Hawl iyo hogo kaliileed

Dhambaal
Hawl iyo hogol
kaliileed
Ibraahim Cali Riyaale
Waxaa lagu jirey diraac maxarshoon ahayd. Markii uu
Naalleeye, oo xiddigiye weyn ahaa, uu habeenkii dambe
malluugaha jeedaaliyey wuxuu arkay saadaashii oo aad
u fiican yididdiilana ka muuqato, markii, cirka oo af kurubadleynaya dayaxii kal galay, laxihii iyo lo’dii oo goor hore
dhacay iyo waaq habaarkii oo janjeedhsaday. Wuxuu kale
oo maskaxda ku hayey dhirta qaarkeed oo xilli magooshay.
Xoolaha oo waqtigaas, ishkin iyo adhiba, sid gooyey ayaa
Naaleeye werwer weyn ku hayey, hase ahaatee, habeenkaas bay yididdiilo weyni kashiisa gashay, maxaa yeelay,
xilli gu’ iyo ififaalihiis baa u muuqday. Geelu maalintaas
waa cokanaa adhigase kalkiisii bay ahayd.
Riyaale, Ibraahim Cigaal
(1978), Hawl iyo Hogol
kaliileed, Suugaanta Dugsiyada Sare ee Soomaaliya, fasalka 3aad. Wasaaraddi Waxbarashada
iyo Barbaarinta, Xamar,
pp.73-79
w.buuh.net
[email protected]
w.buuh.net
Hiirtii waaberi markii uu ooggu istaagay, intuu adhigii
af-saarka ka tuuray, oo xayeeshkii xerada ku reebay, ayuu
wixii xoogga lahaa marada u riday. Maalinti oo dhan
dhalandhool buu ahaa, habeenkiina guul-oomman. Subaxdii dambe markii nin iyo geed la kala gartay ayuu oodda ka rogey oo inantii ku yidhi “aabbe waan sii ceelalyo
tegayaaye adhiga soo kaxee oo geedkii qudhaca ahaa ee
weynaa ku soo hagaaji”.
Tallaabada wuxuu hoosta ka xadaba, ceelkii oo maax geliyey buu isku tuuray. Markiiba weelka buu darka ku teediyey
wadaantiina moolkuu ku shalwiyey. Kolkii uu yeelkii oo
dhan buuxiyey ayuu intuu wadaantii celka ku riday dawliska caaraddiisa dambena xakabka ku xiray, tuur yar oo
halkan ahaa isku taagay uu yidhi “Cibaadooy, aabbe adhiga
soo hor”. Barqo gaaban itaan la gaadhin adhigii kammin
Dhambaal
iyo rakaadiba waa u dhammaatay. Hase
ahaatee, nasiib darro, adhiga qaarkiis baa
kawkabay oo darkii ka kici waayey.
Maalintaas oo dhan wuxuu adhigii kawkabay baxnaaniyaba, casar liiqii buu fuliyey.
Habeenkaas meel dheer carraabo kuma
geynin oo guul-cokan buu sii gebageba
fadhiisiyey. Waa lexejeclo iyo caadadeede,
habeenkaas il iyo baalkeed isuma uu
keenin oo jeedaaluu ahaa. Waagu markii uu
galalac yidhi yuu dhabbaha cagta u saaray.
Dharaartaas oo dhan wuxuu sii dadobaba,
gabbal dhacay markii ay ahayd ayuu reerkii
usha dul dhigay. Habeenkaas sidii uu filayey bay raxmaddii afarta jahaba ka hillaacday. Inkasta oo uu daal iyo dekaan qabay,
haddana Naaleeye ma seexane, oo habeenkaas oo dhan hilaadis iyo oddoros buu u
soo jeeday. Geela oo deegaan raaca lagu
yaqaan baa isaguna markuu hillaacii arkay
in uu oodda jebiyo u kankaansaday. Markii
indhaha la kala gooyey buu Naaleeye, intuu
laba halaad oo dhaqayo ahaa sii finaaqsaday sahan tag weysada u buuxsaday. Meesha reerku yiil iyo halka uu roobku ku soo
simay waxa u dhexeysay suun abaar ahayd
oo aanay xoolohu geed sare iyo mid hoose
toonna saxar ka goyneyn.
w.buuh.net
Wuxuu fool u sii jeedaba, wuxuu hanfi
kaliileed iyo halas abaareed sii jiidhoba,
gelinkii dambe ayuu dhul uu mahiigaan ku
yuurursaday oo ay xareeddu gal iyo gelgelinba buuxisay u soo dhigtay. Naaleeye
inkasta oo uu haraad ka hadhay, baahi bay
beerka iyo boggu iskula dhegeen. Gabbalku
wuxuu ugu dumay geli cidla ah iyo gudcur
roobabow oo aan waxba la arkayn. Wuxuu
iska masanuun socdaba oog meel dheer
ka baxaya baa markii dambe u bidhaamay.
Intay neefi ka soo kudday ayuu tallaabo
kaytowba ku dhaqaaqay oo oogtii ku tibbaday. Wuxuu soo qarda jeexaba, markii uu
meeshii oogtu ka baxaysay u soo dhowaaday ayuu koor dhawaaqeed iyo jabaq kale
maqlay.
Cabbaar haddii uu soo sanqadh dhegayteyna, wuxuu ku soo baxay gole ay koox
dhallinyaro ahayd waalo ku ciyaaraysay
ama ku jaaweysaneysey. “War nabad ma
la sheegay?”. Bariiduu golihii u dedejiyey.
“Waa nabad ee adigu maxaad sheegtay?”.
“Shillaa’aawi”.
Intaas markii la is waydaarsaday ayuu nin
raga ugu da’weynaa inammadii la hadlay
oo yidhi “waar diif iyo diihaal baa ninka
ka muuqdee ee kaca oo geela godla nin-
Dhambaal
ka caano ha looga lisee”. Qacdiiba, laba
isku sidkanaa baa la iska daba godley oo
gaawe laba nin deeq ahaa laga soo milaalay. Aroortii dambe, markii geelii looga sii
caana lisay ayuu intuu guri degmosan ah
sii qormaystay xaggii reerkiisa ku toosay.
Wuxuu maalintii oo dhan kabti iyo kaynaan
ahaadoba, maqribkii buu xoolaha la xero
galay. Habeenkaas gataatedhac buu ahaa
oo dhinacii uu u jiifsaday marna isma rogin.
Waagu markii uu beryey ayaa raggii beesha
u talin jirey oo dhammi gurigii Nalleeye mid
mid ugu soo kallaheen si ay u waraystaan. “Weeye”, “ waa sidaas iyo sidii xumayd
la’aw”, markii la isku celiyey ayaa waa inoo
caawa iyo geeddi la guddoonsaday. Xiddigta waabberi markii ay big soo tidhi, baa
kheyr raro iyo ka rayso, reerihii la dareeriyey. Meesi kastaba hees u gaar ah baa loogu
haloosiyey.
Waxaa maalintii oo dhan maalin sawaal
la shadoobo, casar dheer baa gurigii uu
Naaleeye soo laansaaray reerkii lagu furay.
Isla markiiba hawshii dejistaa qof waliba
meeshii uu kaga habboonaa uga feytey.
Haweenkii aqalladii bay mid kastaba qormadii loo qaydey ka dhiseen. Naalleeye
iyo wiilkiisii Cartanna intay gudmihii iyo
hangoolladii iyo garab qaaddadii la boodw.buuh.net
een bay yagleel u dhaqaaqeen.
Dhowr casho ka dibba, xoolihii barqo
dhereg bay noqdeen, caanuhuna dhiil iyo
dhiriba ku bari.
Mustaqbalka naftaada, qoyskaaga, shirkaddDhambaal
aada iyo shaqadaadaba waxay, maanta, ku
xiran yihiin heerka aqoontaada......
Saddexda buug ee Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye
iyo Bangiyada Islaamku waa saddex buug oo, idanka
Eebbe, kuu fududaynaya sidaad u gaari lahayd
hammigaaga, himilooyinkaaga iyo hiraalkaaga.
Ka dalbo Buuh Publications:
e. [email protected]
w. www.buuh.net
w.buuh.net