Gr 5 Somali Curriculum Content 2014-15

Shelley Willot
Agaasimaha Manhajka
Teleefan: 636-733-2151
Iimayl: [email protected]
Stefanie Steffan
Teleefan: 636-733-2146
Iskuduwaha Suugaanta K-5 iyo magacaabista Mashruucyada
Iimayl: [email protected]
Stephanie Nauman
Teleefan 636-733-2154
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay Xisaabta Dugsiga Bilowga ah
Iimayl: [email protected]
Susanne Moar
Teleefan: 636-733-2142
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, Sayniska Dugsiga Bilowga ah
Iimayl: [email protected]
Katie Nease
Teleefan: 636-733-2117
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, Cilmiga Bulshada
Iimayl: [email protected]
Mark McHale
Teleefan: 636-733-2147
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, Farshaxanka Wanaagsan
Iimayl: [email protected]
ISKUULKA DEGMADA
ROCKWOOD
WAXYAABAHA UU
XAMBAARSAN YAHAY
MANHAJKA
iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
2014 - 2015
FASALKA 5
Eddie Mattison
Teleefan: 636-733-2115
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, PE/Health/ Driver's Ed
Iimayl: [email protected]
Wixii macluumaad dheeri ah oo ku saabsan, eeg bogga shabakada
Degmadu ay leedahay oo ah www.rockwood.k12.mo.us
Daabacaadii Iskuulka Degmada Rockwood
Waaxda Manhajka - June, 2014
ISKUULKA DEGMADA ROCKWOOD
BAYAANKA HOWSHA
"Waxaynu sameynaa wax kastoy nagu qaadato
inaanu hubino in ardayda oo idil garowsadaan
kartidooda"
Waalidiinta qaaliga ahow:
Guddiga Waxbarashada ee Iskuulka Degmada Rockwood waxay si rasmi ah
u ansixiyaan dhammaan manhajka qoran ee ay ardaydu leeyihiin ee
qeybaha maadada iyo koorsooyinka shaqsiyaadka ay Degmadu siiso.
Guddiga manhajka waxa uu ka kooban yahay macalimiinta, waalidiinta,
maamulayaasha, iyo ardayda inay raacaan hanaanka horumarinta
manhajka rasmiga ah si go'aan looga gaaro heerka caadiga ah, xirfadaha, iyo
in la maareeyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay fasal kasta heerkiisa iyo
koorsadiisa. Iyadoo loo marayo hanaankan rasmiga ah, qeyb kasta oo uu
manhajkan xambaarsan yahay sidoo kale waa lagu noqday oo loogu simay
heer gobol iyo mid qaranba.
Guddiga manhajka sameynaya waxay si rasmi ah ugu muraajacoodaan
suugaanta iyo waxbarida ugu dambeysa iyo ku dadaalida waxbarashada
qeybaha ay xambaarsan tahay; inay falanqeeyaan baaraan jawaabcelinta ka
imaaneysa waalidiinta, ardayda iyo shaqaalaha; imtixaanna ka qaadaan
guulaha laga gaaray xogta leh qeybaha gaarka ay xambaarsan tahay. Waxay
sidoo kale ka kooban tahay hanaankan la fahmi karo, waa xog ammaan ah
iyo jawaabcelinta dokumintiyada ka yimid shaqaalaha kuleejada/jaamacada
iyo jaaliyada.
Ujeedada warqadan yar ee iidhehda waa inay ka hadasho macluumaadka ku
saabsan waxa ay arday tahay in ay ogaadaan ayna awoodi karaan inay ku
qabtaan heer fasal kasta, fasalada K-5. Waxa ku jira warqada yar ee
iidhehda waa waxyaabaha ay xambaarsan tahay ee aasaasiga ah iyo
xirfadaha ka imaanaya dokumintiyada manhajka ee kor lagu soo qeexay.
Nuqulada dokumintiyada manhajka K-5 waxay dhammaan ku yaaliin
maktabadaha iskuulka bilowga ah.
Balanqaadka heerkiisu aad u sarreeya oo hubiya qalinjebinta Rockwood
ayaa waxay awoodaan inay soo buuxiyaan caqabadahaha nolosha dhabta ah
ee howsha jaaliyada iyo/ama macaahida dugsi sare kadib waa yoolkeena ugu
dhaqsiyaha badan. Waynu soo dhoweynaynaa fursada aynu wax ku bareyno
cunugaaga oo aan la shaqeyno qoyskaaga.
Shelley Willot
Agaasimaha Manhajka
KOOXDA MUUSTIKAALEYDA - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Sameynta
Isticmaal xirfadaha sameynta si aad u muujiso fikradaha muusikada.
Soosaaris dhawaq, meel, muyuusigyaqaan
Sameey koox muustikaaley ah ee wata qalab kala duwan oo ka tumaya
qeybo kala duwan.
Aaladaha muusikada
Soo bandhig qalab muusig iyadoo loo maraup xirfadaha akhriska iyo
kala dhexgalka la tumo oo la heesay (tababarka maqalka). Ka cayaar
muusikada furayaal kala duwan iyo waqtiga sixiixyada.
Ra'yi ka dhiibashada Bilicda iyo Muusikada
Falanqeey, cambaarrey, oo isbarbardhig muusikada kala duwan.
Sheeg jawaabaha shaqsiyanka ah ee muusikada.
Ka jawaab oo dhaleeceey sameynta adigoo dheelaya meesha, u qoro
qoraalkaaga gaaban ee saxa ah iyo soosaarista dhawaqa luuqda.
Isbarbardhiga iyo kaladuwanaanshaha noocyada muusig xiriira iyo mid
keliya ah.
Isdhexgal
Isku xiriirin ku samee anshaxa fanaanka iyo kuwa aan fanaanka aheyn.
Isku xiriirin ku samee oo u dhexeysa muusikada kooxda wada tunta iyo
anshaxa dadka aan fanaanka aheyn.
Isku xiriirin ku samee oo u dhexeysa muusikada iyo luuqada
fanaaniinta.
Taariikhda Muusikada
Isbarbardhiga iyo kaladuwanaanshaha Bach iyo Beethoven ee nuxurka
taariikhiga.
WAXBARASHADA CAAFIMAADKA/JIRKA - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo XIRFADAHA AASAASIGA
Xirfadaha
Xirfadaha dhaqaaqa:
Socod, Lug ku boodid, Boodboodid lugo dabran, Afar -qaadleyn, Boodid, Orod, Taraarixin,
Garaangarin
Xirfadaha aan-dhaqaaqa laheyn:
Riix, Jiid, Qaloocin, Iskalabixin, Maroojin, Rogid, Qaadid, Jiljilid, Joojin, Ugambin,
Isudheelitirid
Xirfadaha Dabaraada leh:
Gudbida, Tuurista, Qabashada, Garaacista, Laadida, Baleejeyn, (gacan iyo lug),
Tacshiiradeyn
Dulucda
Movement Ed
Meesha nafta ama shaqsiga u banaan, meesha banaan ee guud, tilmaamaha, heerarka,
dhabaha, siyaadada, waqtiga, xoojinta, iyo israacinta; Qeybaha jirka, dareenka
dhaqdhaqaaqa, jirkoo ku jira meel banaan, jirkoo xiriir la leh qeybaha kale; Ku
koobnaanta laba ama in ka badan oo Dhaqaajiye ah/dhaqdhaqaaqa aan xirfada aheyn; Ku
koobanaanta xirfadaha dabbaraada; dhaqdhaqaaq waqtiyeysan ee la xiriira
caqabadaha/kaladuwanaanshaha kale; Iyadoo shayga lagu dhowrayo dhaqdhaqaaq sii
socda; Si sax u marida shuruudaha cayaarta.
Fitness Ed
Qaab nololeed fircoon, faa'iidada badan jirka iyo maskaxda labadaba ugu jirto, Tayada
nolosha, Loodinta, Xooga, Dulqaadka, Hal abuurka jirka, Isbedel dikaanka wadnaha,
Hiigsashada dikaanka wadnaha, howlaha jineestikada iyo jirdhiska, Saddex qeybood oo
jirdhis ah: isdiirin, ka shaqeysiin jir, Is dejin; Soo noqnoqoshada, Darnaasho, Waqti
(F.I.T.), Qiimaha ay leeyihiin ka shaqeysiinta jirka.
Socialization/Cooperation Ed
Shuruucda iyo qawaaniinta guud ee fasalka; Shuruucda cayaaraha iyo waxqabadka; Ka
warqabka iyo xakameynta jirka; Qawaaniinta badbaadada marka la isticmaalayo qalabka;
Xirfadaha dhegeysiga; Cayaarta wadashaqeynta; Xushmeynta dadka kale; Xushmeynta
shuruucda; Cayaartooynimo; Xalinta dhibaatada; Is anshixinta, Koox dhisida; Yool
degsasho; Go'aan gaaris; Xalinta dhibaatada; Halis u bareerid.
Health Ed
Dhiska wareega (Halbowlaha, Xididada, Tiftaafyada, Afarta qeybood ee wadnaha)-neefsiga
(Sanka & Afka, Hunguriga cad, tuubooyinka taga sambabada, sambabada iyo kiishashka
yaryar ee hawada sifeeya) dhiska (Ku noqoshada qeybaha, sidey isula shaqeeyaa, wareega
dhiiga u qulqulo, marinado ogsijiinta), Muruqeed iskood/aan iskood u taagneyn, Ubucda,
Muruqa hore ee Misigta)-qalfoofeed (Cududa, Bowdada, Kuraan, Kalxanta, Kalagoyska)
dhiska (Ku noqoshada qeybaha, sidey isula shaqeeyaan, kalagoysyada, tahar, seedka,
carjaw), Dheefshiidka (howsha dheefshiidka, Afka, Hunguriga madow, Caloosha,
Xiidmaha yaryar, Xiidmaha waaweyn)-dhiska qashin tuurka (sidey isula shaqeeyaan,
Dhiska dareenka (Fikirka, dareenka, dhaqaaqa, isu dheelitirnaanta, Isudabaridida,
Meelaha dareemaha maraan, qeybaha muraajacada), Qabatimida maandooriyaha - Dib u
xoojintamacluumaadkii hore ee ku saabsanaa isticmaalka daroogada iyo xadgudubka
(barnaamijka D.A.R.E.), xirfadaha diidmada (Go'aan gaarista, cadaadiska asaaga,
duufsiga warbaaahinta), Daryeelka caafimaadka shaqsiyanka ah - Koriinka iyo
horumarka; Wiilasha: fayoqabka iyo isbedelka jirka, Gabdhaha: fayoqabka, isbedelka
jirka, Nafaqada(MyPyramid, Lixda nafaqo ee aasaasiga ah(ilaha, shaqada), Ka turjumida
dhejinta warqada yar ee cuntada ee sameynta kala xulashada cuntada, Qorsheynta
cuntada caafimaaadka lahe, gacmo ku haynta cuntada badbaadada leh, duufsiga
saameeya kala xulashada nafaqeysan, kaoris.
SUUGAANTA LUUQADA - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo XIRFADAHA AASAASIGA
Akhriska
Isticmaal xeeladaha sida isku xiriirin sameynta, su'aalida qormada, muqaal u
sameynta iyo sameynta go'aan wax lagu saleeyo intaad akhrinayso si aad u
kordhiso fahanka.
Akhri wixii macluumaad ah, maaweelo, oo si aad u raacdo tilmaamaha.
Si fasiix ah u akhri buuggaagta fasalka shanaad iyo adigoo fahmaya.
Ku hagaaji heerka akhriska nooc qormada ay adag tahay.
Sameey natiijada ku saabsan walxaha sheekada (gundhiga, dabeecadaha,
dhibaatooyinka, dhacdada iyo xalka) iyo mowduuca/fikirka/ fikrada ugu
muhiimsan/ faahfaahin aan khayaaliga aheyn.
Fahan oo isticmaal erayada cusub ee fasalka shanaad.
Soo koob oo si kale fudu u dhihida qormada khayaaliga ah iyo kuwa aan
khayaaliga aheyn.
Cadeey oo sharax tirada luuqada (qofeyn, isbarbardhig, iyo masal.
Ku deeq cadeynta akhriska madaxbanaanida.
Qoraalka
Isticmaal hanaanka qorista lagu sameynayo faqro ka dhaadhicin iyo faqro badan
ee maqaalo bandhig, sheekeyn leh, iyo faqrado qeexan.
Ku noqo qoraalka si aad isbedel ugu sameyso fikirka, ururka, xulashada erayga,
fasiix ahaanshaha jumlada, iyo codka.
Iskudabarid qoraalka si aad u raacdo sharciyada hingaada Ingiriiska, Xaraf
weyneynta, astaameynta iyo heshiiska ka dhexeeya ficil sameeyahay-falka.
Qor jumlada wada jirta oo leh xiriiriye isu dabarida.
Qor far gacan oo la qaadan karo oo isku dardarsan.
Cilmi baaris ku samee oo Baro Xirfadaha
Ka jawaab su'aalaha oo taakuleynta qoraalka ahaan ku saleysan ee aan horey
loogu arag aaladaha heerka fasalka.
Dhameystir oo ka turjun abaabulayaasha garaafka ee qormada qayaaliga iyo tan
aan khayaaliga aheyn.
Hag boggaga shabakadaha si aad u hesho macluumaad la xiriira.
Qiimee sax ahaanshaha iyo isku haleynta ay leedahay macluumadka.
Qoraal ahaan ku qir isha macluumaadka laga helay.
Ku hadalka/Dhegeysiga/Daawashada
Sameey faallo la xiriirta inta dooda lagu jirey ee dhista fikradaha dadka kale.
Cadeey mowduuca/fikrada muhiimsan iyo faahfaahsan ee ka timid qudbada.
Turjun micnaha warbaahinta muuqaalka sida garaafka, tabelaha, ama
maqaalahada jariirada.
XISAAB - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Shaqo xisaabeed iyo Ka fikirka Aljabrada
Si fasiix ah 144 isugu dhufo oo qeybi.
Qor oo turjun muujinta tiro ahaanta.
Hel dhamaan laba labadii kuu soo baxday ee tirooyinka oo idil ee u dhexeeya 1-144.
Garaaf amray laba labadii ee diyaarad isudabaridan
Cadeey sicirka degdega ee isbedelay.
Si karti leh isugudhufo tirooyinka xisaabta badan.
Hel tirada guud laba tiro tiradii kasoo baxday oo la isu qeybshay ilaa afar tiro
qeybsan iyo laba tiro oo kala qeybiso ah.
Kudar, kajar, kudhufo, oo u qeybi jajab tobanle ah oo boqolley ah.
Tirooyinka iyo Shaqo xisaabeedka oo gundhig u ah Toban
Fahan xiriirka meesha qiimaha.
Akhri, qor, oo isbarbardhig, jajab tobanle isu bedeleysa kummaad.
isticmaal meesha qiimaha adigoo fahmaya inaad wareejiso jajab tobanleyda meel
kasta.
Isticmaal bandhiga tirada guud si ay kuu tusido awoodaha 10 leeyahay.
Tiro iyo shaqo xisaabeed - Jajab
Kudari oo kalajar jajabka oo aan la mid aheyn hooseeyayaal.
Xali dhibaatooyinka eray ee ku lug leh kudarista iyo kala jarida jajabka ah.
Ka turjun jajaba sidii kalaqeybin leh tiro iyadoo hooseeyayaal ah (a/b = a ÷ b).
Jajabka iskudhufashada.
Ka turjun iskudhufasahda sidii miisanka.
Xal dhibaatada dunida dhabta ah oo ku lug leh iskudhifashada jajabka leh iyo
tirooyinka iskuqasan.
Ku dabaq oo ballaari fahankii hore ee qeybinta ka dhig qeynta jajabka oo loo qeybiyo
tirooyinka oo idil iyo tirooyinka oo idil qeybta jajabka ah.
MUUSIG - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo XIRFADAHA
AASAASIGA
Sameynta
Soo bandhig daan nastay kala dhacay, shaqalo waadix ah, iyo qaab
sitaag sax ah.
Heeso taxane ah oo la soo bandhigo ku hees oo kala duwan oo ay ku jirto
heeso laga keenay Kacaankii iyo Dagaaladii Sokeeye.
Soo bandhig waxaadan soo qorsheyn oo miisaan leh.
Aaladaha muusikada
Soo bandhig sameyn sarreysa, miisaan leh, oo muqaafaqo ah.
Soo bandhig waqtiga guud ee tirin xisaabeedka dhaqanka ah.
Soo bandhig mid weyn, muusig garaacid tartiib ah, kucelcelis muusig
xawaare leh, iyo muusig garaac boobsiis ah,
Soo bandhig aqoonta qalabka qoys kasta (kabanta, turumbada alwaaxda
ka sameysan, turumbada naxaasta ka sameysan, iyo durbaanada).
Ra'yi ka dhiibashada Bilicda iyo Muusikada
Sheeg quwada muusikada ay leedahay sameyn ugu yeelato isbedelka.
Adeegso eray bixino muusigeed si loogu barbardhigo loona kala duwo
shaqooyinka ka imanaya Dagaalka Sokeeye, iyo xilligii Baroque.
Soo bandhig aqoonta: laba qeyb heeso ah, mowduuc iyo kala
duwanaasho.
Isdhexgal
Isku xiriiri muusikada Mareykanka xilligii Dagaalka Kacdoonka iyo
Dagaalka Sokeeye ee taariikhda Mareykanka.
Taariikhda Muusikada
Sharax dulucda taasoo Beethoven iyo Beethoven muusik ku abuureen.
FARSHAXANKA - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo XIRFADAHA AASAASIGA
Soosaarista Farshaxanka - Aaladaha uu leeyahay Farshaxanka
Samee shaqofarshaxan taasoo loo isticmaalo xariiqin inay ku tusido baaq.
Samee shaqooyin farshaxan taasoo ku tusida qorsho dhameystoran oo midab is
shabaha
Samee shaqooyin farshaxan kaaso muujinaya isdhaafsiiska qotoda dheer iyadoo loo
marayo isticmaal ku kooban isbedelo cabbir ahaan, meeleyn iyo faahfaahinta dhinac
marka walxaha.
Samee shaqooyin farshaxan kaasoo muujinaya saami tirooyinka iyo walxaha
degaanka yaala.
Samee shaqo farshaxan taasoo muujinaysa xoojinta loo marayo isbedelka
faahfaahinta iyo cabbirka.
Samee shaqo farshaxan taasoo muujinaysa hooris iyo dhaqdhaqaaq.
Soosaarista Farshaxanka - Xirfadaha Warbaahinta iyo Howlaha
Samee rinjiyeen midab biyood adigoo isticmaalaya qoyaan la qoyey, qoyaan la
qalajiyo, iyo farsamooyinka milixda.
Isticmaal rinjiga si aad isugu qasto midabka xoogan .
Samee gabal dhoobo la dhaleeyey iyadoo loo isticmaalayo qaab la qanjaluufay, la
foomokiilay, ama lagu dharbaaxay.
Samee daabacaad adigoo isticmaalaya warbaahin la isku qasay ama farsamo kale.
Soosaarista Farshaxanka - Ujeedka Arinta iyo Mowduuca
Samee sawir dhul fidsan oo doog leh oo muujinaysa isdhaafsiis qoto dheer iyadoo la
fiirinayo dabiiciga.
Samee howlfarshaxan rasmi ah taasoo muujinaysa mowduucyada soosocda:
Mareykanka iyo adduunka.
Ka jawaabcelinta Farshaxanka
Ka hadal oo horumari jawaabaha su'aalaha ku saabsan farshaxanka:
•
Yaa go,aamiya inay shaqo farshaxan mid fiican, qiimo badan ama khaas tahay?
Isticmaal Howsha Cambaareynta Farshaxanka;
Sharaxaad ka bixi howlahan farshaxan ee soo socda: Layman isku gudban, qaab
calaamadeed/calaamadeysan,,qaab dhalanteed, qaab isku dhafnaan oo midabo caadi
iyo kuwo dhexdhexaad, isku dheelitirnaan iyo kala duwanaansho, dulucda iyo
fikradaha.
Taariikhda Farshaxanka
Isbarbadhiga kaladuwanaanshaha qaababka farshaxaniistaha, isticmaalka
mowduuca, iyo dhaqamada.
Isbarbardhiga iyo kaladuwanaanshaha qaabka iyo ujeedka daaraha loo sameeyey
waqtiyo kala duwan iyo meelo kala duwan.
Faahfaahi shaqo farshaxan oo ka timid Mareykanka (rinjiyeyn iyo farshaxanba iyo
mid Yurub (rinjiyeyn iyo farshaxanba.
Isdhexgal
Is bar-bar dhig shaqo farshaxan iyo muusiko.
Faahfaahi sida farshaxaniistayaasha mareykanku u soo bandhigeen fikradda
sawirada.
XISAAB - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Cabbirka iyo Xogta
Isugu keen dhaatada oo samee xariiq dhul si aad ugu muujiso dhaatada u
degsan cabbiraada qeybta jajabka leh.
Isubedel cabbiraada caadiga ah ee qeybaha cabbirkoodu kala duwan yahay
(dhererka, culeyska, saamiga) ee qalabkii cabbiraada lagu siiyey oo isticmaal
bedelaadan ee lagu xalinayo tallaabo badan, dhibaatooyinka dunida dhabta ah
ka jira.
Ku dabaq xeelad si aad u hesho meesha iyo teedka leh shan geesoodka iyo kuwa
aan shangeesoodka aheyn.
Garowso xaddiga ee farshaxanka sidii tiro adke ah oo fahan fikradaha uu
leeyahay ee xaddiga cabbiraada.
Cabbir xaddiga adigoo tirinaya halbeega lix geesoodka, adigoo isticmaalaya lix
geesoodka cm, lix geesoodka in, lixgeesood ft, iyo halbeega aan qorsheyn.
La xiriiri xaddiga shaqo xisaabeedka iskudhifashada iyo iskudarka iyo xalinta
dunida dhabta ahee dhibaatooyinka xisaabaadka ee ku lug leh xaddiga.
Joomatari
Kala saar tirooyinka laba dhislinac isla eg ee kala sarreynta ku saleysan
hantida.
Sawir oo dhibco, xariijimo, xariiqaha qeybaha, fallaraha ileyska kaga dheji
(midigta, xagal ka yar, xagal daac), iyo xagal toosan xariijimo isbarbaryaala.
Cadeey isku ekaanshaha wareegid isku eg ee ku jira sawirka shangeeslaha iyo
naqshada.
Garaaf loo amray laba labada ee habka isku dubaridka.
Dhibcaha garaafka ee goobo rubuceed ee isku dabarida diyaarada oo ka turjun
qiimaha iskudabaridida dhibcaha.
SAYNISKA - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Sayniska Dabiiciga
Garowso sifaadka daacad ah oo aan eex ku jirin, oo qeex, baar, oo soo jeedi talo isbedel u keeni
karta su'aalaha la baari karo.
Cadeey oo si sax ah u isticmaal qalab ku habboon oo isu keena xogta, oo isticmaal xogta si aad u
falanqeyso oo natiijada turjun, qiimee.
Isticmaal waxyaabo u taagan sayniska oo sax ah kuna habboon (bandhig oraaheed, sawirid,
qariirado, shaxda xogta, jaantusyo, iyo qoraalo) ka hadlaya qawaaniinta iyo natiijada baarista.
Sayniska Nolosha
Garowso oo soo bandhig in isu ekaanshaha dhirta iyo xayawaanada ay yihiin aasaaska loo
isticmaalo in lagu kala saaro noocyada kooxo kooxo.
Kala sooc dhirta iyo xayawaanka oo kala saar adigoo isticmaalaya furayaal si fudud laba u kala
qeybin kara.
U kala saar xayawaanada sida kuwa lafdhabarta leh iyo kuwa aan lafdhabarta laheyn oo u kala
sii saar lafdhabarleyda laba nooc oo ay ku saleysan tahay sifadooda.
Isbarbardhig qaab dhismeed kuwaasoo ku adeegta howlqabad ay ka wada siman yihiin
xayawaanaadka leh noocyada kala duwan ee lafdhabarka.
Cadeey ifka qoraxda inay tahay isha koowaad ee dhirta tamar ka hesho u isticmaal inaad kasoo
saarto cuntadooda, oo waxaa ku xiga qulqulka tamarta iyadoo loo marayo silsilada cuntada oo
ka bilaabata Qoraxda.
Ku kala saar dadweynaha noole il ma aragtada oo sidii soosaare ama quute oo kala qeybisa
doorarkooda beey'ada.
Cadeey siyaabaha noolaha il ma aragtada ah ay u dhexgeli karaam noolayaasha kale ee il ma
aragtada ah, oo cadeey baaqyada gudaha iyo dibada taasoo sababta inay u dhaqanto siyaabooyin
kale.
Cadeey qabdhismeedka gaarka ah iyo dareemaha oo sheeg siday u caabiyaan xayawaanada inay
badbaadaan deegaamadooda, oo saadaali saameynta ugu macquulka badan ee ka saarista
noolaha il ma aragtada ah silsilada cuntada.
Cadeey oo sheeg deegaamada kala duwan oo gacan ka geysta nolosha nocyada kala duwan leh
ee dhirta iyo xayawaanada.
Cadeey tusaalooyinka ka jira Missouri halka waxqabadka bini'aadanka faa'iido iyo dhibaateyn
ugu jirtay noolayaasha il ma aragtada kale.
Sayniska Dhulka iyo Cirka
Indhoindheey oo sharax iftiinka ka soo gudbaya isha ay kasoo baxaan una gudbaya helaha
(isha) iyadoo soo mareysa dhulka xariijimo toos ah.
Ku xiriiri meesha ay qoraxda xirka uga jirto waqtiga maalintii iyo jooga iyo jihada hooska oo
tani ku xiriiri wareega dhulka uu sameeyo.
Cadeey inuu dhulka ku wareegto 24 saac mar oo ku xiriiri dhaqaaqa cad ee Qoraxda, Dayaxa,
iyo xiddigaha cirka ku jira ee wareega ku sameynaya Dhulka.
Indhoindheey oo cadeey inuu Dhulka yahay mid ka mid ah meerayaasha badan ee habka
qoraxeedka isugu jira oo ku wareega Qoraxda oo cadeey in meerayaasha ay u muuqdaan inay ku
kor dhaqaaqaan cirka iyadoo ay ku jiraann xiddigaha.
Indhoindheey oo cadeey wareega Dayaxa / Dhulka iyo isku xijinta wejiyada billaha ee dayaxa uu
leeyahay.
Sheeg tilmaamaha muuqaalada uu leeyahay meeraha Dhulka kaasoo oggolaada nolosha jirta oo
isbarbardhig kuwa muuqaalada u ah walxaha kale ee hab qorxeedka ku jira.
Sayniska Jirka la xiriira
Saadaali natiijada xooga danabka nagi ee dhaqaaqa walaxda uu sameeyo.
Dhis oo jaantus ku sameey wareeg qulqul korontoo dhameystiran adigoo isticmaalaya isha ay
kasoo baxaan, micnaheedu waxay tahay gudbiye, iyo helaha.
Kala saar aaladaha korontada gudbiya marka lagu rakibo qulqulka.
Indhoindheey oo sheeg cadeymaha gudbinta tamarta ee qulqulka taxanaha xiran.
Cadeey cadeymaha dhalanrogmashada tamarta ku imanaya qaab gudbaya qaab kale.
CILMIGA BULSHADA - FASALKA 5
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Dowlada/Barashada dowlada
Ulajeedka, shaqada iyo awooda dowlada degmada, gobolka, iyo tan qaranka
Xukunka loo badan yahay/xuquuqdoo yar.
Dowlada waxay ku xadidan tahay shuruucda.
Fahan oo codso xuquuqda qofka iyo masuuliyadaha uu muwaadinku leeyahay.
Sharax sida hogaamiyayaasha loo doorto (Codeyn).
Qaraarka Madaxbanaanida/xuquuqda aan la laajiyeen karin.
Cadeey oo sharax tobanka ugu horeeyey ee wax laga bedelay.
Federaaliyad.
Falanqeey kaartoonada siyaasadeed.
Sida sharciga loo sameeyo.
Taariikh
Farqiga u dhexeeya xisaabaadka taariikhiga ah iyo khayaaliga taariikhiga ah.
Cadeey oo samee isku xiriirin ka dhexeeya waqtiyadii waaweynaa ee Taariikhda Dadkii
Mareykanka hore.
Dhaqamada Mareykanka Dhaladka.
Saadaasha
Deegaameyntii hore Mareykanka iyo gumeysashadii
Kacaankii Mareykanka
Qoraal sameynta aan rasmiga aheyn/qoraalka gaaban ee dastuurka
Dagaalka Sokeeye
Ballaarintii Westward
Muuqaalka Taariikhiga ah
Ka sheekeynta iyo bandhiga dokumintiyada cilmiga bulshada.
Falanqeey xiriirka sababta iyo natiijada.
Dhaqaalaha
Qiimee waxyaabaha sababa dhaqaalaha ee taariikhda Mareykanka
•
Ganacsiga
•
Cashuuraha
•
Naadirnimada
•
Siinta iyo dalabka
•
Cashuurta iibsiga
•
Faa'iidada
Sharax caqabadaha go'aanada dhaqaalaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay
Juquraafi
Ku meeleey magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka.
Ku meeleey qaramada la xiriirta taariikhdii hore ee Mareykanka.
Cadeey shanta mowduuc ee juquraafiga oo la xiriiri taariikhda hore ee Mareykanka.
Gundhig sababaha iyo natiijada ay muhaajirida leedahay oo cadeey xannibaadaha saaran
guuritaanka.
Isbarbardhiga iyo kaladuwanaanshaha gobolada Taariikhda Mareykanka.
isticmaal, samee, oo ka turjun qariirada, shaxda iyo garaafyada.
Ka warqabka Dhaqanka
Sharax sida kooxaha iyo shaqsiyaadka ay raad ugu reebeyso dhacdooyinka iyo
dadka caanka ka ah Taariikhda Mareykanka.
Ka shaqeynta Sayniska Bulshada
Isticmaal tiknolojiyada si aad macluumaadka isugu keento una abaabusho.
Ku dabaq qoraal gaaban oo dhaqangal ah iyo qaabka xeeladaha.
Ka turjun kaatuunada siyaasadeed.
Difaac meesha/sida fudud ay wax kuu muuqdaan.
Ka turjun cadeymaha iskhilaafaya.
Cadeey eexda iyo aragtida.