Hemabort

Patientinformation
WARBIXIN ADIGA KU QUSEYSO OO GURIGA ISKAGA SOO
RIDAAYO UUR JIIFKA
Adiga ku so dhawaaw qeybta Kvinnoklinikiga ee Linköping
Booqashada 2 Tariiqda:__________________ Sacada:______________
inta xabo oo kaniini istacmaalka( Mifegyne)
Malinta lagu daweynayo:__________________
xariirka:_______________
Telefonka
Intee aniga imanaya kulanka 2 baad iyo kulanka dib isku wareysiga?
Malmaha shaqada: Tag qeybta ”Kvinnoklinikens mottagning” dabaqa 16 wiishka B, iska
diiwan gali risebshinka.
Isbuuc aqirkiisa: Tag qeybta ”avd. 21” dabaqa 16 wiishka B
Warbixin quseyso kulanka 2 iyo dawo istacmaalka Mifegyne
Markaa kulanka imatit 1 xabo oo kaniini ah ba lagu siin oo markaas aad nala joogtit aad
laqaysid.
Hadii ad 2 sac gudaheeda aad ku matagtit dib ba nagu soo noqonaysa si aan ku siino kaniini
cusub.
Kaniiniga qeybta uur qadka bu xayiraya in u korin uurkas.
Marmar ba dadka ku dhaca dhiig malinta aysan bilawin dawada ka hor. Adiga sidii aad u
noolan jirtay ba u nolaneysa.
Hadii aad ku xanuunsatit sidee noqotaba la soo xariir qeybta Kvinnoklinikiga sida ugu
dhaqsida badan. Telefon lamabarka hoostan ba ka helaysa.
Boqosadan wa xey joogta 100 karon.
Warbixin quseysa malinta dawada
Malinta dawada qof weyn hore waa u so wadan karta iyo hadii aad rabtit bananka waa ay joogi
karta. Lakiinse adiga malinta dawada kuma banaana in aad wadiid babuur.
So cun qurac. Xanuunka ka hortag oo so cun 2 xabo Diklofenak midkiiba 50 mg iyo 2 xabo
Panocod. Markaas ka bacdiina waxa kashanaysa canbarka hoose 4 xabo Cytotec midkiiba 0,2
mg. Oo adiga gudaha hoose oo cabarka aad ku riixeysid. Markaas ka bacdiina 30 minid ba
jiifeysa, sidey kaniiniyada canbarka shaqadooda u qaban karaan. Markaas ka dibna waa socan
karta ama jiifi karta kii adiga kuu roon.
Hadii aad isku arki weysid dhiig 4 saac kabacdii waxa adiga qadanaysa 2 xabo Cytotec oo ah
kaniiniga canbarka iyo 30 minid ba jifeysa.
Istacmaal marooyin kulul, barkimo kulul iyo jir daliigitan ama wax xanuunka ka yareyo. Hadii
aad u bahatit waxa qadan karta 2 xabo Panodil midkiiba 500 mg markey ugu badato 3 jeer 20
iyo 4 tii sacba.
Datum, signatur
1/1
Patientinformation
Kaniiniga canbarka waxuu jilcinaya minka si u isku furo. Iyo fool bu ku daren sinaya oo taasna
uur jiifka bey so rideysa. Caadiyan wexey qadata saacad inta kaniiniga canbarka wax ka
daremeysid. Dhiiga kaa imanayo waa sidii cadada camal iyo xanuun badan waa ka daremaysa
oo shabaho xanuunkii cadada. Marmar dhiig yar iyo xanuun yar ba la isku arka. Inta sac ay
qadanayso inta u uur jiifka ka so dhacayo 2 ilaa 6 saac bey qadan karta. In aad soo kala
baxdeena waxa ku garan dhiigoo yarado iyo xanuunko yarado.
Galabtii waxa ku sowaceyso kalkaliso ama umuliso oo ku weydiin doonto xaladada sidee
tahay.
Dib isku wareysiga
Aad bey muhiim u tahay in la hubiyo in lagu guulestay soo riditaankii uurjiifka, iyo in u uurka
koreynin. Tan uurka lagu kontaroolo ba ku siineyna oo guriga u qadan, waana ka hishiin doona
maalinta iska kontaroolaysid uurka.
Waa ku so waci doona isla malintas si aan ku wareysano cafimaadkaaga iyo waxa aad ka
aragtay uur kontarolki. Marmar bey dhacda uur jiifka in u so dhicin lakiinse waa marmar dhif
ah.
Istacmaalka uur ka hortaga marki uur jiif la isga so ridey
P-piller ba bilaweysa in aad istacmashid habeenkas ama subaxdaas aad uur jiifka iska so ridey
kabacdii. Hadii aad rabtit in aad minka iska xirtit waxa waqti ka balan saneysa qeybta
Kvinnohälsan 010-105 94 25.
Fahfahin guud
Waa caadiyan in u dhiiga socdo 2 ilaa 3 isbuuc.
Isku taga, tampongka iyo dabaal waa in aad iska ilaalisa inta ad dhiigaysid.
Adiga waa in aad iska ilalisa waxyabaha lagu garto infagshinka malmaha 1 waad markii lagu
daweyo kabacdi. Waxa isku arki karta calool xanuun, qandho iyo dhacan iyo dhiig soo urayo.
Caadada cadiyan waxa ay so noqota 4 ilaa 6 isbuuc gudahooda.
Xanuun babi iye waxa u isticmaali karta Panodil 2 kaniini midkiiba 500 mg ugu badnaan 4 jeer
20 iyo 4 tii saacba.
Hadii ad uur iska dareentit 14 cisho xiligii dawada la so xariir qeybta jinikolejiistiga.
Dib u kulan
Hadii u hergab kugu dhaco, qandho ku qabato ama aad sabaab kale daradeed aad u iman karin
fadlan na sowac o na so ogeysii in aad kulanka ka baqatay, la so xariir qeybta jinikolejiistiga.
Telefonada hoostaan ba ka helaysa.
Hadii aad qabtit suaalo markii la so rido uur jiifka ka bacdi
Hadi aad u bahan tahay cawinaad ama qof aad kala hadashid waxa aad ku fakireysid ama aad
daremaysid oo uur so riditaanka sabab u yahay ku soo dhawaaw oo la so xariir bulsho
cawiyaha noo shaqeyo.
Hadii aad suaalo qabtit soo wac qeybta jinikolejiistiga.
Datum, signatur
2/1
Patientinformation
KU SO DHAWAAW QEYBTA KVINNOKLINIKIGA
Telefonka qeybta Kvinnoklinikiga ee Linköping
Linköping malmaha shaqada: 010-105 94 35, dagdag:010-103 31 15
Isbuuca aaqirka iyo habenada: 010-103 11 21
Datum, signatur
3/1