Information om familjestöd, somaliska

Warbixin gaaban oo ku saabsan taageerada
Skövde diyaarka ula yahay qoysaska cusub
Hay´adda isdhexgalka ee dagmada Skövde waxay ku hawlan tahay baridda qoysaska cusub bulshada Sweden. Skövde waxaa
muhiim u ah in qoyska oo dhan ay meeshaan u bogaan.
Hay´adda isdhexgalka Skövde waxaa loogu talagalay waalidka in yar Skövde degganaa.
Gacanhayaha hay´adda isdhexgalka ayaa adiga iyo caruurtaadaba idin siin kara irridka
aad degmada Skövde ka soo geleysaan. Waxaad heli kartaa warbixin iyo faahfaahin ku
saabsan waxyaalo kala duwan oo nolol maalmeedkaaga iyo kan carruurta khuseeya. Oo
noqon kara wax ku saabsan sharci ama dhaqan ama cunno ama TV fiirsashadiis.
Hay´adda isdhexgalka ayaa qoyska oo caruurtu u horrayso tusaysaa fursadaha degmada Skövde ka jira. Skövde waxaa ka jira ururro kala duwan iyo meherado caruurta u gaar
ah.
Adoo la xiriiraya gacanhayaha hay´adda isdhexgalka waxa qoyskaagu heli karaan hab
degdeg ah oo ay bulshada u dhexgeli karaan. Dad halkan ku dhashay, ama waqti dheer
degganaa ayaan kula kulansiinaynaa. Taasi waxay ku taraysaa in xaalkaaga iyo dhaqankaaga si fiican loo fahmo, isla markaasna aad barato nolosha Skövde iyo Sweden.
Aad baan kuugu soo dhoweyneynaa in aad la soo xiriirto hay´adda isdhexgalka! Af ingiriis waad ku hadli kartaa, ama ka codso qof af-iswidhish ku hadla oo aad isu dhowdihiin
inuu annaga nala soo xiriiro. Turjubaan ayaa qabsanaynaa, markii loo baahdo.
Na soo wac ama u noo soo qor:
Sinikka Kjellin
0500-49 73 63
[email protected]
Annika Jonsson
0500-49 73 65
[email protected]
Charlotta Brink
0500-49 85 11
[email protected]
Aad baan kuugu soo dhoweynaynaa in aad la soo xiriirto!