G E S P O T - Toerisme Affligem

Cabirka daawada dhiiga kujirta
marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
Telefanada muuhiimka ah
Macluumaad Guud
Lambarkan wac hadii aad qabtid su'aalo ku saabsan
helitaanka ah UMCG, meelaha baabuurta la dhigto
ama saacadaha booqashada.
(050) 361 61 61
Macluumaadka bukaanka
Lambarkan wac hadii aad qabtid su'aalo ku saabsan
daryeelaha caafimaadka, habka gudbinta iyo ururka
bukaanka.
(050) 361 33 00
www.umcg.nl
Ciwaanka (webka) oo laga heli karo macluumaad ku saabsan
Jaamacada Caafimaadka ee Groningen.
University Medical Centre Groningen
Cabirka daawada dhiiga kujirta
marka la isticmaalo habka
dried blood spot
1
Cabirka daawada dhiiga kujirta marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
2
University Medical Centre Groningen
Macluumaadka guud ee bukaanka
Waxa uu dhakhtaarkaagu kusiiyey bushqad ka kooban buug yar oo
kuu sharxaya sida aad iskaga qaadi lahayd dhiiga adiga oo gurigaaga
jooga, isticmaalayana habka loo yaqaan dried blood spot method.
Dhiiga aad iska qaadid waxaa laga cabiri doonaa inta daawo
dhiigaaga kujirta. Buugan yari wuxuu kuu sharxayaa sida ugu dhibta
yar leh ee aad dhiiga iska qaadi lahayd adiga oo aan xanuun badan
dareemayn.
Wakhtiga aad dhiiga iska qaadaysid waa muhiim!
Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi wakhtiga ku haboon inaad
dhiiga iska qaadid. Wakhtiga aad dhiiga qaaday ku qor
foomka.
Marka aad dhiiga iska qaadid ee uu qalalo waxaad u dirtaa
shaybaadhka jaamacada caafimaad ee Groningen (UMCG).
Jawaabta dhiigaaga waxaad ka heli doontaa dhakhtaarka.
3
Cabirka daawada dhiiga kujirta marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
Bushqadu waxay ka koobantahay waxyaabaha hoos ku qoran,
1. buugan yar oo sharxaya sida dhiiga la iskaga qaado;
2. warqad dhakhtaarkaagu kusiiyey;
3. foom;
4. kaarka dhiiga lagu dul qaliyo;
5. labo irbadood;
6. balaster;
7. qalaliso;
8. bac afka dib loo xidhi karo.
8
6
4
3
5
7
2
Alaabta bushqada ku jirta miis nadiif ah duldhig. Kaarka blood spot
dhexdiisa hataaban hana qaban. Waxaad qabataa dhinacyada
kaarka.
4
University Medical Centre Groningen
Habka dhiiga loo qaado
Diyaarinta
Step 1
Buuxi foomka codsiga.
Step 2
Magacaaga, wakhtiga iyo
taariikhda aad dhiiga qaaday ku
qor kaarka.
Step 3
Gacmahaaga ku maydh biyo diiran
iyo saabuun.
5
Cabirka daawada dhiiga kujirta marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
Markaas gacamahaaga engeji.
Step 4
Dooro farta aad rabtid inaad
dhiiga qaadid. Waxaa ugu
wanaagsan dhinacyada farta
saddexaad ama afaraad.
Step 5
Farahaaga diiri adiga oo isku
xoqaya amaba isku duugaya
labadaada gacmood.
6
University Medical Centre Groningen
Step 6
Hoos u duug caarada farta adiga
oo isticmaalya suulkaaaga.
Step 7
Fur irbada.
7
Cabirka daawada dhiiga kujirta marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
Dhiig qaadista
Step 8
Irbada si adag ugu qabo dhinaca
farta aad dhiiga ka qaadaysid ilaa
aad maqashid ‘click’.
Step 9
Duug farta aad daloolisay.
Step 10
Dhibicda dhiiga ee ugu horeysa
masax.
Step 11
Duug marlabaad farta aad
doloolisay ilaa ay dhibic kale oo
dhiig ahi ay samaysanto.
8
University Medical Centre Groningen
Step 12
Dhibicda labaad ee dhiiga ah kudul
tiixi goobada koobaad ee dried
blood spot kaarka, adiga oo
dhinaca farta aad ka daloolisay ka
ilaalinaya inay taabato dried blood
spot card.
Step 13
Ugu yaraan labo goobo dhiig ka
buuxi.
Sidaa ha uu buuxin kaarka!
9
Cabirka daawada dhiiga kujirta marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
Step 14
Warqada farta ku masax.
Step 15
Balasterka fartada ku dhaji.
Step 16
Saddax saacadood blood spot
kaarka qalaji. Irbadaha iyo warqada
aad isticmaashay tuur.
10
University Medical Centre Groningen
Dhameystirka
Step 17
Qalalisada kurid bacda.
Step 18
Blood spot kaarka qalalay kurid
bacda. Markaas bacda si fiican u
xir.
Step 19
Bushqad kurid foomka aad
buuxisay iyo bacda dhiiga qalalay
kujiro, una soo dir jaamacada
caafimaadka ee Groningen
(UMCG).
11
Cabirka daawada dhiiga kujirta marka la isticmaalo habka
‘dried blood spot’
Maxaan sameeyaa hadii uu dhiig farta geeskeeda ka soo
bixiwaayo?
-
Far kale mud foorari gacanta farta aad dooratay
30 ilbidhiqsi si aad u kordhiso wareega dhiiga.
-
Hadii aad hubtid in aanu dhiiq farta ka imanayn, mud
farta caaradeeda.
Su’aalo?
Hadii aad su’aal qabto nagala soo xiriir telefeen namberkaan
(050) 361 40 81 ama e-mailkaan [email protected]
Ma u baahan tahay information?
Tag driedbloodspot.umcg.nl
12
Colophon
Naqshad
Edenspiekermann
Lay-out
Gravis Ontwerpers, Groningen
Sawir
Johann van der Geest, Groningen
Qoraalka
Letter & Lijn bv, Groningen
©
Jaamacada Caafimaadka ee Groningen,
Shaqaalaha UMC, Communication
Groningen 2014
Waxba lagama guurin karo buugan
warbixinta, lama badin karo ama
lama faafin karo iyadoo aan codsi
qoraal ah laga heysan UMCG.
Hanzeplein 1, P.O. Box 30 001 – 9700 RB Groningen – The Netherlands
www.umcg.nl
Macluumaadka bukaanka November 2014
University Medical Center Groningen