NCSP Patient Information Leaflet Final_February 2014

Ma garanaysid inaad qabto!
Xulo baaritaanka chlamydia
Waa Maxay chlamydia?
Cudurka xabada (Chlamydia) waa cudurku ugu badan ee baaritaanka lagu helo isku gudbinta
galmada (sexually transmitted infection (STI)) ee waddanka UK. Waa cudurka ugu badan ee eagga
iyo dumarka da’doodu ka hoosayso 25 sano jir. Bakteeriyada keenta cudurka chlamydia waxaa laga
helaa minida, dheecaanka siilka iyo dad qaba cudurka. Xabada (Chlamydia) waxaa si fudud qof qof
kale ugu gudbiyaa markii uu dhaco galmo aan difaacnayn (tusaale aan la isticmaalin kondoom).
Sababtee ayaa Xabadu dhibaato u tahay?
Haddii xabada aan la daawayn waxay ku keeni kartaa xanuul guska, If chlamydia is not treated it can
cause pain in the pelvis, ectopic pregnancy (in uu uur ku abuurno tuubooyinka dibadda minka) iyo
dhalmo la’aan (aan la heli Karin ilmo). Khatartani waa sii korodhaa marka kastaba oo cudurku soo
laablaabto.
Inta badan dadka qaba cudurka chlamydia ma helaan wax calaamado ah. Haddii aad calaamado
hesho waxaad ogaan kartaa:
• Dheecaan aan caadi ahayn oo ka yimaada xubinta taranka dumarka
• Xanuun markii la gaadinayo ama galmo ay dhacayso
• Dhiig yimaada kaddib galmo ama inta u dhaxaysa laba caado
• Xanuun caloosha (xanuun qaybta hoose ee caloosha) ama xanuun daran ee mindhicirada
Haddii aad qabto mid ka mid ah calaamadahan waa inaad aragtaa xirfadle caafimaad, xitaa haddii
baaritaanka laga waayay chlamydia maadaama aad qabi karto cudur kale.
Sidee ayaan caadiyan u heli karaa baaritaan chlamydia?
Haddii aad ka yar tahay 25 sano oo aad galmo samayso, waa inaad iska baartaa cudurka xabada
sannadkiiba mar ama markii aad badasho lammaanahaaga galmada.
Xaggee ayaan ka heli karaa baaritaan
chlamydia lacag la’aan ah?
•
•
•
•
Goobaha Dhakhtarka Guud (GP)
Farmashiyeyaasha Bulshada
Goobaha caafimaadka galmada
Qalab qayb is-baarid gurid laga helo adeeyada
internet-ka/fariimaha
Waa maxay baaritaanka test?
Baaritaanku waa lacag la’aan waana fudud yahay. Wax kaliya ee ay tahay inaad samayso waa bixinta
qayb kaadida ah ama dheecaan la iska qaaday ee xubinta taranka dumarka. Uma baahnid in lagu
baaro. Waxaa lagu waydiin karaa inaad buuxiso foom – waydii caawin haddii aad u baahan tahay.
Waxaan sidoo kale u baahanahay qaab aan jawaabtaada kaala soo xiriirno. Tani waxay ahaan kartaa
cinwaankaaga, lambarkaaga moobiilka ama iimayl. Waa muhiim in la fahmo in baaritaanka
caafimaad uu 100 kiiba boqol yahay mid sax ah. Hase yeeshee, waa nadir in baaritaanka chlamydia
uuqalad noqdo. Haddii aad ka walaacsan tahay kala hadal tan markii aad hesho jawaabtaada.
Baaritaanku waa mid xogta la xajiyo. Xitaa haddii aad ka yar tahay da’da 16 weli waxaad xaq la mid
ah u leedahay in xogtaada la qariyo sida qof kasta ee kaleba. Xaaladaha qaarkood, sida markii
dhakhtar amah awl-wadeen caafimaad u malaynayo inaad aad khatar ugu sugan tahay, waxay u arki
karaan inay tahay in macluumaadka la gudbiyo laakiin adiga ayay marka hore kaala hadlayaan inta
aysan qof kale kala hadlin. Tani qof kasta ayay qusaysaa, kumana xirna da’da aad jirto.
Urur lagu magacaabo Caafimaadka Guud ee England (Public Health England) ayaa tiriya inta qof ee
England ee qabta chlamydia iyo cudurada kale ee galmada la isugu gudbiyo - STIs. Waxaan u
diraynaa ayaga faahfaahinta jawaabta baaritaankaaga, laakiin aysan la socon magacaaga ama
faahfaahinta xiriirkaaga.
Waa side haddii aan qabo chlamydia?
Haddii aad qabto chlamydia waxaa lagu siin doonaa bakteeriyo-dlie (antibiotics) si loo daaweeyo
cudurka (noo sheeg haddii aad uur leedahay, maadaama aad u baahnaanayso antibiotics ka duwan).
Dadka qaar ayaa kala kulma dhibaato la socota daawaynta antibiotic, tan ugu badan oo ah calool
xanuun. Dadka aad goor dhawayd la yeelatay galmo waa in iyagana la baaraa.
Waa fikrad fiican in lagu baaro mar kale 3 bilood kaddib marka aad dhammaysato daawayntaada.
Tani sababteedu waxay tahay inay muujisay in dadka qabay chlamydia mar ay aad ugu badan tahay
inay mar kale qaadaan, iyadoo soo noqoshada cudurka ay kordhinayso saamayno aad u daran ee
caafimaad. Sidoo kale waa muhiim inaad raacdo talo-bixinta galmo ammaan ah ee hoose.
Sidee ayaan isaga difaacayaa chlamydia iyo cudurada kale ee STIs?
Waxaad ku yarayn kartaa khatartaada helitaanka ama gudbinta cudurka chlamydia, ama cudurada
kale ee galmada la isugu gudbiyo - STIs, adigoo:
• Mar kasta isticmaala kondoom markii aad galmo la yeelanayso lammaane marmar ah ama cusub
• Yaraynaya tiradaada lammaane galmo kana fogaanaya xiriiro kala duwan ee galmo isku-xigxiga
• Iska baara chlamydia sannad kasta, iyo badaaaladda lammaane galmo markii ay timaadaba.
Wixii macluumaad dheeraad ah iyo sida aad ku helo karto halka aad ka heli karto baaritaan degaanka
ah:
• Booqo www.chlamydiascreening.nhs.uk
• Wac Khad-caawinta ee Caafimaadka Galmada -Sexual Health Help Line: 0800 567 123 Fariin
Teleefoon: 0800 521 361
• Xiriirka xafiiskaaga degaanka ee baaritaanka xabada- chlamydia:
La sameeyay: Febraayo 2014