MAART APRIL - inspirerendeontmoetingen

Beesha Caalamka waxay soo dhoweneysaa Madxweynaha dhowaan
loo doortay Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed
Soomaaliya
Muqdisho, 19 November 2014 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga
Yurub (EU) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa soo dhoweeyay
dhismaha Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed (MKKG) Soomaaliya iyo
doorashadii ku xigtay ee Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu doortay madaxweynaha cusub ee
MKKG
“Waxaan soo dhoweyneynaa doorashada Madaxweynaha cusub Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Isla mar ahaantaas waxaan hoosta ka xarriiqeynaa muhiimadda ay leeyihiin wadahadalka iyo
in arrinta laga wada qeyb qaato, waxaana ku boorrineynaa hogaamiyaha cusub in uu gaarsiiyo
(maamulka) dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay MKKG, si heshiis looga gaaro wax ka
qabashada caqabadaha mustaqbalka. Dhismaha Maamulka Kumeelgaarka Koonfur Galbeed
waxay wadada usii fureysaa in aan maskaxdeena u dhalaalinno sidi aan adeeg u gaarsiin
lahayn dadka iyo sidi aan u dhisi lahayn maamul shaqeeyo.
"Gebogabadii, waxaan codkeena ku biirinaynaa beesha caalamka anagoo ku boorrineyno
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Cusub ee MKKG inay ka shaqeeyaan
nabadda iyo dhismaha dalka. Waxaan mar kale ku celineynaa ballan-qaadkii beesha caalamka
ee ahaa taageerada maamulada oo lagu taageeraayo xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo
barwaaqo ka dhalata Soomaaliya".
Halkan ka hel wararka UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
facebook.com/UNSomalia
flickr.com/photos/unsom