Dalxiiskii Delhi

13th October, 2014
Gabadh Indhayar ah oo gaaban, dabcan hadaanan danbaabin misigtay iigu
dhacaysay, madaxeeduna sintayduu la sinnaa, ayaa hubinaysay dalku-galkayga iyo
duubabkayga safarka. Qaybta dokumentiyada safarka ee Hawa-geliyaha
magaalada Bakiin ayay ka shaqaynaysay.
Runtii way qurux badnayd oo jidh, dhisnaan iyo habsami u dhashay bay lahayd,
waxaana madaxayga ka guuxayey daqiiqadahaas halhayskii ahaa “Inaad gaaban
tahay mooyee sida kale guudh baad tahay”. Ilbidhiqsiyo gudohood
meekrafoonkii Hawa-Geliyaha ayaa la furay. Gabadh ayaa luuqadda reer *Jayne*
ku hadashay,”waxaan ka gartay magaca magaalada aan joogo iyo magaca
magaalada aan u socdo”, sidaa awgeed, waan yaqiinsaday in ay sheegayso xog ku
saabsan duulimaadkayga.
Markii ay luuqadda caalamiga ah ku hadashay-se, waan fahmay waxay ujeeday oo
dhan. Ta ugu muhiimsanayd oo ahayd in aan 20 daqiiqadood kadib hawada
gelayno ayaan si adag u xasuustay. Markii cadceedu big soo tidhi ayay diyaaraddu
nagala soo duushay magaalada caasimada wadanka Shiinaha. Markii hawada lagu
sinmay ee dekaankii yaraaday ayaa nalaga demiyey nalkii suun xidhashada, sidaa
awgeed, waxaan jaanis u helay inaan curuqa iyo caajiska iska saaro; sidoo kale,
inaan nefisno oo si xorriyad leh u fadhiisano, kaayagii xaajo qabaana xamaamka
dalaq dhihi karo.
1
Marti-geliyayaashii diyaaradda oo hablo u badnaa ayaa aalad isku rakiban oo
cabitaano iyo cuntooyin ku jiraan na dhex daadahaynaya iminka. Waxay rakaabka
kala doorransiinayaan dhowr nooc oo calaalis ah iyo cabitaano kulayl iyo qabow
isugu jira. Maadaama ay alaa-sey ahayd bun kulul ayaan ka qacsiiyey, midhadh
keeg ahna waan ku laaqay. Wixii la walaaqanayo hala walaaqdo, doofaar iyo kaadi
ey halaysku shubo, ama caraq fuud yicibeed muuqa uga eeg; dan kama gelin,
heellana igama hayso. Kursigaygii baan iska dangiigsaday. Waxaan cabbaar isku
mashquuliyey daawashada daruuraha iyo fadadka cadceeddu, cawdhinayso ee
naga hooseeya baarkooda. Kol danbe ayaan iska lulooday oo iska luqma laabtay,
fadhigana ku gam’ay.
Waxaan ku selelay ganbaleelka iyo jabaqda cod-baahiyaha diyaaradda oo laga
iclaaminayo degitaan. Isma dareensiin inaan selelay, dheelalaabadayna anuun baa
is ogaayee, “intaan indhaha marmartay ayaan fadhiga qaabaystay, suunkaygiina
giigsaday”.
Wakhtiga maxalliga ah magaalada aan kusoo hoobanayno waa 5:30 subaxnimo.
Welina cadceeddii masoo bixin. Waxaan dhulka ka maqnayn muddo laba
saacadood iyo badh ah, illaa haddase meelay ku xisaabsan yihiin habeen iyo
maalin garan maayo, badh ayaaba habeenkii qoraxdiisu bakiin iigu soo baxday ka
hadhay.
Bombey waa magaalo ganacsiyeed saxmad iyo buuq badan. Cidhiidhiga
wadooyinka waxaa u dheer gaadhi farasyada iyo gaadhi ximaarada biraha jiidaya
ee wadooyinka xidhaya. Taksiga aan soo kiraystay muddo Saacad ku dhow hal
kiiloo-mitir ayuu ila socday, waxaanba niyadda iska ciil-kaanbiyey haddaan kala
aqoon lahaa magaalada oo aan boorsadayda soo jiidan lahaa, muddo ka hor baan
huteelka imaan lahaa.
Iminka daaqadda qolka 34aad, dabaqa 2aad, ayaan magaalada ka daawanayaa
muraayad aan gudaha waxa kaga jira la arkayn dibaduse kuu muuqato ayaan
daaha ka riixday. Waxaan indhaha aad ugu baadidoonayaa bal inaan arko hal qof
oo aan wejigiisa garto… Oo tolow magaalada ma cid baan ka aqaan? Maya. Ma
soomaali baa degan? Maya . ma saaxiibkay baa igaga lumay? Maya. Haddaa
maxaan indhaha la biciriirinayaa oo baadi goobayaa? Bal adba!!!
2
Muddo sanado badan ka hor ah, magaalada caasimadda Xamar ayaan ku noolaa.
Waxaa wadanka hafiyey waagaas filimaan ku turjuman luuqadda hooyo (AfSoomaali). Malaha waa markii iigu horraysay ee aan arko caddaan afsoomaali ku
hadlayee waan rumaysan waayey. Arbayaal iyo qalanjooyin badan ayaan
lafahooda cad-cad aqaan. Samayskooda iyo sinjigooda ayaan xifdiyey.
Dhaqankooda iyo dhadhankoodana waan kaa badiyaa.
Wiilal saman dhaadheer, hablo sanqaroor rogan oo dhex dhuuban, shubaasha
dhabanadooda iyo dheeggoodana aad niyadda uga riyaaqaysid bay ahaayeen.
Timaha dikhilka ah ee dhabarka iska shubay iyo xarakaadka xubnohooda siday u
saameelayaan; waxaan is dhihi jiray waxan gacan baa lagu sameeyey! Laba iyo
toban sano kadib, saaka oo aan waayo aragnimo badan ka yeeshay dhalanteedkii
waagaas i beer-qaadi jiray weli, maankayga ayay ku sawiran yihiin; waxaan
daaqadda ka baadigoobayaana waa iyagii!! Ama ugu yaraan cid heemaalkoodii
leh. Adaaba sheegaya!!!
Adeegayaashii hudheelka ayaan isku nekedanay. Luuqad aan is idhi budh dhuux
madaw ah oo galool maaci ah laga soo jaray baa lala dhacay ayay ingiriisi ahaan
ugu hadlayaan! Kaaga darane, saafi maaha oo hayska carrab tignaadeene Binjuu
iyo af hindi ayaa ku lifaaqan... Si kastay noqoto, quraac baan dirqi kaga helay
qadadiina anoo kasii werwersan baan kol danbe ka khasbaday. Casho kamaba
suginee, tareen baan ka raacay.
Alla! wuxu dheeraynayee ma xanfalay baa wadata! Yufta dhirta uu dhaafayo, sida
hillaaca ayaan jenbiyada uga halacsanayaa. Belo ku fuushay durba na gee meel
boqolaal kiiloo mitir jirta. Alla! Nusa-saac ka hor! Oo horta odaygii qolka kaa soo
horjeeda kasoo baxay muxuu ku waydiiyey? Sowtuu HI! Kugu yidhi. Intaad
guunaastay sowtaad wejiga u dhaqdhaqaajisay sidii, mid salaantii ka qaaday.
Sowtuu magacaaga ku waydiiyey? Daraafsi dheeraan sowtaad illaa ka awawgii
socotay adna! Sowtaad is fahanteen ay isugu kiin baxday. Soydinkii maqaaxida isla
tegay ee su’aalo isku harqiyey, intaad qaxwaha fiiqsanayseen. Maasha la yiri
su’aashu waa furaha aqoontee, sowtaad waxan oo xog ah kasoo quftay. Intii ugu
muhiimsanayd sowtaad ka gunuday.
3
Dhaqamada Hindida sawtaad aadka wax uga waydiisay? Isna isagoo faan iyo qabwayni ku dheehantahay sawtuu ku tiiqtiiqsaday. Sawtaad waxay cunaan waydiisay
dhaqan ahaan, sawtuu kuu sheegay inaan dadka ahlu diinka ah iyo wadaadada
barakaysan ee wadanku hilibka cunin. Balse dadka inta kale ay macal abeesada
iyo mulaca diirtaan. Intaad yaabtay sowtaad waydiisay dhaqanka guurka. Sowkii
Kaaga xog waramay in gabdhaha wiilasha loo doono oo reerka gabadha dhalay
arooska abaabulo, dhiso, dhaqo oo u xoola-gooyo.
Tii ugu darraydse waa markaad isku waydiisay, tirada dadka Hindida ee uu lambar
aad fahmi wayday dal-dalay. Sowtaad ku tidhi qor ee uu laba iyo toban jiifar is
daba dhigay. Mar danbe oo su’aalihii kaaba sii dhamaan rabaan sawtuu Kaaga
qabaxsiiyey arrin muhiim ah … “In bulshada Hindiya qaar badan oo ka mid ihi
baruuraha is cunsiiyaan, oo dhirta ka hadliyaan”, GAW! oo tolow Eeshiyoo dhani
farsamada falka iyo sixirka miyay ku ballameen; Shiinaha ayaan waxaas uga soo
baydadee, intaad hoosta ka tidhi, bisinkana boobtay sawtaad boorsadaadii
garabka soo sudhatay ee tareenka kasoo raacday Bombey.
Sidii qalanjooyinkii filimaanta Hindiga ku jiray uma qurux badna; laakiin, ma fildarra oo ma fool xuma. Waa madaw camaa-jiqiir ah, maariin-se xiga. Waa
qorqoran tahay oo dhabanada shubantahay, waa dhex-yartahay oo dhudhuma
buur-buuran tahay. Weji (V) ah oo dhuuban ayay leedahay iyo timo halow madaw
ah. Malaha qalanjooyinkii waa tanoo la yara camaajuujiyey. Hortayday fadhidaa.
Way igu beegan tahay masaafo mitir ah, ayaase noo dhaxaysa. Indhahaygu
cabbaaradii hore way dhaafsanaayeen oo yufta dhirta daaqadda garabkeeda
korkiisa ku beegan ka baxaysa, ayaa dareenkayga dafayey. Iminka-se aragtida
waan ku rasiimiyey oo iyadaan shiishka si wacan ugu hayaa. Indheheedu waa iga
yara barbarsan yihiin, sinna waa u maahsan tahay. Mise tolow waa is caalinaysaa
oo inaan tooganayo ayay u dareen qabtaa. Xariifad! Maya, iima jeedee aan ka
faa’idaysto fursadda. Intaan kasoo bilaabay baarka sare ee foodda ayaan illaa
cidhibta waday, dee waanigii Kaaga sheekeeyey muuqaalkeeda guud oo
tafaafulane, waa qof cuddoon.
4
Qac! Indhahayagaa isku dhacay, anaa guluubada dansaday iminka. Ma dansanee,
sidii tuug la qabtay ayaan gaabsaday fuulkii ii baxayey oo hoos yara eegay. Galaas
aan biyo ku cabbayey ayaan sidii mid wax ka eegayaa isku dhaafiyey, toban
ilbidhiqsi, markaasaan indhaha kor u dallacay, misse wallaahay sidii qof ila
yaabban bay iigu dhaygag san tahay.
Excuse me! Ayaan si degan ugu idhi, magacaaga may sheegi kartaa ayaan usii
raaciyey. Sidii qof sasay bay farka naxday, Haa! boowe “Raanja ayaa lay dhahaa”.
Ayay iigu jawaab celisay. Iyadoo hoos yara eegaysa, xoogaa khajilaad-na ka
muuqato.
“Anna Muxammed ayaa lay dhahaa”, ayaan si is-qornimo ah ugu boobsiiyey
dabadeed, su’aalo iska caadi ah ayaa na dhex maray. Illaa laga soo gaadhayey
New-Delhi. Xoogaa reer-gobolnimo ayaan ka dareemayey iyo inaanay
caasimmada Hindiya hadda ka hor tegin.
Islamarkii aan kasoo degnay tareenkii waxaan qabsanay tagsi, waana wada
raacnay, anigu huteel ayaan kaga hadhay iyaduse, cinwaan guri oo ay wadatay
intay koobi iga siisay, igana codsatay inaan soo booqdo ayay hore usii raacday.
Magaalada Ubaxa-Cusub (New-Delhi) cimilo ahaan ma-xuma, dhismaha iyo
horumarka caasimad loo dedaalay weeye; waa magaalo madaxda iyo magaalada
siyaasadda ee wadanka Hindiya. Dad badnaanta iyo cidhiidhiga waxay kala mid
tahay magaalooyinka kale ee Hindiya. Guud ahaan, dabaqadaha nolosha ee ka jira
caasimadan waa sadex qaybood: (1) Dabaqadda Koowaad: koox derbi jiif ah oo
gidaarada ku dayacan, haba u badnaadeen dhalinyaro bilaa camal ah iyo qaar
daroogo dillootay. (2) Dabaqadda Labaad: dabaqad muruq-maal ah oo “ma-qadaa
ma dhergaan ah”. (3) Iyo Dabaqadda Saddexaad: dabaqad sare oo dulmi badan
lagu hoos qabo.
Waa iska caadadeedee way i qalaysay cimiladan cusubi; jawiguna ima soo
dhawayn, shan casho kadib imaatinkaygii waan soo dhacay, xumad iyo qandho
ayaa lay galaa-bixiyey.
5
Saddex casho kadib ayaan soo daahay anoo diif badani iga muuqato, waxaan u
hawl galay ujeedooyinkaygii waawaynaa. Indha-indhayn guud, waxaan booqasho
ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ii ahaa. Dalxiise ayaa ii diiwaan gashan. Waa
run oo wadanka sidaas ayaan kusoo galay.
Todobaadkii ku xigay todobaadkii hore, maalinna ma fadhiisan habeenna ma
seexan. Aroortii marka cadceeddu big soo dhahdo hawl-galka aan bilaabo, illaa
cadceedu godka kuuriso kama soo laabto. Habeenkiina waa ii duubab diyaarin iyo
diritaan tafaasiil. Layma dareemin, marka lagu daro xirribta iyo xirfadda aan
hawshan u leeyahay, waxaa daah iyo dahaadh ii ahaa dalxiise-nimada daawashotag indha-doogsi u laba-leexanaya ayaa lay haystaa.
Maalinnimo sabti ah oo ay kasoo wareegtay 15 maalmood imaatinkaygii New
Delhi, waxaan helay jaanis galabnimo oo badan. Sidaa awgeed waxaa si lamafilaan ah maankayga ugu soo dhacday yartii reer goboleed-ka ahayd. Waxaan
baadh-baadhay kaadhkii cinwaankeedu ku qornaa, nasiib wanaag waakan miiska
dulsaaran; waan helay, intaan cabbaar indhaha ku gubay waraaqdii yarayd oo ku
dul fekeray, waaniga suuliga isku sii daayey. Waanigan durba cadayday ee
qubaystay. Waanigan shanlaysanaya ee dharka kala doordooranaya. Durba
waanigan intaan cadarka isku rusheeyey illinka kabaha kusii gashanaya.
Booqasho guri cusub, dad cusub, wadan cusub, dhaqan cusub iyo dabeecad
cusub, filashooyin iyo feejignaano badan ayaa i hadheeyey. Indha-adkiyaa!!
Armaa lay qashaa oo lay qurduuftaa. Sowtuu odaygii reer Bombey kuu sheegay in
dadkan cuntada dhib ku qabaan oo wixii ay arkaan-ba ay cunaan, armay
ninkaagan madaw “Wan u maleeyaan oo birta kaa aslaan”, laakiin markaad
hadashid iyaba way dareemayaan, inaadan ci’yayn ee xuruuf ku hadlayso xittaa
hadday fahmi waayaan; lagaba yaabee, inay reer wadaado ah yihiin oo aanay
hilibkaba hungurayn, war wuxu armay iskaa dabamariyaan oo adoo heellaysanaya
aad kasoo baxdaa, armay ku falaan oo ku sixraan. Laakiin, haddiiba aad
gabadhooda macaariif la tahay ugu yaraan way ku ixtiraamayaan.
6
Gaw! Gaw! Gaw! Waadigan albaab reerood iska garaacday. Fag! Waakan wiil
yaroo ciyaal iskuul ah kaa furay, “Who are you”? Waakan si degdeg ah kuu
su’aalay. Waaw war af-ingiriisi buuba garanayaa, waadiga niyadda ka yidhi.
Raanjaa! “Is there’s Raanjaa”!? Waadiga carrab gariiraya iyo cod haga-hago ka
muuqato ku yidhi. “Haa ... soo dhawow”. waadiga jaf yidhi gurigii ee illaa qolkii
fadhiga lagu waday. Waa ka wiilkii yaraa usoo yeedhay yartii indhaha bikeeriga ah
lahayd. Waatan iyadoo dalaq-dalaq leh, oo si u kala daadsan. “Waaw! Muxammed
soo dhowow, Waata gacan majaqsan oo jilicsan kugu salaantay, ee dhinacaaga
soo fadhiisatay”. Waadigan adoo khajilaadda iyo qalada iska biinaya, xog waraysi
ugu dhaqaaqay.
Daqiiqad gudeheed waaba islaan, maro ku duuduuban oo dhar hiddiyo dhaqan ah
xidhan. Maro xariir ah oo faraq iyo sannifaad leh iyo midab basali ah . waata idiin
soo gashay…
-“Jubuu, jabaa, jubuu….” Iyo wax aadan garanayn waa ta daldashay. Markaad
dhegaha taagtay ee intaad salaantii gacanta ka qaaday fahmi wayday, waata kuu
turjuntay Raajaa.
- “Tani waa eedaday Disoora, waxay ku leedahay; wiilkaygow soo dhawow”.
- “Mahadsanid eedo, waan dhawahay” waadigan ku jawaab celiyey ee iyana
indhaha taagtay. Markii ay u turjuntayse, waa yara fahamtay. Waata sharaxaado
u gashay. *Wiilkan waa wiilkii aan Bombey iska soo raacnay ee aan idiin
sheegayey. Waa soomaali, wiil wanaagsan weeye, waakaa ina soo booqday*.
Wata mar labaad lay soo dhaweeyey ee lay fadhiisiyey. Dhowr su’aalood oo kale
markay noo kala turjuntay islaantii way iska baxday. Galab waliba taariikh iyo wax
lagu xasuustay leedehee, galabtii guriga Hindida Kibijaaga iyo Ayaxa laygu
casuumay, galab gooni ah ayay ahayd; yeelkeede, waatii lagu fahmee laguu cudur
daaray dabadeed, intaad biyihii iska cabtay, waadigii bisinka ku waashay,
“bismillaah, bismillaah, bismillaah!”.
7
Qorraxdii markay qarsoontay ee galbatay, godkeediina ku aayootay waadigii adna
qolkaagii kusoo aayooday. Fiidkiina waadigii tigidhkii tareenka dalbaday, isla
subixii adoo kursi dhanka qorax kasoo baxaa u jeeda, waadigii xiinka dhirta ka
daawanayey, Eeggii uu soo istaagay boosteejadii tareemada ee magaalada
Bombey, waadigii kasoo huleelay ee huteel shan xidigoodle ah qol ka degay.
# Adiguna Walaac Iyo,
# Walbahaarka Daayoo,
# Werwer Li’ Dhulka U Joog!
Bombey adigii ku nastee ku negaaday. Galabtii sidii lagaa filayey waadiga qaraabo
salaan ugu tegay saaxiibkaa oo magaalada koone ka deggan, waydinka is raacee
daafaha Bombey iyo beerihii soo wareegaalaystay. Hawada saafiga iyo uduga
ubaxyada waydinka kasoo hiraabtay, hadhowtana waydinka huteelkiinii iska yimi.
Saddex casho kadib bay ahayd maalintii uu kusoo wacay lambar gudaha wadanka
oo aadan garanayn. Waadiga bisinka u qabtay ee qabtay. “Hello Muxammed!”
Waa cod aad badh garanaysid “I am Raanjaa”. waa tii yarayd ee reer gobolkeed-ka
ahayd . “Waaw soo dhowow sidee tahay?” iyo su’aalihii hoosaasinta ahaa
waadiga ku daldalay. “saakaan Bombey soo galay”, waata warbixin kooban kugu
siisay. Waadiga adna u boobsiiyey cinwaanka huteelka aad degentahay. Isla
cilcillowgii waatan iyadoo daldalaqle ah. Waw markan way isa soo xilqaantay,
qurux badanaa wuxu! Illeen quruxda dumarku waa fara ku hayn. Oo illeen duulku
hadday si wacan u dhaashtaan waa wada dayax iyo daruur, sowtan ku indha
daraandarisay. Adigoo qalbiga ka qaadaya,
#Daruuraha Hillaaciyo,
#Dayax Soo Baxaad Tahay,
#Soomaalidu Dirkeediyo,
#Dun Xariir Ah Baad Tahay!!
8
Oo haddana niyadda iska leh, Soomaalina maahee waa dad baasee, armaa
abwaankii heesta sameeyey ee hablaha Soomaaliyeed u hibeeyey aakhiro ku
qabsadaa; waadiga soo dhoweeyey ee fadhiga intaad uga kacday sidii boqoraddii
u salaamay. Waadiga kuraasta fadhiga, fadhiga callaysan ee Soomaalidu *fadhi
carbeedka* u taqaan fadhiisiyey. Dabadeedna, soo dhinac fadhiistay ee sida
jawharadda u daawaday.
Waadiga khudaar iyo cabbitaano kala nooc-nooc ah u dalbay ee miiska cuntada u
soo saaray, sowdigan kursiga kasoo horjeeda soo fadhiistay ee miiska suxullada
soo saartay ee ku quraamaya been iyo belaayo. Sowtan kala badbadatay ee
mahadsanid ku waalatay; sowdiga ka qiiraysiiyey ee indheheeda ilmo kusoo
joogsatay; sowdiga xabbada cinabka ah afka u geliyey, burushka yar dhareerka
kaga tiraya; sowdiga markay dheregtay soo kiciyey, fadhigii kusoo celiyey;
sowdiga haaneedka u qabtay ee jacayl ku habay.
Nusa-saac raxaabasho ah kadib, telefoon baaskii ay sidatay sowkii dhalalow yidhi;
sowtaad intaad sasteen ay dhegta saartay, halmar sowtii belo lahaadday ee kaa
hoos boodday, tiiyoon xagga iyo xagga toonna eegin sawtii albaabka ka boodday.
Adiga intaad sii eegtay sowtaad nacalad kasii daba-saydhay. Aroortii xigtay, adoo
hawa gelliyaha kasii duulaya sowtii laguu sawiray butoco. Intaad shaydaanka iska
naartay sowtaad diyaaradii ka raacday.
>>>>>>>>>>>>
Dhammaad
W/Q: Maxamed Cabdicasiis Maxamed *BOOTAAN*
E-mail: [email protected]
Khartoum-Sudan
9