Letter 6: Expulsion from a particular school for misbehaviour

Letter 6 – Expulsion from a particular school for misbehaviour – Decision
Ka-saarid dugsi gaar ah anshax xumo darteed – Go’aan
Magaca dugsiga Delete and insert school name
Lambarka Taleefanka dugsiga Delete and insert school telephone number
Lambarka taleefanka Xafiiska degaanka ee Department of Education and Communities
Delete and insert local Department of Education and Communities office phone number
Delete and insert parent/carer name and address
Magaca Ardeyga Delete and insert student name
Gacaliye/Gacaliso Delete and insert parent/carer name
Waxaan maanta ku wargelineynaa inaan go’aansaday inaan ka ceyriyo ilmahaaga dugsigan.
Go’aankan la gaarey asagoo waafaqsan nidaamyada Department of Education and Communities
ee ka eryidda mudo gaaban iyo ka saaridda dugsi gaar ah iyo xeerka anshaxa ee dugsigan.
ilmahaaga waxaa laga saari doona dugsigan oo keliya, tobanka maalmood ee soo socdana,
waxaan ka shaqeyn doonaa anigoo la tashanaya adiga iyo shaqaalaha xafiiska degaanka ee
Department of Education and Communities sidii loogu diyaarin lahaa goob waxbarasho oo ku
haboon taas oo bedel waxbarasho u noqota ilmahaaga.
Go’aanka ah in laga saaro ilmahaaga dugsigan waxaa la gaaray ka dib markii la tixgeliyey dukumiintiga
lagu siiyey, jawaabtii aad I siisey iyo macluumaadka aan kugu siiyey warqadeydii taariikhdeedu ahayd:
Delete and insert date of letter providing initial advice
Ilmahaaga looma ogolaan doono inuu ku soo laabto dugsigan.
Waxaan hore kuu siiyey nuqul ka mid ah xeerka anshaxa ee dugsiga (ama xeerarka dugsiga) iyo
dukumintiga nidaamyada Wasaarada ee dugsi ka-eryidda wakhti gaaban iyo dugsi ka saaridda.
Waxaan mar labaad feejignaanta ku soo jeedinayaa qaybaha nadaamka ee dugsi ka saaridda.
Haddii ay kula noqoto inaan nadaamka saxda ah la raacin kiiskan ama go’aan aan cadaallad
ahayn la qaatey, waxaad ka qaadan kartaa racfaan adoo raacaya nidaamyada. Waxaad kala soo
xiriiri kartaa xafiiska degaanka ee Department of Education and Communities lambarka taleefanka
ee sare si aad ugala hadasho nadaamka racfaanka.
Haddii aad u baahan tahay turjumaan inuu kaa caawiyo si aad ula xiriirto dugsiga ama xafiiska
degaanka ee Department of Education and Communities, fadlan ka wac Adeega Turjumaada
Taleefanka 131 450, weydiiso turjumaan luqaddaada ku hadla. Xiriiriyaha ayaa khadka soo galin
doona turjumaan kaa caawiya wada hadalkaaga. Adeegan wax lacag ah lagaama qaadi doono.
Mahadsanid
Saxiixa Maamulaha (Principal’s signature)
Taariikhda Delete and insert date
Somali