Sheeko Waddareed

Hiil-Qalin - Sheeko Wadareed: Darbi-jiif
Shabakada Tooshnew Waxa ay idin oo gudbinaya barnaamijka Sheeko wadareed ee Bahda Hiil-Qalin.
Qormadii labaad
1. Ismaaciil Cabdilaahi Ubax
2. Nada Yuusuf Cumar
3. Ladna Rashiid Cabdilaahi
Halkan Ka Akhriso
Hoheey Noloshaydii Seegay!!
Waxa uu gashan yahay shaadh dhinacyada ka jeex jeexan oo lIIliiddo casaan iyo madaw ah leh iyo Surwal
jiimis ah oo jilbaha u taagan, midabkiisuna yahay Buluug. Timuhu way ku bexeen, midabkiisa oo marriin
ahaana hadda uu is badalay oo waa caweef basiirad ah oo madaw ku ladhan yahay.
Waa Sagaalkii habeennimo, magaalada ayuu cabbaar soo marmaray isga oo caagaddiisii yarayd ee
caddaanka ahaydna afka ku wata. Kadib ayuu iska soo luuday si uu iskaga seexdo meeshii yarayd ee uu
iskala qabsaday seexashadeeda. Saqdii dhexe isaga oo ku jira hurdo aad u macaan, iska riyoonaaya oo
aan adduunkanba joogin ayaa laga dhex galay oo sidani ku dhacday. Cirkii buluugga ahaa saacado ka hor,
ayuunbaa isku badalay madaw iyo daruur roobaaad. Afarta jihaba waxa iska soo qabsaday mahiigaan
baaxad wayn. Onkodka iyo Hillaacuna way is waydaaranayaan.
Roobkan is qabsaday dadbuu badhaadhahoodd yahay, basiiradda iyo abaartana ka biinayaa. Laakiin
Cabdi yare waa u cadaw. Hoy uu ka galo iyo hooyo ka qarisa midna ma haysto. Ciiddu weheshadaa iyana
daadbaa buqda haya. Cirkuu daawadaa roobka ka da’aaya. Baro iyo Bayt kalena male.
Wax uu hillaacaaba hadduu barta Saaray Bartii uu jiifay Cabdi yare. Shagagax!!!! Dabayl roobka ka
horraysay ayaa markiiba Bacyar oo madaw oo uu huwanaa la boodday. Waxa uu ka cay isaga oo
qadh-qadhaaya oo ilkaha isku garaacaya. XAAX!! daadkiina waxa uu qaatay Kartoonkii uu ku jiifay, kabo
dacasa oo kala kaana oo uu xidhnaa iyo Caagaddiisii yarayd.
Wax uu sameeyo ayuu garan waayay, uu ciil oo yay oo uu ciil iyo cadho dibinta ruugay. Cid la’oydana ma
haysto. Roobkii iska da’ waxa uu ka baqayaa in uu daadku qaato. ciilkii iyo cadhadii ka buuxsamay ayaa
ka yeedhsiiyay
Hoheey noloshaydii seegay
Hoheey Naftaydii illaabay
Hoheey Damiirkaygii Galaaftay
Hoheey talo iga habowday
Hoheey xaggeen u ciirsan
Hoheey iyo Hoyeey noloshayii Meeday.
Cabdi yare da’diisu waa 14 jir. Lamoodo duq cimri goys ah. Dadka iyo dugaaguna waa iskugu mid
noloshana waxa uu ka yaqaan dooxa uu seexdo iyo caagada uu xabagta ka cabbo.
Nada Yuusuf Cumar
© Bahda Hiil Qalin
[email protected]
.............
Roobow Ku Nacay
Maanta cirka iyo dhulku way is haystaan. Roobka weyn ee da'aya awgeed cadceeddii ayaa weyday meel
ay kasoo dalooshato daruuraha garbaha is gashaday. Dhexdooda waxa ka dhalanaya hillaac nuurkiisu
indhahayga ka yaabshay oo hoggaaminaya shanqadh iyo hanjabaad uu wato onkodka daba socdaa.
Dabcan anigu roobka kama helo. Anigu roobka waan necebahay. Dadka badankoodu way jecel yihiin,
faa'iidooyinkiisa awgii. Aniga khasaare ayuu igu hayaa sidaa darteed waa daw inaan naco. Maalinta uu
roob da'o waxay ka dhigan tahay masiibo. Aan kuu jilciyo. Dadka ayaan wax ka helaa, dadka ayaan wax
weyddiistaa, dadka ayaan gacanta hoos dhigtaa. Mararka qaarkood waan shaqaystaa oo daasad baalash
ah ayaan la wareegaa. Si kasta oo ay da'daydu u yar tahay haddana waan xoogsadaa markay suurtogalka
tahay. Islaan aanu jaar nahay derbiga aan seexdo, waxay igu qiyaastay 12 jir. Kolley waa runteed.
Maxaan ka ogahay?
Maalinta roob da'o dadku waxba ma bixiyaan, haddii aan shaqaysan lahaana cidi waxba ma
baalashaysato marka roob da'ayo. Waxaasoo dhanba mid baa igaga daran, meeshaan seexan lahaa daad
baa qulqulaaya. Horto roobabku kal xunxune midbaa ugu daran. Waa midka habeenkii da'a. Islaantaa
aan idiin sheegayaana magacay iigu sheegtay waa gudgude. Alla gaadmo badanaa oo jecelaa inuu kaa
nixiyo. Inta jeer ee uu i toosiyay aniga oo si wacan u hurda tiro maleh. Imisaan habeenka qaybtiisa
dambe taagni aan ku dhammaystay. Imisaan sidaan u sugaayay inuu qaaddo uu waaga igu simay. Anigoo
xaalkaygu halkaa marayo ayay isoo ag maraan dadkii guryahooda soo seexday oo "Illaahoow waa
mahaddaa" ku dhawaaqaya. Barwaaqo aan ii tirsanayn ayay ku xamdi naqayaan. Barwaaqo aan
barwaaqo aniga ii ahayn ayay ku farxaan. Anna barwaaqo kalaan xamdigeeda badshaa. Badhaadhahaygu
waa goorta roobka la waayo. Alla maxaan dhergaa, oo si wacan aan u seexdaa. Muddo markaan sidaa ku
jiro ayuu wadaad kadeedani salaad aan macnaheeda fahmi waayey oo roob-doon la yidhaa kolba uu ku
dhawaaqaa. Inaan roobka gaajo ka qaaddo ayaanu wadaadku fahmin. In roobka dhulkaan seexanayay
iga dhooqeeyo ayaanu wadaadku fahmin. Tolloow markuu Illaahay baryayo anna ducada muu iigu
darro? Mooyidiisa balaayada caloosha weyn lihi. Kolley sariir ballaadhan buu ku seexdaa hilib iyo
waxaan la garanayna uu isla dhacaaye muxuu dhibkayga ka og yahay.
Laakiin maanta aad baan u faraxsanahay. Wallaahi farxaddayda inaanan cid kale u sheegin oo haddaan u
sheego way iga xadayaan waxaa aan helay. Markaa idinka ayuun baan idiin sheegayaa. Awal hore
dhulkaan goglan jiray, cirkana waan huwan jiray laakiin caawa way ka duwan tahay. Caawa tii dhaxan
ahayd isma arkayno. Caawa waxaan huwanayaa go' shaal ah oo cusub oo bacdiisii isaga oo ku jira saaka
oday i hor socday dhulka kaga dhacay.
Ismaaciil Cabdillahi Ubax
© Bahda Hiil Qalin
[email protected]
....................
Darbi-jiifb Ayaan Ahay
Waxaan dhex hurday meel madow. Saani na uma wada hurdin ee waxaa mar qudh ah i soo wereeeray
nin, kaas oo laad iga qabadsiiyay kallida. Qof anaan garanayn ayuu ahaa. Maan arkayn qofka laadka igu
jiiday, waayo meesha aan jiifay waa meel madow, aanad qofka si fiican u arki karayn. Waar waa'ayo?,
ayaan weyddiiyay intaan sare u joogsaday haddana isagoon ii jawaabin ayuu feedh iga qabadsiiyay
daanka, kaddibna waxaan damcay inaan iska celiyo qofkii dagaalka igu soo qaadday. Nin iga weyn buu
ahaa. Si aan naftayda u badbaadiyo inaan dagaallamo ayaan billaabay laakiin waan awoodi wayay inaan
iska celiyo. Si xun ayuu ii garaacay ilaa aan miyir doorsoomay, kaddibna dhulka aan ku dhacay.
Markii aan soo miiraabay goor toddobadii subaxnnimo ku dhawaad, cadceedduna soo baxday, ayaan
madaxa kor u qaad is idhi, markaasaan culays dartii awoodi wayay inaan madaxayga kor u soo qaaddo.
Meelkastoo jidhkayga ka mid ah xanuun ayaan ka dareemayay. Anoon bartii ka kicin, ayaa waxaaa ii yimi
wiil asxaabtayda aannu meeshan gudaafada ah ee hoyga noo ah kuwada noolnahay. Halkani waa
meesha roobka iyo dhaxanta aannu ka galo, jeerkaasna, hoy ii ah. Waa halka waxkasta oo nafta bini
aadamka ku cadaw ah kaga gabado.
Saxiibkaygii ii yimi ayaa damcay inuu iga qaato xabagtii aan nuugayay, anoo gacanta ku haysta ayuuna
igala boodday. Kaddiba waxaan isku dayay inaan ka soo ceshado. Anigoo dirqi ku socda ayaan gaadhay,
dagaalbaa na dhex maray xabagtii mid kale ayuu u dhiibay, kiibaa la cararay haddana kii mid kale ayuu u
sii dhiibay. Ugu danbeyn waan ka soo ceshaday.
Gaajo ayaa si darran ii haysa, safrad darteed indhaha ayaa i madoobaaday, dirqi ayaan wax ku arkayaa
madaxgu wuu wareersan yahay, gabigayguba dhulku wuu ila wareegayaa. Waxaan soo hor joogsaday
hudheell, kuwa wax laga cuno ah, markaas ayaan is idhi hanbaddii iyo waxii dadku meelahaa kaga
tageen soo cun. Markaan kadinka marayo mid baalashle ah ayaa iga hor yimi wuxuu si naxariis darro ka
muuqta iigu yidhi xabaglayahow ka hor dhaqaaq meesha, anna markaas ayaan dagaallamay, kaddib
dadkii meesha marayay ayaa na kala qabtay, waan iskaga tagay anigoo weli sidii u gaajoonaya.
Cadceeddu aadbay u kuluushahay, welina calooshaydu way madhantahay. Waxaan isku dayay inaan nin
dariiqa maraya lacag weyddiisto, kiina intuu igu gacan saydhay ayuu weliba cay iyo hanjabaad iskugu kay
darray. Waan ciishooday, caloolyow dartiibaan si cadho leh xabagtii aan daasada ku sitay u nuugay,
markaas ayaan meel iska fadhiistay.
Siduu u fadhiyay ee waqtiga u dhibsanayay, ayuu bilaabay in uu ujeedo la’aan dhulka xariiqo,
xarriijimaha uu fartiisa ku jiidjiidayo ayay maskaxdiisuna raacday oo xaalad kale u hayaamiyay. Mar
qudha ayuu meeshii uu joogay ka dheelmaday oo caalam kale u gudbay. Xarriijimihii dhulka ku
jiidjiidayay wax ay geeyeen guri iyo nolol dhaanta caddaabtan uu ku noolyahay. Haddii uu is wayddiin
lahaa sababta xusuustaasi maskaxdiisa u jiidatay ma garteen. Isagoo hooyadii iyo aabbihii meel
ladeggan. Marmar kolka magaalada uu dhex marayo wax uu isha ku dhuftaa wejiyo carruuro waalidkood
la nool, nolol wacanna haysta.
Hadda noloshan daashatay, gebi ahaanteedba silic iyo darxumadan u dheer ayuu nafta kolkol yidhaa:
duniddaba adoo ka tagaa ka raaxo badan. Aabbo ma lihi!! Hooyana haba sheegin!! Dadna hadalkood
daa. Dugaagga waxba ma dhaamo, darxumada naftaydana darbi-jiif baan u ahay.
Ladna Rashiid Cabdillaahi
© Bahda Hiil Qalin
[email protected]
@Qoraalkani Waxa uu u dhawrsan yahay Bahda Hiil-Qalin iyo Shabakada Tooshnews.net