17th December, 2014 d Galadii Eebe Ku Siiyee Garaadkeeda

17th December, 2014
 Galadii Eebe Ku Siiyee Garaadkeeda Lagugu Daray
 Gunimo Weeyaan Runtii Inaad Gacan Ku Biyo Baxdaa
Maxaynu Uga Hadlaynaa?
Dhaawicii ku yimidey Muslimiinta kadib burburkii dowladoodii weyneyd ee Cuthmaaniyiinta,
waxaa burburay wax kasta; waxey la macne tahay eeggii dowladii weyneyd ee kacaankii S. Barre
AUN meesha ka baxday, waxaa lumay oo burburay dhammaan halbeegyadii, haykaladii, hababkii
iyo hay’adihii. Diinta Islaam ku waxay u baahan tahay dowlad ilaalisa oo daryeesha (Islamic
State) sida dhaqan ku ugu baahan yahay keyd sooyaaleed oo fan ah oo ilaaliya, kaasoo ay tahay
in laga dhex arki karo hiddihii bulshada iyo dhaqan ka casriga (Fanka Iyo Suugaanta).
Natiijada laga dhaxlay burburkaas waxaa ugu waaweyn in wax kasta oo samaan ahi xumaan isku
beddeleen, shay kasta tiirar kiisii rasmiga ahi kuwo samays ahi beddeleen, xeerarkii iyo haylkalkii
mabaadiida ayaa beddelmay, taasina waxay aafo weyn ku noqotay ilaa iyo hadda bahda Muslimiin
ta iyo Soomaalida oo wali la tacaalaya arrimahaas siday uga soo kaban lahaayeen. Guurku wuxuu
ka mid yahay arrimaha sida wayn loo farfareeyey ee loo khalday; waxaa la beddelay dhammaan
anshaxiisii, haykalkiisii, xeerarkiisii, duruuftiisii iyo daryeelkiisii.
Dibu-dhaca wayn ee ku yimid tirada iyo tayada Guurka, waxaa loo sababeenayaa karti darrida
iyo ogaal xumida dhallinta ka haysata barashadiisa, fahamkiisa, dhaqan gelintiisa iyo dulqaad kiisa.
Dhaliil aan taas ka yarayn waxaa iska leh waalidka, kuwaasoo qiima dhac iyo qaaya tir Guurka ku
sameeyey, waxey qaaliyeeyeen qiimaha meherka; waxey dhallinta ka caawin waayeen fahamsiinta
iyo aqoon baridda mowduucan; waxey dhallinta u fududayn waayeen guurka iyo cimiladiisa, Kol
haddii qiimaha guurka uu sare u kacay, sidoo kalena dakhliga dhallinyarada uu hooseeyo, waxey
natiijo ahaan sababtay in dhallintu ay siigaystaan, booskii ay ka guursan lahaayeen. 10-kii qof oo
da’da 13-25 u dhaxeysa 9 kamida ayaa siigaystaa taasoo 99% ah; siigaduna waa maado dhibaatayn
iyo waxyeello badan u keenta caafimaadka. Bulshada Soomaaliyeed aminka dagaalladii qabaliga ka
dib la tacaalaysa dagaallada aaminaada iyo runta, waxyaallo badan in loo cadeeyo waa daw.
1
Waa Maxay Siigo?
Qeexidda Samiik: Isticmaalka awoodda gacanta oo uu qofku biyaha si xoog ahi iskaga keeno,
isagoo xoq-xoqaya oo salaaxaya xubinta taranka (Lab & Dheddig). Siyaabooyin kala duwan ayaa
loo sameeyaa maadada siigaysiga, taasoo ujeeddada xaqiiqiga ahi tahay in qofku biyabaxo oo uu
dareemo waxoogaa raaxo kumeel gaadh ah, kacsi badan oo hayey owgeed. Dhallinyarada qaabab
kala duwan ayey u adeegsadaan raadinta raaxadaas, waxaa kamida: In ninka uu helo naag uusan la
samayn galmo oo u nuugta xubintiisa, ama isagu uu isku sameeyo isagoo xoqxoqaya oo salaaxaya
xubintiisa, isagoo adeegsanaya candhuuf, shaamboo iyo dhammaan waxyaallaha dufan ka leh, sida
kareemada iyo saliidda. Dumarku waxay aalaa iyagu isticmaalaan farahooda iyagoo farfareenaya
xubintooda, sidoo kale aallado kale duwan ayay isticmaalaan sida: Xubinta ninka oo Artificial ah,
(Sex Toy) iyo qaybaha kala duwan ee khudaarta sida mooska, liinta iyo IWM.
Maxaa Loo Siigaystaa?
Kacsi Badan: Qofku marka uu kacsado oo dareen galmo oo degdeg ahi qabato, xaasna
uu lahayn, waxay ku khasabtaa inuu siigaysto.
Cabsida Zinnada: Dadyow badan ayaa xilligay isku qabato mid uun inay sameeyaan, in
ay sinnaystaan ama in ay siigaystaan; waxay door bidaan siigada.
Dhaqan Balwo: Qaar iyagu way qabatimeen oo balwad ayey u noqotay, kacsi iyo kacsi
la’aan waa kuwii sameeya, maba joogi karaan oo maba noolaan karaan hadaysan samayn.
Faa’iidada Siigaysiga?




Waxey qofka ka ilaalisaa inuu ku dhaco zino
Waxey qofka ka caawisaa inuu dejiyo dareemadiisa oo u raaxeeyo
Waxey qofka ka difaacdaa saamaynta wayn ee shahwadu ku yeelan karto caafimaadkiisa
Qarash yaraan, Uur la’i, ceeb la’i iyo Tijaabada ruuxu inuu biyo leeyahay.
2
Faa’iido Darrada Siigaysiga?
Wajiga Koobaad

















Maskax qalal iyo Maan xidhan
Xifdi la’aan iyo Faham yari
Xawliga dhiiga oo daciifa
Xubinta taranka oo jilicda
Aragtida oo tamar daraysa
Miisaanka jidhka oo is dhima
Taahid iyo Gariir badan
Dulqaad iyo Firfircooni yari
Faalig iyo Qalal dhanka jidhka
Hurdo badni iyo muuqaal xumo
Maahsanaan iyo Jiljileec badaan
Xiniinyaha oo barara oo cuslaada
Himmada rabbaaniga oo yaraata
Cuncun iyo Is xoqid badan
Shakki badan iyo Cabsi caafimaad
Murugo iyo Qowmamo badan
Iyo qofku horay inuu u guursan waayo
Wajiga Labaad
 Dhabar xanuun badan iyo kelyo xanuun saamayn wayn yeesha
 Nafaqada timaha oo dhammaata kadib daata
 Kacsi la’aan iyo biyo-bax degdeg ah
 Inay biyuhu (Manidu) soo dareeraan iyadoo kacsi aanay jirin "Semen leakage”
 Hab dhiska maskaxda oo khalkhala iyo xididdada oo hawlgaba
 Dhibaato lagala kulmo joojinteeda.
3
Wajiga Saddexaad
 Haddii uu shakhsigu caadaystay inuu gacantiisa ku biya-baxo oo sidaas raaxo ku helo,
haduu joojin waayo waxay sababtaa, kolkuu guursado in gacanta xabiibtiisa ee jidhkiisa
salaaxaysa ku kacsan waayo, ama ka heli waayo mid u dhigma kacsigiisii gacanta.
 Siigadu ma buuxin karto xattaa lama tartami karto galmada, maxaa yeelay, waxa keliya ee
shaqaynaya waa gacanta iyo xubinta oo maskaxda farriin ka helaya, laakiin galmada waxaa
si isku mida oo wadajira u shaqeeya hab dhismeed ka jidhka, hab dhismeed ka dareemada
iyo hab dhismeed ka neerfayaasha oo farriin ka helaya maskaxda iyo murqaha. Xattaa si
fudud oo mandaq ah oo la fahmi karo, halka guurku uu ka leeyahay istiimin iyo salaaxis,
ama dhunkasho iyo hadalo macmacaan, siigadu maleh.
 Eegga qofku siigaysanayo wuxuu dareemaa raaxo aan u bixiyey (Raaxo Kumeel gaadh)
oo soconaysa qadar xaddidan (1-2) daqiiqo, hadhowna qofku wuu ka qowmameeyaa,
wuxuu na ku fekeraa waxyaallo kale oo naftiisa dhibaato u keeni kara.
 Xilliga guurka iyo galmada, eegga ninku u tago naagtiisa biyaha ma ceshan karo oo durba
wuu biyo-baxaa, wuxuuna ku biyo-baxaa qadar ka yar qadarka qofka caafimaad ka qabaa
ku biyo-bixi karo (5-8) daqiiqo, inta badan qofkaasi wuxuu ku biyo-baxaa inta u dhaxaysa
(0.5-1) daqiiqo. Taasina, si degdeg ah waxay u sababtaa in haweentii ay qaado dareen ah
niyad-jab iyo rajo-beel, kolka aynigeed ay la sheekeysatana waxayba sii qaadaa welwel iyo
walaac; aakhirkana gurigaasi waa dumaa oo waliba ceeb ayaa lagu kala tagaa.
 Qofka samaynaya siigada, eegga uu kacsado qalbigiisa ma joogo oo hawo sare ayuu ka
fekarayaa, markuu dhammaysto howshiisa ayuu ogaadaa waxa uu sameeyey iyo fool
xumida ay leedahay, kolkaas buu xusuustaa dembigeeda aakhiro iyo adduun, kadib ayuu
isla hadlaa oo arkaa doqonnimadiisa inuu keligii isku raaxeeyey, maxaa ka nacasnimo
badan in aad adigu isku galmootay oo isku raaxaysay?
 Dhallinyaro badan waxay aaminsan yihiin in xubinta taran ka ay ku weynaato, cilmi
baadhis iyo daraasado lagu sameeyey waxey xaqiijiyeen inuu ku yaraado dhumuc iyo
dhererba oo waliba aad u jilco.
 Dhibaatooyin ka siigadu u keento xubinta taranka ninka waxaa kamida kolka haweenta
uu u tago oo galmo uu la sameeyo, howshii oo socota inuu iska damo, ama xilliga biyaha
uu tuuri lahaa hawlgabo; ciniinnimadaasi waxay caloolyow ku beertaa haweenta oo runtii
aad iyo aad uga xanaaqda oo xattaa daraasaddu sheegaysaa inay ka qaadi karto waali.
 Qaar badan oo dhallinta ah cabsidaas owgeed waxay isticmaalaan kiniino habeen ka ay
xaasaskooda u galmoonayaan, kaasoo ay iskaga dhigaan inay caafimaad qabaan oo dherer
iyo dhumuc fiican leeyahay xubintoodu, in kastoo khiyaanadaas haatan la fahmay oo la
ogaan karo si fudud haddana, in badan way ku soo caano maaleen, Daraasaddu waxay
sidoo kale cadeenaysaa in kiniinadaas oo uu ugu horreeyo Feegada, dhibaatooyin hor leh
oo caafimaad ka dareemada iyo neerfayaasha mooyaanee, dheeftiisu kumeel gaadh tahay.
Aragtidaas si cilmiyyan ah ayaa maadada caafimaadka loogu cadeeyey.
4
Talada Samiik: Jooji Siigada

Talada Koowaad: Waxaan kula talinayaa dhallinta marka hore inay akhristaan oo ay
fahmaan cilmibaadhis yada iyo daraasadaha kala duwan ee maadadan laga suubiyey, waliba
waa inay si wanaagsan u dhuuxaan nuxurka, xikmadda iyo murtida, dabadeed ay xisaab la
galaan nafahooda, iyagoo runta u sheegaya oo fahamsiinaya duruuftooda & dareen kooda.

Talada Labaad: Waalidiinta Soomaaliyeed ee qiimaha badan waxaan ka codsanayaa
inay dhallinyarta u fudaydiyaan inay degdeg u guursadaan, guurkana ka dhigaan mid guul
ah oo la fahmi karo oo la jaanqaadi kara duruufta nololeed ee waayaha iyo garaadkooda.
5000 oo Dollar oo ilmahaaga jaamacad kaga bixiso asagoo la nool kacsi badan, oo sinno
ama siigo inuu ku dhaco khatar ugu jira, waxaa ka khayr badan adoo intaas ugu guuriya.

Talada Saddexaad: Ciddii aan awoodin inay guursadaan waxaan kula talinayaa inay
awooddooda ku bixiyaan meelo kale oon ahayn Siigada. Waxaan dhallinta ka codsanayaa
inay akhristaan maqaallada afarta qormo ka kooban een ugu magac-daray “Aragtida
Doobnimada iyo Aragtida Guurka” siiba qormada saddexaad oon uga hadlay habab
ka kala duwan ee awoodda loo xakamayn karo. Raac linkigan oo guji.
Link: http://maskaxmaal.com/tag/musalsalka-maqaalka-aragtida-doobnimadaiyo-aragtida-guurka-halkan-ka-dheeho/

Talada Afraad: Waxaan ku talinayaa in dhallintu ay cilmiga bartaan siiba diinta, iyo
maadiga wixii nafci leh, si taas lamid ahna ay daraasadeeyaan dhaqan keena wanaagsan ee
aynu leennahay. Waxaan ku talinaya in dhallinta maadadaas samaysa ay saaxiibadooda aan
wanaagsanayn beddelaan, sidoo kale, in qofku qalbigiisa iyo maankiisa ku mashquuliyo
sida: shaqo, waxbarasho, jimicsi, cibaado iyo dad uu la sheekeysto sida, kuwa isla deegaan
ka ay yihiin, ama warbaahinta bulshada,

Talada Shanaad: Inuusan daawan aflaamta galmada ee xaaraanta ah, iyo sawirada
qaaqaawan. Sidoo kale, inuusan xidhan dhar jilicsan oo xubintiisa ku lismaya ama uu iska
badin cuntada nafaqada leh, inuu ka fogaado is dhexgalka ragga iyo dumarka, inuu jiifsan
isagoon hurdo haynin si uusan galmo ugu fekerin oo u siigaysan, iyo inuu go’aan adag ka
qaato oo ka dhabeeyo. Dhammaan intaasoo dhan waan ku talinayaa.
5
Siigada Iyo Mowqifka Islaamka?
Caadada sirriga ah “Siigada” waa mas-ala khilaafiya, ahlul-cilmigu ay inbadan isku khilaafeen ka
xukun ahaan iyo ka aragtida ahaan ba. Inbadan oo culimadaasa oo lagu idlaaqi karo aqlabiyya inay
yihiin “Fuqahaa’ul Madaahib” waxay qabaan, inay xaaraan tahay. Dooddeedu waxay timaadaa
aalaa, bisha soonka iyo kolka uu qof siigeysto, kafaaro gud mala rabaa oo soonku maka jabayaa?
Saddex qawl ayaa mes-alada ku jira: Qolada koowaad waxay qabtaa aslan ba inuu xaaraam
yahay. Qolada labaad waxay qabtaa karaahiyo inuu yahay, Qolada saddexaad waxay qabtaa inuu
bannaan yahay. Waxaa kaloo jira aragti afraad oo isku dayda inay dhexdhexaad ka noqoto oo ay
u samayso cadaalaad saddexdaas aragti ee hore, waxeyna ku doodaan in daabidku yahay daruuro
oo haddii la helo bannaan tahay haddii la waayana xaaraam tahay, waana qawl kamida culimo ka
tirsan madhabaha, xanafiyada iyo xanaabilada.
Culimada ku doodaya inuu xaaraam yahay waxey u daliishadeen, Allaah SWT inuu amray oo noo
sheegay in la xifdiyo xubnayaasha taranka xaalad walba, ilaa marka laga reebo kolka ay timaado
in baahi keento (Sida: Galmada Xalaasha). Waxeyna u daliishadeen fahamkooda aayadahan
َّ ‫ِف ا َّلذِينَ ال َي ِجدُونَ نِ َكاحا ً َح َّتى ُي ْغ ِن َي ُه ْم‬
ee ku jira Suuratul Nuur: “{33 ‫ضلِهِ} (النور‬
ْ ‫َّللاُ مِنْ َف‬
ْ ‫)و ْل َي ْس َت ْعف‬,
َ waxay kaloo
cuskadaan aayadahan: * ‫(والذين هم لفروجهم حافظون * إال على أزواجهم أو ما ملكت أيمانهم فإنهم غير ملومين‬
.)‫فمن ابتغى وراء ذلك فأولئك هم العادون‬
Waxey sidoo kale maraan in amarka lays amray ee ah in la dhowrsoonaado inuu dhalinayo oo
uu waajibinayo in la sabro oo dulqaad lala yimaado. Shaykhul Islaam Ibn Taymiyah AUN wuxuu
aaminsan yahay inay xaaraam tahay, asagoo ka duulaya qawaacid waaweyn oo fiqhi iyo caqiidaba
leh. Waxaa kaloo jira fuqaho dalaa’il cadcad la yimid oo ayagu aaminsan inay mas-aladu xalaal iyo
xaaraam u dhaxayso. Waxayna ku doodaan in daabidku yahay Daruuro, oo haddii la helo xalaal
ay noqonayso (Sida: Qofku inuu naftiisa uga baqo inuu ku dhaco zinno), waxeyna ayagu maraan
qaaciidada fiqhiga ah ee tidhaahda, “Labadii Daran Tii Dembi Yar Ku Dhac”. Waxeyna u dhigeen
saddex shuruud oo ay adag tahay in hal mar lawada helo: In uusan qofku xaas lahayn, inuu isaga
baqayo zinno inuu sameeyo hadduusan siigaysan, iyo inuusan ula jeedin raaxaysi ee uu ula jeedo
shahwadda inuu iska dhimo oo iska yareeyo.
Nuxurka: Madaahiibta Shaaficiyada, Maalikiyada iyo Xanaabilada waxey rumaysan yihiin xaaraam
inay tahay. Madhabta xanafiyada waxey leeyihiin waa xaaraan laakiin waxey ku bannaanaan kartaa
saddexdaas shuruudood oo lays la helo. Haddaba, aragtida saxda ah ee kolka dalaa’isha la eego
oo la saaro miisaan ka shareecada, waa inay xaaraam tahay laakiin daruuro ku bannaanaan karto.
Sidaa owgeed, dhallinyarta waxaan u sheegayaa saddexdaas shuruudood ninkii isla hela hal mar
in ay u banaan tahay oo daliil uu u heli karo, nin kii asagu aan samaynin waaba nin fiican oo qiime
leh, nin kii isagu saddex daas shuruudood isla helin isagu daliil na ma haysto, laf cad ayuu toobin
ku hayaa, waxaan leeyahay Allaah SWT ka baq, dambiga aad sameysayna uga soo laabo, towbad
nasuuxa ahna la imow, xoolo dad ay u baahan yihiin ha khasaarin.
6
Tixraaca Maqaalka
 http://harowo.com/archives/15499
 http://www.xidig.com/2010/08/dhibaatooyinka-siigada-leedahay.html
 http://www.hidaha.com/2010/11/hallow-doktordiintu-maxay-ka-qabtaa-siigada/
 http://www.iftineducation.com/2013/02/dhibaatooyinka-siigada-leedahay-iyo.html
 http://sexetc.org/info-center/post/what-is-masturbation-and-how-do-you-do-it/
 http://ar.wikipedia.org/wiki/%D8%A7%D9%84%D8%A7%D8%B3%D8%AA%D9%85%D
9%86%D8%A7%D8%A1_%D9%81%D9%8A_%D8%A7%D9%84%D8%A5%D8%B3%D9%8
4%D8%A7%D9%85
 http://www.elazayem.com/B(74).htm
 http://ar.islamway.net/fatwa/38777/%D8%AD%D9%83%D9%85%D8%A7%D9%84%D8%A7%D8%B3%D8%AA%D9%85%D9%86%D8%A7%D8%A1
 http://www.nabulsi.com/blue/ar/art.php?art=6469&id=1249&sid=1251&ssid=1266&sssi
d=1274
 http://www.islam4u.com/ar/almojib/%D9%87%D9%84%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%A7%D8%AF%D8%A9%D8%A7%D9%84%D8%B3%D8%B1%D9%8A%D8%A9%D9%85%D8%AD%D8%B1%D9%85%D8%A9%D8%B4%D8%B1%D8%B9%D8%A7%D9%8B-%D8%8C-%D9%88%D9%83%D9%8A%D9%81-%D9%8A%D9%85%D9%83%D9%86%D9%85%D8%B9%D8%A7%D9%84%D8%AC%D8%AA%D9%87%D8%A7-%D8%9F
 Majmuucul Fataawaa, Ibn Taymiyah, 11/574
 Buluuqul Manniyi Fii Xukmul Istimnaa/ Alcallaamah Showkani
 Al-xaqiiqatul Jalliyah Fii Xurmati Alcaadah As-sirriyah/ Maxamed Bin Cimraan
 Al-istiqsaa Bi Adillati Taxriimi Al-istimnaa/ Cabdillaahi Bin Sadiiq Al-qamaari
7
Farriinta Samiik Ee Waalidiinta
 Labada hab ee ugu badan ee qofku ku baran karo siigada waxey tahay: Inuu akhriyo
kitaab ama maqaal kaasoo si daqiiq ah uga hadlaya oo kala dhigdhigaya Siigada, sidaas
darteed intuu akhriyo inuu dabadeed camaliyeeyo, iyo in saaxiib xun oo ka wayn ama la
da’ ahi oo ciyaala suuq ah, oo daris ay yihiin ama isku dugsi yihiin uu baro, dabadeed
sidaas ku sameeyo oo u dhaqan geliyo. Kolkaa waa in aan ka ilaalinaa carruurteena inay
saaxiibo xun raacaan oo la dhaqmaan iyo buugaagta xasaasiga ah ee da’ ahaan uga weyn.
 Haddii gabadhu ama wiilku uu sameeyo, maahan inaad disho oo xoog ku khasabto inuu
joojiyo, taasina waa doqonnimo! Maxaa yeelay? Ma adaa waardiyeyn kara goortuu rabo
inuu sameeyo? Mise suuligaad la gelisaa ama kaamarad ugu xidhaysa? Hadduu doono wuu
awoodaa in suuliga uu san gelin ee ka malcaamadda iyo dugsiga galo, haye ma adaa u diidi
kara markaa? Mise macallinkaad ku dhihi ii ilaali? Haddaba, caqligeenu waa inuu shaqeeyo
oo feker nool la nimaadno, innagoo carruurteena aynaan dilin ayaan awoodnaa inaan wax
barno, haday noqoto dhaqan wanaagsan oon ku dhiirrigelino iyo mid xun oon ka reebno.
 Isku day waalid inaad fahamto ilmahaaga dabeecadiisa, dareenkiisa, daryeelkiisa, samaantiisa, xumaantiisa, kartidiisa, farsamadiisa iyo dhaqankiisa. Waxaan kuu gula talin lahaa in
saaxiib dhow la noqoto ubadkaaga ,, haddii kale waa khasab inuu helo saaxiibo kale oo si
wanaagsan u bara waxay jecelyihiin, haday samaan iyo xumaan noqotaba.
W/Q: Mufakkir Mohamed Abdirizak Said “SAMIIK”
[email protected]
Independent Researcher
Facebook Account:
https://www.facebook.com/Samiik10
Facebook Page:
https://www.facebook.com/pages/Mufakkir-MohamedSamiik/543082142505150?ref=bookmarks
 Personal Blog:
 http://samiik.wordpress.com/







8