Somali

SU’AALAHA SOO NOQNOQDA
EE KU SAABSAN PENTAVELENT
1
SU’AALAHA SOO NOQNOQDA EE KU SAABSAN PENTAVELENT
Laba tallaal oo kale ayaa lagu daray tallaalkii DPTga, kuwaas oo kala ah
Haemophilus Influenzae b iyo Hepatitis B. tan macnaheedu waxa weeye
in 5 tallaal ku jiri doonaan halkii durid taasoo layiraahddo tallaalka
PENTAVELENT. Shanta tallaal waa: Gawracato, Teetano, Xiiqdheer,
Cagaarshow B, Hargabka Haemophilus nooca B. Tallaalka pentavalentku
sidaa daraadeed waxa uu ka ilaalilanayaa ilmaha shan cudur oo kala
ah: gawracato, xiiq-dheer, Cagaarshaw B, iyo nooc jeeniwareen ah iyo
Qoorgooyaha (Mininjaaytis). Hoggaamiye ahaan, shaqaale caafimaad
ahaan, iyo saxafi ahaanba waxa aad u baahantahay in aad u sheegto
cidda ka masuulka ah daryeelka caruurta muhiimadda tallaalkani u
leeyahay ilmahooda. Warqaddan xogtu waxa ay war dheeraad ah kaa
siin doontaa labada tallaal ee hadda lagu soo kordhiyay kuwii hore.
SU’AALAHA
SOO NOQNOQDA
EE KU SAABSAN
HIb
(Ifilada Haemophilus nooca b)
1
3
Waa maxay Hib?
Hib waa erayo laga soo gaabiyay Haemophilus Influenzae type b (Ifilada
Haemophilus nooca b), oo ah jeermis keena caabuqyo daran.
• Qoorgooyaha (Mininjaaytis) carruurnimada (bararka xuubabka daboolla maskaxda)
• Oof-wareen – waa caabuq ku dhaca sambabada Hilib-dalqe (Epiglottitis)
– waa caabuq ku dhaca cunaha.
• Dhiig-wasakhow (Septicaemia) – waa caabuq ku dhaca dhiigga (sidoo kale
loo yaqaano dhiig-sumow)
Markaasi waa maxay cudurka Hib?
Cudurka Ifilada Haemophilus nooca b (Hib) waa cudur kastoo halis ah ee uu
sababo Jeermiska Hib.
Waa maxay nooca jeermiska Hib?
Hib waa bakteeriya.
Hib-ka ma keenaa “ifilo’?
Maya, Hib ma keento “ifilo”. “Ifilada” waxaa keena fayruska ifilada, kaas oo gebi
ahaanba ah wax ka duwan midkaan.
Waa maxay sababta uu cudurka Hib uu dhibaato u yahay?
Cudurka Hib waa dhibaato sababtoo ah:
• Wuxuu sida badan uu sababaa jiro halis ah ama geeri.
• Qoorgooyaha Hib waa nooca ugu badan ee qoorgooyaha carruurnimada.
• Carruurta uu ku dhaco ee aan u dhiman qoorgooyaha Hib waxaa laga yaabaa in maskaxdoodu soo gaarto dhibaato weligood haysata, dhego-beel iyo maskax
dhimmanaan joogto ah.
4
•
•
•
Waa sababta labaad ee ugu badan ee keenta oof-wareenka carruurnimada ee Uganda.
Wuxuu saameeyaa carruurta aadka u yar.
Si fudud ayuu u faafaa.
Kumaa qaada cudurka Hib?
Cudurka Hib wuxuu inta ugu badan ku dhacaa carruurta da’doodu ka yar tahay
shan sannadood. Carruurta da’doodu u dhaxeyso 4 ilaa 12 bilood ayaa ugu jira
halista ugu badan.
Sidee ayuu ku faafaa cudurka Hib?
Jeermisyada Hib waxay ku abuurmaan sanka ama qaybta sare ee cunaha:
• Waxaa uu cunugba cunuga kale ugu gudbiyaa dhibco qoyaan ah oo ka yimaada
afka cunug qaba cudurka marka uu hindhiso.
• Hib wuxuu sidoo kale ku faafaa waxyaabaha carruurta ku ciyaaraan iyo waxyaabaha kale ee la wadaago.
Ma laga hortegi karaa Hib?
Haa, dhammaan cudurada Hib waxaa looga hortegi karaa tallaalka Hib.
Haseyeeshee tallaalka Hib loogama hortegi karo cudurka ay keenaan jeemisyada
kale tusaale ahaan cunug wuxuu qoorgooye ama wareento ka qaadi karaa
jeermisyo kale.
5
3
Yaa la doonayaa in uu qaato tallaalka Hib?
Dhammaan carruurta aadka u yar ee da’doodu ay ka bilaabanto 6 toddobaad waa
in ay qaataan tallaalka Hib.
Goormee ayay carruurteenna qaadanayaan tallaalka Hib?
• da’da 6 toddobaad
• da’da 10 toddobaad
• da’da 14 toddobaad
Carruurta waaweyn ma u baahan yihiin tallaalka Hib?
Maya, carruurta da’doodu ay ka weyn tahay afar ama shan sannadood waxay
badanaa sameystaan difaac dabiici ah oo ka hortaga cudurada, sidaas awgeed
carruurta waaweyn sida caadiga ah uma baahna tallaalka Hib.
Sidee loo siiyaa tallaalka Hib?
Tallaalka Hib waxaa lagu siyaa irbad lagu muddo cajirka, waxaa si badbaadsan
loogu siiyaa hal irbad oo sidoo kale ku jira tallaalada Gawracatada, Xiiq-dheerta,
Teetanada (DPT) iyo Cagaarashowga B, Sidaas awgeed cunugaaga wuxuu
qaadanayaa un isla tiradii irbadaha ee hore.
Maxaan sameyn karaa haddii ilmaheygu uu seego qiyaas
daawo ama uu dib uga dhaco waqtiga loo qabtey?
Waxaad u siisaa qiyaasaha xiga sida ugu dhaqsiyaha badan ee suuragalka ah.
Looma baahna in dib loo soo bilaabo.
Sidee ayuu sidii la rabay wax ugu tarayaa tallaalkan Hib?
Tallaalka Hib wuxuu leeyahay awood ka hortag aad u fiican oo ka badan 95%
carruurta yaraanta ku qaata 3da ee jeer qiyaasta daawada.
6
Ma jiraan carruur ay tahay in aaney qaadan tallaalka Hib?
• Haa, qaybahan carruurta ah ee soo socda waa in aaney qaadan tallaalka Hib:
• carruur fal-celin xasaasiyad leh oo noolasha halis gelinaysa mar ka qaadey
qiyaas daawo hore oo tallaalka Hib ah;
• carruurta da’doodu ay ka yar tahay 6 toddobaad;
• carruurta aad u xanuunsanaya waqtiga loo qabtay qaadashada qiyaasta
daawada waa in ay sugaan ilaa ay ka bogsadaan
• carruurta da’doodu ay ka weyn tahay 5 sanno.
Haddii cunug uu jiran yahay, ma qaadan karaa tallaalka Hib?
Haa. Waa in aad carruurta xanuunsan siisaa dhammaan tallaalada loo baahan
yahay.
Waa maxay waxyeelooyinka tallaalka Hib?
Tallaalka Hib waa ammaan. Hase-yeeshee tallaalka, sida daawooyinka kaleba,
wuxuu dadka qaar ku keeni karaa ficil-celino xasaasiyad leh oo halis ah.
Maxaan sameeyaa haddii ilmaheyga uu si un uga falceliyo
tallaalka?
Maya. Hase-yeeshee, Hib waxaa laga yaabaa in uu keeno dhibaatooyin khafiif ah
sida:
• Midab cassaan ah, kuleyl/diirranaan ama barar ku yimaada meesha irbidda
lagu muday.
• Si aan badneyn ayuu u sababi karaa qandho ka badan 38ºC taasi oo ilmaha
haysa muddo gaaban ka dib tallaalka.
Maxaan sameeyaa haddii ilmaheyga uu si un uga falceliyo
tallaalka?
Waxaad geysaa ilmahaaga xarunta caafimaadka ee kuugu dhow waxaadna la
kulantaa shaqaale caafimaad.
7
5
Sidee loo soo iibsadey tallaalkan?
Tallaalka Hib sida dhammaan tallaaladii kale ee ka jiray Somalia waxaa soo iibiyey
Wasaaradda Caafimaadka oo gacan ka heleysa UNICEF iyo Ururka Caafimaadka
Adduunka. WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa ansaxisey tallaalka.
Haddii cunug uu hore u qaatey 3 qiyaas daawo oo DPT ah,
miyaan siiyaa DPT-HepB-Hib?
Maya. Ha siinin DPT-HepB-Hib carruurta dhammeysatay qorshah DPT.
Haddii cunug uu hore u qaatey hal ama labo qiyaasta daawo
ee DPT, wali miyaan siiyaa 3 qiyaas daawo oo DPT-HepB-Hib
ah?
Maya. Haddii cunug uu qaatey hal qiyaas daawo ee DPT, waxaad siisaa 2 qiyaas
daawo ee DPT-HepB-Hib iyada oo la raacayo jadwalka. Haddii uu hore u qaatey
2 qiyaas-daawo ee DPT, waxaad siisaa DPT-HepB-Hib kaliya hal jeer iyadoo la
raacayo jadwalka.
8
SU’AALAHA SOO
NOQNOQDA EE
KU SAABSAN
CAGAARASHOWGA B.
9
Waa maxay Cagaarashowga B?
Cagaarashowga B waa cudur halis ah oo ku dhaca beerka oo uu keeno fayruska
Cagaarashow B (HBV) kaas oo sida caadiga ah ka dhex jira dhiigga iyo dheecaanada
jirka qofka qaba (amaHBV+). HBV wuxuu sidoo kale keeni karaa caabuq dabadheeraada, oo dhaawaca beerka (cirrhosis/beer-mariil), kansarka beerka, iyo
geeri.
Kumaa qaada Cagaarashowga?
Dunnida soo koreysa badankeeda, dadka badidoodu waxaa uu ku dhaca HBV
inta ay carruurta yihiin, 8% ilaa 10% oo guud ahaan dadweynaha waxaa ku
dabadheeraada cudur.
Sidee ayay dadku ku qaadaan cudurka?
HBV waxaa la isugu gudbiyaa dhiigga ama dheecaanka jirka ee qofka qaba cudurka
oo qof kale gaara si la mid ah sida fayruska HIV ee keena cudurka Aydhiska
(AIDS-ka). Cudurka HBV wuxuu uu u faafi karaa in ka badan 40–100 jeer sida uu
u faafo HIV. Siyaabaha ugu badan ee lagu kala qaado HBV waa:
• Waqtiga dhalashada (ayadoo hooyada u gudbinaysa cunuga marka uu dhalanayo);
• Ilmo u gudbiyo ilmo kale;
• Irbad mudid iyo dhiig ku shubid aan badbaadsaneyn
• Xiriir galmo.
Maxay tahay daaweynta Cagaarshowga B?
Ma jirto daaweyn la garanayo oo loogu talagalay Cagaarashowga B. Sidaasdarteed, ka hortagga ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu wajaho cudurkan.
Mala daaweyn karaa Cagaarashowga B iyo kansarka beerka
ee daba-dheeraada?
Kansarka beerka ku dhowaad mar kasta waa loo dhintaa, sida caadiga ahna waxaa
uu badanaa ku dhacaa dadka da’doodu u dhaxeyso da’da 35 iyo 65 sannadood.
Bukaannada qaarkood Cagaarshowga B ee daba-dheeraada waxaa lagu
daaweeyaa daawo loo yaqaano interferon ama lamivudine, taas oo caawin karta
bukaanada qaarkood. Hase-yeeshee, daawadan waa mid qaali ah oo Soomaalida
badankoodana ma awoodi karaan. Beer-mariilka daawo ma laha. Ikhtiyaarka ugu
fiican waa tallaalka.
Sidee tallaalka si loogaga hortagi karaa Cagaarshowga B?
Tallaalka Cagaarshowga B wuxuu ka hortagayaa caabuqa HBV iyo cudurada
la xiriira Caabuqa HBV labadaba. In ka badan 95% carruurta waxay yeeshaan
unugyo jirka ka difaaca jeermiska dhaliya cudurada oo ku filan marka ay qaataan
seddaxda qiyaas daawo ee taxanaha ah ee lagu taliyay.
Ayaa lagu talinayaa in uu qaato tallaalka Cagaarashowga B?
Tallaalka DPT-HepB-Hib waxaa lagu talinayaa in ay qaataan dhammaan carruurta
da’doodu aadka u yar tahay, iyo carruurta jirta ilaa 2 sannadood kuwaas oo aan
dhammeysan dhammaan 3 tallaal ee DPT. Hase-yeeshee, waxaa lagu taliyay in
dadkan soo socdo laga tallaalo HBV (iyada oo aan la siinin DPT):
10
• Dadka waaweyn sida dabiiciga ah u galmooda ee galmada u firfircoon oo ay
isu galmoodaan wax ka badan hal lammaane.
• Shakhsiyaadka shaqadooda daraaddeed halis ugu jira qaadista cudurka,
tusaale ahaan shaqaalaha caafimaadka
• Bukaannada dhiiggooda la sifeeyo – kelyahooda aan shaqeynin oo qashin
saarka jirka la sameeyo iyada oo la adeegsanayo dheecaan gaar ah.
• Taabashada shakhsiyaadka qaba caabuqa daba-dheeraadey ee HBV.
Sidee ayuu u badbaadsan yahay oo uuna waxtar u leeyahay
tallaalka?
Tallaalka Cagaarashowga B wuxuu leeyahay taariikh aad u fiican oo badbaado iyo
taabogalnimo. Tallaalka waa 95% ayuu waxtarkiisu yahay.
Waa maxay waxyeellooyinka suurtagalka ah?
Aad bey u yer tahay waxyeellooyin halista ah ee la soo sheegay kadib qaadashada
tallaalka Cagaarashowga B. Inkastoo la soo sheegay, ma jirto caddayn cilmiyaysan
oo ah in tallaalka cagaarashowga B uu keenayo jirooyin daba-dheeraada sida
cudurka neerfaha maskaxda (multiple sclerosis), xaalad daal daba-dheer (chronic
fatigue syndrome), rheumatoid arthritis, ama xanuunada autoimmune disorders.
Ma jirto halis caabuq HBV oo ka dhalanaysa tallaalka.
Ammaan ma tahay in tallaalka DPT ee Cagaarshowga B lagu
daro tallaalka Hib iyo in hal mar qofka lagu wada mudo?
Haa. Waa ammaan, waana habka ugu fiican ee loo maareyn karo DPT-HepB-Hib
sababtoo ah cunuga kaliya wuxuu qaadanayaa hal irbad intii uu qadan lahaa labo.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxay ku talinaysaa in lagu bixiyo tallaaladan
irbado isku jir ah.
Tallaalkan cusub dabagal joogto ah malagu sameynayaa?
Haa, Wasaaradda Caafimaadka oo ay wehliyaan UNICEF iyo WHO ayaa dabagal
joogto ah ku sameynaya wixii ka yimaada tallaalada (AEFI).
Halkee ayaan ka heli karaa xog badan oo ku saabsan tallaalkan?
Waxaad ka heli kartaa xog badan adigoo la xiriira Wasaaradda Caafimaadka,
WHO iyo UNICEF
Sidee loo soo iibsadey tallaalkan?
Tallaalka Hib sida dhammaan tallaaladii kale ee ka jiray Soomaaliya waxaa
soo iibiyey Wasaaradda Caafimaadka oo gacan ka heleysa UNICEF iyo Ururka
Caafimaadka Adduunka oo taageero ka heley Isbahaysiga GAVI. WHO ayaa
baartey oo ansaxisey tayada tallaalka.
11
SU’AALAHA SOO NOQNOQDA
EE KU SAABSAN PENTAVELENT
12