Qoysaska Sharafta leh, Qoboobe ka daran miyaa la arkay! Waxaan

Independent School District 625
Office of the Superintendent
360 Colborne Street
Saint Paul, MN 55102-3299
Valeria S. Silva
Superintendent of Schools
Telephone: 651-767-8152
Fax: 651-767-3441
www.spps.org
Qoysaska Sharafta leh,
Qoboobe ka daran miyaa la arkay! Waxaan samaynay kalandaariya cusub oo lagu soo daray shan maalmood
ood oo dheeraad ah oo ardayda wax la barayo sidaa darteed waxaan ka waantoobaynaa inaan dib u kabno
maalmihii xiliga qaboobaha ah iskuulka kaga lumay. Balse sida aad ogtihiin, qaboobihii aadka u adkaa ee
sanadkaan la soo maray ayaa wuxuu nagu khasbay inaan iskuulka lix maalmood xiro. Si aan haddaba
shuruudaha qawaaniinta gobolka u buuxino, waxay ahayd inaan maalmahaan dib u kabno.
Badankiinu waxaad hadda maqasheen in 9-ka bisha Juun ay hadda tahay maalinta lagu kabayo.
Maalintaan ardaydu waxay buuxindoonaan shardiga cadadka maalmaha ugu yar ee sanad dugsiyeedka wax
la baran karo. Waxay kale oo ahaan doontaa maalinta iskuulada ugu dambaysa sanadkaan.
Maxaan u qabanay 9-ka Juun?
Waxaan xaqiiqsanay in go’aankaan aanay ku wada faraxsanayn qoysaska iyo shaqaaluhuba waana ka
xunahay. Haddii aan heli karo si kale oo aan u badalo, waan qaadan lahayn go’aankaas. Halkaan waxaan
idiin ku soo gudbinaynaa sababaha aan u dooranay 9-ka Juun.

Qaar idiinka mid ah ayaa waxay soo jeediyeen inay ardaydu iskuulka ku soo laabtaan maalin ama laba ka mid ah
maalmaha ay socdaan tababarada shaqada macalimiinta kor loogu qaadayo (3-da Maarso iyo 18-ka Abriil) haddba
inkastoo arintaani ay korka uga muuqato inay sahlantahay hadana ma aysan sahlana:
— 3-da Maarso shaqaalaha iyo qoysaska midna ma siinayso wakhti ay ugu diyaargaroobaan.
— 18-ka Abriil iskuulada oo dhan uma shaqaynayso. Iskuulada qaar ayaa waxay doorteen inay tababarada
macalimiinta ay horay u qabtaan oo aanay maalintaan ku soo beegmin si ay u shaqeeyaan Abriil 18-da.

Labada fursadood ee soo haray waxay ahaayeen la soo gaabiyo fasaxa guga ama sanad dugsiyeedka lagu daro hal
maalin oo la dheereeyo ilaa iyo 9-ka Juun. Labadaan midna ma fiicnayn balse waxaan dooranay inaan qaadano mida
qoysaska siinaysa wakhti kuu fillan oo ay ku diyaargaroobayaa .
Xaqiiqooyin kale oo taageeraya qorshaha 9-ka Juun ee aan dooranay:
Waxaan fahamsanahay in laga yaabo inay qoysasku harayba qorshaha waxbarashada xagaaga u qaateen.
Ama maalin kaam la dego loo qaatay 9-ka Juun, sidaa darteed ardayda qaarkood ayaa laga yaabaa inay u
suurta gali waydo inay maalintaas iskuulka. Jawaabta ugu habooni waa inaad nidaamka iskuulkaaga raacdo
oo aad iskuulka u sheegto ina ardaygu maalintaas maqanyahay waana la cafinayaa maqnaanshahaas.
Intaa waxaa weheliya:
 Xafladaha qalinjabinta waxaa la qabandoonaa wakhtigii hore loogu qorsheeyey waxaana la qabanayaa loona
dabaaldegayaa mawkhtigii horay jadwalka loogu dhigay.
 Maalinta ugu dambaysa ee ardayda dugsiyada sare ka baxaysaana waa 30-ka bisha Meey, mana la badalayo.
 Ardayda fasalada PreK jadwalkooda kuma jirto inay ka qaygalaan maalinta iskuulka la dhiganayo ee 9-ka Juun.
 Barnaamijka lagu magacaabo Discovery Club wuu furaandoonaa maalinta 9-ka Juun.
Aad baad ugu mahadsantihiin samirkiina maadaama aan la daaladacayno cawaaqibkii aan ka dhaxalay
qoboobihii Minnesota ka dhacay.
Qadarin,
Valeria Silva, Superintendent