaaliga ku qoran ee Dastuurkan waa kan leh aqoonsiga rasmiga ah, wuxuuna dhaqan galayaa____________________________________
© Copyright 2024 ExpyDoc