Gr 1 Somali Curriculum Content 2014-15

ISKUULKA DEGMADA
ROCKWOOD
WAXA UU MANHAJKA
XAMBAARSAN YAHAY
iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
2014 – 2015
FASALKA 1
ISKUULKA DEGMADA ROCKWOOD
BAYAANKA HOWSHA
"Waxaynu sameynaa wax kastoy nagu qaadato
inaanu hubino in ardayda oo idil garowsadaan
kartidooda"
Waalidiinta qaaliga ahow:
Guddiga Waxbarashada ee Iskuulka Degmada Rockwood waxay si rasmi ah u
ansixiyaan dhammaan manhajka qoran ee ay ardaydu leeyihiin ee qeybaha
Guddiga
maadada iyo koorsooyinka shaqsiyaadka ay Degmadu siiso.
manhajka
waxa uu ka kooban yahay macalimiinta, waalidiinta,
maamulayaasha, iyo ardayda inay raacaan hanaanka horumarinta manhajka
rasmiga ah si go'aan looga gaaro heerka caadiga ah, xirfadaha, iyo in la
maareeyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay fasal kasta heerkiisa iyo
koorsadiisa. Iyadoo loo marayo hanaankan rasmiga ah, qeyb kasta oo uu
manhajkan xambaarsan yahay sidoo kale waa lagu noqday oo loogu simay
heer gobol iyo mid qaranba.
Shelley Willot
Agaasimaha Manhajka
Teleefan: 636-733-2151
Iimayl: [email protected]
Stefanie Steffan
Teleefan: 636-733-2146
Iskuduwaha Suugaanta K-5 iyo magacaabista Mashruucyada
Iimayl: [email protected]
Stephanie Nauman
Teleefan 636-733-2154
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay Xisaabta Dugsiga Bilowga ah
Iimayl: [email protected]
Guddiga manhajka sameynaya waxay si rasmi ah ugu
muraajacoodaan suugaanta iyo waxbarida ugu dambeysa iyo ku
dadaalida waxbarashada qeybaha ay xambaarsan tahay; inay
falanqeeyaan baaraan jawaabcelinta ka imaaneysa waalidiinta,
ardayda iyo shaqaalaha; imtixaanna ka qaadaan guulaha laga
gaaray xogta leh qeybaha gaarka ay xambaarsan tahay.
Waxay
sidoo kale ka kooban tahay hanaankan la fahmi karo, waa xog
ammaan ah iyo jawaabcelinta dokumintiyada ka yimid shaqaalaha
kuleejada/jaamacada iyo jaaliyada.
Susanne Moar
Teleefan: 636-733-2142
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, Sayniska Dugsiga Bilowga ah
Iimayl: [email protected]
Ujeedada warqadan yar ee iidhehda waa inay ka hadasho macluumaadka ku
saabsan waxa ay arday tahay in ay ogaadaan ayna awoodi karaan inay ku
qabtaan
heer
fasal
kasta,
fasalada
K-5. Waxa ku jira warqada yar ee iidhehda waa waxyaabaha ay xambaarsan
tahay ee aasaasiga ah iyo xirfadaha ka imaanaya dokumintiyada manhajka
ee kor lagu soo qeexay. Nuqulada dokumintiyada manhajka K-5 waxay
dhammaan ku yaaliin maktabadaha iskuulka bilowga ah.
Eddie Mattison
Teleefan: 636-733-2115
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, PE/Health/ Driver's Ed
Iimayl: [email protected]
Balanqaadka heerkiisu aad u sarreeya oo hubiya qalinjebinta Rockwood ayaa
waxay awoodaan inay soo buuxiyaan caqabadahaha nolosha dhabta ah ee
howsha jaaliyada iyo/ama macaahida dugsi sare kadib waa yoolkeena ugu
dhaqsiyaha badan. Waynu soo dhoweynaynaa fursada aynu wax ku bareyno
cunugaaga oo aan la shaqeyno qoyskaaga.
Shelley Willot
Agaasimaha Manhajka
Katie Nease
Teleefan: 636-733-2117
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, Cilmiga Bulshada
Iimayl: [email protected]
Mark McHale
Teleefan: 636-733-2147
Fududeeyaha Waxyaabaha uu Xambaarsan yahay, Farshaxanka Wanaagsan
Iimayl: [email protected]
Wixii macluumaad dheeri ah oo ku saabsan, eeg bogga shabakada
Degmadu ay leedahay oo ah www.rockwood.k12.mo.us
Daabacaadii Iskuulka Degmada Rockwood
Waaxda Manhajka - June, 2014
WAXBARASHADA CAAFIMAADKA/JIRKA - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Xirfadaha
Xirfadaha dhaqaaqa:
Socod, Lug ku boodid, Boodboodid lugo dabran, Afar -qaadleyn, Boodid, Orod,
Taraarixin, Garaangarin
Xirfadaha aan-dhaqaaqa aheyn:
Riix, Jiid, Qaloocin, Iskalabixin, Maroojin, Rogid, Qaadid, Jiljilid, Joojin,
Ugambin, Isudheelitirid
Xirfadaha Dabaraada leh:
Gudbida, Tuurista, Qabashada, Garaacista, Laadida, Baleejeyn, (gacan iyo lug),
Tacshiiradeyn
Dulucda
Movement Ed
Meesha nafta ama shaqsiga u banaan, meesha banaan ee guud, tilmaamaha,
heerarka, dhabaha, siyaadada, xoojinta waqtiga, iyo israacinta; Qeybaha jirka,
dareenka dhaqdhaqaaqa, jirkoo ku jira meel banaan, jirkoo xiriir la leh qeybaha
kale; Ku koobnaanta laba ama in ka badan oo Dhaqaajiye ah/
dhaqdhaqaaqa aan dhaqaajiyaha aheyn; Ku koobanaanta xirfadaha dabbaraada;
dhaqdhaqaaq waqtiyeysan ee la xiriira caqabadaha/kala duwanaanshaha kale;
Iyadoo shayga lagu dhowrayo dhaqdhaqaaq sii socda.
Fitness Ed
Qaab nololeed firfircoon, faa'iidooyinka soo labalaabma oo ay helaan jirka iyo
maskaxdaba, Nolosha leh tayada; Xooga, Dulqaadka, Bedelmi kara; Meeleynta
garaaca wadnaha, Isbedelka garaaca wadnaha; Saddexda qeybood ee jidhiska:
isdiirin, ka shaqeysiinta jirka, qaboojin; Qiimaha u leeyahay ka shaqeysiinta jirka;
Siday u badan tahay, sidey u adag tahay, ilaa iyo intee; Qiimaha uu leeyahay Ka
shaqeysiinta jirka.
Socialization/Cooperation Ed
Shuruucda iyo qawaaniinta guud ee fasalka; Shuruucda cayaaraha iyo
waxqabadka; Ka warqabka iyo xakameynta jirka; Qawaaniinta badbaadada
marka la isticmaalayo qalabka; Xirfadaha dhegeysiga; Cayaarta wadashaqeynta;
Xushmeynta dadka kale; Xushmeynta shuruucda; Cayaartooynimo; Xalinta
dhibaatada; Is-anshixinta; Yool degsasho; Go'aan gaaris; Xalinta dhibaatada;
Halis u bareerid.
Health Ed
Horudhaca murqaha iyo lafaha, Shanta dareen, Horudhaca wadnaha iyo
sambabada, Daryeelka caafimaadka shaqsiyanka ah, Caafimaadka ilkaha;
Habsami u cadeysiga iyo findhiciliska, baarista joogtada ah, Farxalka. Injirta
madaxa, jimicsiga iyo hurdada, Nafaqeynta; Cuntada oo tamarta ah, Kalasaarida
cuntada oo noocyo cunto loo kala saaro, Xayeesiinta cuntada.
SUUGAANTA LUUQADA - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Akhriska
Adeegso xeeladaha inaad ku akhriso erayada.
Si fasiix ah u akhri qormada fasalka koowaad.
Dib u sheeg walxaha ugu muhiimsan ee qormada qayaaliga iyo kuwa aan
qayaaliga aheyn.
Adeegso xeeladahaaga intaad akhrinayso si aad u kordhiso fahamka.
Si madaxbanaani ah u akhri ilaa 20 daqiiqadood dabayaaqada fasalka
koowaad.
Qorista
Si sax u hingaadi erayada fasalka koowaad ee qorista maalinlaha ah.
U qor jumlada oo leh xarfo weyneyn sax ah iyo calaamadeyn si aad ugu
gudbiso fikrad dhameystiran.
Waxaad qortaa faqro afar jumladood ah oo ku saabsan mowduuc oo ku
jira mowduuca jumlada iyo saddex faahfaahin oo waaqic ah.
Soo daabac si jumladaha u sahalnaato akhrinteeda.
Dib u akhri qoraalka si aad u hubiso inuu micno leeyahay.
Si madax banaani ah u akhri ilaa 15 daqiiqadood dabayaaqada fasalka
koowaad.
Hadalka/Dhegeysiga
Warbixin kooban oo oraah ah ka bixi mowduuca.
Raac tilmaamaha si aad u dhameyso howsha.
Soo bandhig dhageysi firfircoon.
XISAAB - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Shaqo xisaabeed iyo Ka fikirka Aljabrada
Horeyhorey/gadaalgadaal u tiri.
Kudar oo kalajar 20, adigoo soo bandhigaya kudar iyo kalajar 10.
Adeegso iskudar oo kalajar 20 si aad u xaliso dhibaatooyinka erayga.
Xali dhibaatooyinka erayga oo u baaqa kudarista leh saddexda lambar oo idil oo
cadadkeedu ay ka yar tahay ama la mid tahay 20.
Ku dabaq tayada shaqo xisaabeed sidii xeelad kudar iyo kajar ahaan.
Fahan kajarida inay ka dhigan tahay sidii dhibaato aan la garaneen oo lagu daray
Faham micnaha uu leeyahay astaanta la mid tahay, oo go'aanso haddii la mid
ahaanshaha ku lugleedahay kudarista iyo kajarista yihiin run ama been.
Go'aan ka gaar tirada guud ee aan la garaneen ee ku jirta la mid ahaanshaha
kudarista iyo kajarista la xiriira saddexda tiro ee guud.
Garowso, ku celi, oo ballaari qaabka iyo isdabayaal tiro fudud.
Tirooyinka iyo Shaqo xisaabeedka oo gundhig u ah Toban
U fahan in laba xisaab oo laba tiro xisaab ah inay ka dhigan tahay cadad tobanaad
ama koowaad.
Isbarbardhig laba laba tirooyin xisaab oo micnahoodu ku saleysan yahay
tirooyinkii tobanaadka iyo koowaadka.
Adeegso >, =, iyo < si aad isu barbardhigto tirooyinka.
Fahan meesha-qiimaha uu leeyahay kahor, kadib, u dhexeysa.
Tiri ilaa 120, adigoo ka billaabaya tiro kasta oo ka yar 120.
Akhri oo qor tirsiimo oo ka dhigan tiro walxo ah oo la jira tirsiimo qoran oo
gaareysa ilaa 120.
U tiri halley, labaaley, shanley, tobanley.
Kudar 100 gudihiisa, oo ku jira adigoo kudaraya laba tiro xisaab iyo hal tiro
xisaab, iyo hadana kudaraya laba tiro xisaab iyo kudhufo 10.
Maskixiyan ahaan hel 10 wax ka badan ama 10 wax ka yar oo tiro xisaab ah.
Kalajar iskudhufasho 10 oo u dhexeysa 10-90 iskudhufashadaasi 10 ee u dhexeysa
10-90 (farqiga waa ay saxan tahay ama waa eber).
MUUSIKADA - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo XIRFADAHA
AASAASIGA
Sameynta
Soo bandhig qaab fadhi iyo sahmin cod.
Ku hees heeso taxane ah oo ay ku jiraan muusik dhaqameed oo dhaqamo badan
leh.
Soo bandhig haalaasi fudud (garaacis xasilan) qalab aan dananeyn.
Aaladaha Muusikada
Soo bandhig aqoon muusikeed, danan sare/dhexe/hoose.
Soo bandhig odhaahyo lagu soo celceliyo.
Ku hees rubuc qoraal gaaban, hal joog oo siddeed qoraal gaaban ah; rubucna ay
noqoto inta harta oo garaacid xoog/mid liita leh.
Soo bandhig xawliga muusikada darandoori iyo tartiib.
Soo bandhig tayo cod kala baxsan adigoo isticmaalaya qalab durbaan aan
dananeyn (alwaax, bir, ruxlaha/xoqxoqaha, iyo xuubka/maqaarka).
Ra'yi ka dhiibashada Bilicda iyo Muusikada
Fahan in dadku ay leeyihiin ka jawaabcelin kala duwan noocyada dhawaaqa
muusik ee kala duwan.
Sheeg sida qalabka tayada codka kala bixiya loo isticmaalo si uu u matalo
dabeecadaha heesta ku jirta.
Soo bandhig weedhaha soo socda: wac/ka jawaab, isutegey, hordhac, iyo ka
sinnaanshaha/kala duwanaanshaha.
Isdhexgal
Ku xiriiri muusikada Cilmiga Bulshada adigoo ku baraya waxyaabo ku saabsan
muusikada ka kala yimaadada wadamada kala duwan.
Taariikhda Muusikada
Sharaxaad ka bixi dulucda Meerijaanka Saint-Saens ee xayawaanada iyo
Prokofiev's Peter iyo Wolf loo sameeyey.
FARSHAXANKA - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo XIRFADAHA
AASAASIGA
Soosaarista Farshaxanka - Aaladaha uu leeyahay Farshaxanka
Sameey howl-farshaxan iyadoo la adeegsanayo xariijimo toosan, laaban/godan,
ballaaran, dhuudhuuban.
Sameey howl-farshaxan la adeegsanayo qaabab joomatari.
Sameey howl-farshaxan oo saddex-cabbir joomatari siman leh.
Sameey howl-farshaxan muujinaysa leen taagni oo ku yaalo dhul siman.
Sameey howl-farshaxan adigoo adeegsanaya naqshado lagu celceliyey.
Sameey xalleyf soo jiidasho leh oo dhoobo ka sameysan.
Soosaarista Farshaxanka - Xirfadaha Warbaahinta iyo Howlaha
Sameey rinjiyeen adigoo isku qasaya midabada hore..
Isticmaali buraash sax ah aad xajin karto, rinji marinta iyo qawaaniinta
nadiifinta.
Sameey gabal cad dhoobo ah ee xaleyf soo jiidasho leh.
Sameey howl-farshaxan oo la jirta asteeye xakameysan iyo xitaa marinta.
Sameey howl-farshaxan oo saddex cabbir isla siman adigoo isticmaalaya fiilo.
Sameey daabacaada khudaarta cagaaran ama qalab yar.
Soosaarista Farshaxanka - Ujeedka Arinta iyo Mowduuca
Sameey howl-farshaxan fiirinaya walax ama qof.
Sameey howl-farshaxan rasmi ah oo leh mowduucyada/ujeedooyinka soo socda:
qoyskaaga, dhul dhir leh oo siman, masawir khudaareed, daaraha bulshada ee
naqshad leh, iyo naqshad farsameynta dharka.
Ka jawaabida Farshaxanka
Kala saarista u dhexeysa howl-farshaxanka shaqeynaya iyo kuwa aan
shaqeyneyn.
Ka hadal oo kala saar masawirada midkood, howl-farshaxan dhul siman oo dhir
leh, weli nolol, naqshad dhismo, iyo farsameynta dharka.
Sheeg sida waxyaabaha soosocda loogu adeegsaday howl-farshaxanka qeexan:
leenka, midabada hore, qaababka/noocyada joomatari iyo naqshadaha.
Taariikhda Farshaxanka
Fiiri oo ka hadal howl-farshaxan ee waqtiyada, meelaha iyo qaabab kala duwan oo
muujinaya mowduucyada ujeedooyinka soo socda: qoys, dhul dhir oo siman,
dhirta, naqshada daaraha dhismaha bulshada, iyo naqshada farsameynta dharka.
Isdhexgal
Samee ama ka hadal shaqo farshaxan iyo muusik wada jira.
Isku xiriiri qaababka iyo naqshadaha ku jira farshaxanka iyo qaababka iyo
naqshadaha ku jira xisaabta.
XISAAB - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Cabbirka iyo Xogta
Dalbo saddex qalab oo joog leh
U cabbir jooga sidii tirada guud ee halbeega jooga.
Abaabul, matal, oo turjun xogta.
Kala bixi oo kala saar alaabta.
Matal xog waraaqo isdhaafsi dhexmaraya qof iyo qof kale oo leh masawiro, ku xir
jaantus, iskudar calaamadaha.
Sheeg oo qor waqtiga saacadaha iyo nusu saacadaha.
U tiri lacagta ilaa $1.00.
Ku qotomi cilmiga dhururuqda, shan senti (taano), toban senti (kumi), shan iyo
labaatan senti.
Isticmaal eray bixinada sida maanta, shalay iyo berito.
cadeey bilaha sannadka.
cadeey maalmaha isbuuca.
cadeey taxanaha dhacdooyinka.
cadeey tirada maalmaha bisha.
cadeey taariikhda (maalinta, bisha, taariikhda, sanadka).
Go'aan ka gaar maalinta isbuuca oo lala xiriirinayo taariikhda la siiyey.
Joomatari
Sheeg boosaska qaraabada (kor, hoos, dhinac, gudaha, horta, gadaasha, xiga,
bidix, midig).
Curi laba qaabood oo isla siman (laydi, afargeesle, sirgaxane afargeesle,
saddexgeesle).
Curi saddex qaabood oo isla siman (lixgeesle, laydi labada weji ay ka siman yihiin,
goobo toobin oo quman, dhuun goobo leh oo siman.
Kalaqeybsanaanta goobada iyo laydiga oo loo qeybshay laba iyo afar qeyb isu
dhiganta.
Sheeg qeybaha adigoo isticmaalaya erayada nuska, afarreyda, iyo afar meelood
meel.
Isticmaal erayga badh, afarreey, iyo afar meelood meel.
SAYNIS - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Sayniska Dabiiciga
Qeex su'aalo la isku imtixaani karo iyo sharaxaad iyo sameynta imtixaan cadaalad ah oo soo
jeedinayo isbedelo ku iman kara imtixaanka.
Cadeey oo si habsami leh u isticmaal qalabka ku habboon in lala barbardhigo iyo cabbiraada.
Falanqey xogta si ay gacan uga geysato naqshadaha baaris la cilmiyeeyey iyo xiriirka oo la
taakuleeyo sharaxaadaha.
Isticmaal waxyaabo u taagan sayniska oo sax ah kuna habboon (bandhig oraaheed, sawirid,
qariirado, shaxda xogta, jaantusyo, iyo qoraalo) ka hadlaya qawaaniinta iyo natiijada
baarista.
Sayniska Nolosha
Cadeey oo isbarbardhig sinnaanta iyo kala duwanaashaha xayawaanada waalidka ah iyo
ubadkooda.
Cadeey, baaritaanada taxan iyo diiwaanka wareega nolosha ay leeyihiin xayawaanada kala
duwan.
Cadeey baahida aasaasiga u ah xayawaanada (biyaha, cuntada, hoyga).
Cadeey oo isbarbardhig qaabdhismeedka jir ee xayawaanada iyo xiriirka ka dhexeeya
qaabdhismeedka iyo howsha (biyo qaadasho, taakuleyn, dhaqdhaqaaq, diirimaad, cunid).
Sayniska Dhulka iyo Cirka
Cilmi baaris ku sameey oo sheeg muuqaalada iyo isbedelada qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha
inta maalintii iyo habeenkii lagu jiro iyo waqtiga dheeriga.
Cilmi baaris ku samee oo sheeg tayada la xiriira awooda dabiiciga ee kala duwanaanshaha
ciida iyo dhagaxa. (tusaale urka, midabka muuqaalkam cabbirka badarka xiriira, xaleyfka,
biyo dhuuqida, xaadir ahaanshaha haraadiga.)
Cilmibaaris ku samee oo cadeey tusaalooyinka ah sida bini'aadamku u adeegsado walxaha
Dhulka laga helo (ciida iyo dhagxaanta).
Cilmibaaris ku samee oo cadeey isbedelada tartiibta ah ee dusha Dhulka sababo la xiriira ku
doorsoomida cimilada iyo nabaadguurka
Sayniska Jirka la xiriira
Cilmibaaris ku samee oo cadeey sida walxaha u dhaqaaqaan (riix oo jiid), oo sheeg nooca
dhaqaaqa ee walaxdaasi (toos, wareeg, sigsaag, dhicitaan) sida dhaqaaqa loo bedeli karo.
Isbarbardhig xawaaraha iyo jihada walaxda iyo booska uu la xiriiro ee walxuhu isu jiraan (
horey, ku xiga, gadaal, kor iwm.).
Cadeey xooga loo baahan yahay inuu ku qabto shaqada iyo jihada iyo cadadka xooga loo
baahan yahay inuu ku bedelo dhaqaaqa walaxda (boobsiis/tartiib, jiho bedelka).
Cadeey birlabtaas sababeysa in walxaha qaarkood ay dhaqaaqaan iyagoon la taaban.
Sheeg oo isbarbardhig sida isbedelka ballaaran (ka qafiifsan/culus badan) iyo isbedelka
xooga leh oo saameysa socdaalka walaxda fog.
Isbarbardhig oo isubarbardhig cadadka xooga loo baahan yahay inuu ku qaado walaxda
dagaandaga kala duwan ay leedahay diyaarad janjeereysa.
CILMIGA BULSHADA - FASALKA 1
WAXYAABAHA UU XAMBAARSAN YAHAY iyo
XIRFADAHA AASAASIGA
Dowlada/Barashada dowlada
Adeegso Hanaan Go'aan Gaaris Dimuqraadi ah (Cadeey siyaabo kale, ka
turjuma kala doorashada, codeynta, aqlabiyada, sharciga loo badan yahay.).
Fahan horumarinta ay leedahay danta guud.
Fahan xuquuqda iyo masuuliyadaha shaqsiyanka ah.
Cadeey tirada xukuumada/hogaamiyayaasha bulshada iyo adeegyada ay
bixiyaan.
Tusaale ka bixi sida adeegyada dadweynaha looga caawiyo danta guud.
Fahan sababaha ay leeyihiin shuruucda iyo sharciyada.
Fahan oo ka qeybgal xal nabadeynta khilaafka.
Isticmal farsamada casriga si aad u baarto bulshayowda.
Taariikhda
Cadeey tabarucaada ay leeyihiin Mareykanka muhiimka ah
Washington
Lincoln
Cadeey astaamaha Mareykanka muhiimka ah
Calanka
Taalada Xorriyada
Capitol
Galeyrka
Sharaxa micnaha muhiimada ay u leedahay Maalmaha Feestada Mareykanka
Afart Luulyo
Maalinta Madaxweynaha
Maalinta Xuska
Dhisida sooyaal fudud
Dhaqaalaha
Fahan oo dalbo isweydaarsi.
Ganacsiga la isticmaalayo lacagta.
Tusaalooyin ka bixi oo qeexaya ganacsiga.
Juquraafiga
Isticmaali adduunka.
Fahan in qariiradaha ay u tagan yihiin meesha dhulka uu ka saaran yahay.
Ku meeleey dhulka iyo biyaha qariirada dusheeda iyo adduunka
Ku meeleey qariirada dusheeda Missouri iyo St. Louis.
Ku meeleey meelaha Waqooyi, Koofur, Bari, iyo Galbeed ee goobta.
Sheeg goobta la xiriirta meesha.
Ka warqabida Dhaqanka
Fahan sida loo wahajo baahida qoyska iyo asxaabta.
Cadeey dhaqanka iyo damaashaadka ay leeyihiin kooxaha kala duwan.
Fahan in dadka oo dhan ay leeyihiin baahi iyo xuquuq aasaasi ah.