Somali - Norsk Tannvern

SOMALI
Buuxinta Ilkaa
Buuxinta ilkaha waxaa loo isticmaalaa in lagu bedelo mid ama ka badan oo ilko maqan ah.
Buug yarahani waxa uu bixinayaa xogta ku saabsan buuxinta ilkaha.
Waamaxay buuxinta ilkahu?
Buuxinta ilkahu waa jirid macmal ah oo la geliyo lafta
daanka. Dhakhtarkan ilkahu waxa uu ku lifaaqi karaa
dahaadh iliga ah ama wax la isugu qabto ilkaha kala fog
noocan”jirida ah” si uu u bedelo ilkahii maqanaa
Buuxinta iligu waxay u qaabaysantay sida boolka.
Waxa ay ka samaysanyihiin birta titaniyam, waana 3-5
milimitir qaradoodu oo dherarkuna waa 8-16. caadi
ahaaan waxay qaadataa 3-6 bilood buuxinta iligu in ay
si giijisan oo ku filan ugu xidhanto ka hor intaan iliga
macmalka ahlagu lifaaqin. Xaaladaha qaar waxa ay
noqon kartaa suuragal in tan hore loo sameeyo.
Bedelida ilkahu waxay caadi ahaan ka koobanyahay
3 qaybood: buuxinta sida boolka u qaabaysan ee lafta
ku jirta,taageere gaadhsiisan ilaa ciridka, iyo dahaadh
gaadhsiisan la dhigo xaga sare. Iyaddoo ku xidhan
habka iligu ugu baahanyahay in loo bedelo, habku waxa
uu u baahanyahay 4-8 ballamood oo ilkaha ah, oo aanay
ku jirin baadhitaanka hore ee ilkahu.
Sawirka raajadu iyo sawirka
ka sareeyaa waa isla qof
bukaan jiif keliya ahaa oo
sawirkii buuxinta iliga oo la
is dul dhigay.
Maxaynu ilkaha u buuxinaa?
Ilka buuxinta waxa loo isticmaalaa si loogu bedelo
ilko la waayay iyaddoo ay ugu wacantahay dhaawac,
suus iliga ku dhacay, cudurada ciridka ama ilig maqan
kaas oo aan kobcin(koboc la’aanta xubinta) Hadduu
ilko badan kaa maqanyihiin, dhakhtarka ilkahu waxa
uu dhigi karaa ilka buuxin badan sida seeska waxa
ilkaha la iskugu qabto ama ilko la iska saari karo. Habka
dhakhtarka ilkahu maaha aha kuwa wakhti badan
luminaya, laakiin caadi ahaan waxay ahaan doontaa
sugitaan muddo dheer ah in la buuxiyo iliga oo laftuna
ay ku xidhiidhsanto. Muddada sugitaanka aad bay ugu
kala duwanaataa hal bukaan jiif ilaa ka ku xiga.
Yaa ilkaha loo buuxiyaa?
Buuxinta ilkahu waa hab si wanaagsan loo yaqaan oo
ku habboon dad aad u fara badan. Dadka badankooda
ilkaha waa loo buuxin karaa, laakiin xaaladaha qaar
waxa dhici karta in aanay jirin laf ku filani daanka, ama
waxa ay yeelan karaan xaalad caafimaad ama waxay
qaadan karaan daawooyin xadidan ikhtiyaarada. Sigaar
cabbayaashu waxay ay halis isa soo taraysa ugu jiraan in
ay ka dabcaan oo laga saaro. Dhakhtarkaaga ilkaha ayaa
fulin doona baadhitaanka ilkaha oo buuxa ah oo waxa
uu ku sheegi doonaa haddii laguu buuxin karo ama
haddii ikhtiyaaro kale ay kuu wanaagsanaan lahaayeen
adiga.
Sida qaabka loo sameeyo:
1. Baadhitaan buuxa oo sawirida raajadda ah iyo
suuragal ahaan aragtiyaha ilkaha ama qaababka
daamanka.
2. Buuxinta ilkaha waxaa lagu geliyaa qaliin ahaan oo
waxaa loogu xidhaa lafta si dabiiciya muddo 3-6
bilood.
3. Dhakhtarka ilkahu waxa uu go’aamin karaa in uu
ku qariyo buuxinta hoosta ciridka wakhtiga ay ku
xidhmayso laftu. Haddii ay sidaas tahay, waxaad u
baahandoontaa hab qaliin fudud ah si loogu lifaaqo
taageeraha gaadhaya ilaa ciridka.
4. Marka ilig buuxinta si giijisan loogu lifaaqo,
dhakhtarka ilkahu waxa uu sameeeyaa sawirka
negitifka oo farsamayaqaanka ilkahuna waxa uu
sameeyaa dahaadhka, waxa iligu la iskugu qabto ama
fareemka iliga qabta.
5. Dhakharka ilkahu waxa uu geliyaa shayga ugu
dambeeya gudaha afka.
6. Ka dib baadhitaanada ilig buuxinta dhakhtarkaaga
ilkaha ama hawl wadeenka sixada ilkaha.
SOMALI
Waa maxay qiimaha buuxinta iligu?
Qiimaha si cad buu ukala duwan yahay iyadoo ku
xidhan inta ilig ee aad u baahantahay in la bedelo, ama
nooca habka aad doorato. Waxaad xaq u leedahay in
aad ka hesho qiimo sheeg shay shay ah dhakhtarkaaga
ilkaha ka hor intaanad hore ugu sii socon daawaynta.
Ku bedelaada ilig keliya buuxin ilig way ka qaali
santahay ku bedelka ilig caadiya oo loogu dhejinayo
dahaadh, laakiin waxaad iska ilaalinaysaa in iligaaga
ku xiga la soofeeyo. Xaaladaha qaar, waxaad xaq u
yeelan kartaa buuxin ilig la kaabbo hoosta Mashruuca
Caymiska Qaranka Noorweey. Dakhtarka ilkaha
ayaa ku sii doona xog ku saabsan sharciyada iyo xaq
ulahaanshahaaga.
Maxaad u baahantahay in aad samayso?
• Sii dhakhtarka ilkaha dhammaan xogta loo
baahanyahay sidaas awgeedna habka qaliinka waxa
loo qaban karaa si badbaado leh, sidaas darteedna
waxa uu go’aansan karaa dhakharka ilkahu haddii
aad xaq u leedahay daawayn kaabid leh.
• Raac tilmaamha dhakhartka ilkaha ka hor iyo ka dib
qaliinka si aad u hesho natiijooyinka ugu fiican ee
suura galka ah ee habka.
• Iska ilaali buurriga, sigaarka wiiga ilaa iyo ka dib
bedelida buuxinta ilkaha.
• Nadiifinta saxda ah ee dahaadhka buuxinta ilkaha
waxay muhiim u tahay natiijo mudo dheeraata.
Isla qof bukaan jiif keliya ah sida bogga hore, oo wixii
iliga loogu qabanaayay ku yaal.
Daryeelka buuxinta iliga iyo dayactirka
• Buuxinta ilkahu waa maalgelinta lacageed ee
caafimaadkaaga, laakiin waxay u baahantahay
dayactir sax ah si ay u sii jiritaan dheeraato.
• Bakteeriya ku dhegan oo laga tago iyadoon la dhibin
ciridka ku wareegsan buuxinta iliga waxa ay sababai
kartaa ololka ciridka iyo, xaalada ugu xun, waxay
sababi kartaa buuxinta iligu in ay debecdo.
• Ilka buuxintu waxay u baahantahay nadiifin feejigini
leh sidii ilig dabiici ah. Hadhaaga cuntadda dheg
dhega leh ee ku dhega laynka ciridka iyo dahaadhka
waa in looga saaraa maalin kasta subaxii iyo ka
hor wakhtiga hurdada. Ka sakow cadday burushka
caadiga, waa in aad isticmaashaa “burushka
dhaladda” iyo/ama dunta lagu nadiifiyo ilkaha.
• Haddii aanad hubin waxaad sii wadi kartaa heerkan
sare ee sixada iyo daryeelka ilkaha ah, markaa
buuxinta ilkahu waxa dhici karta in aanay noqon
doorashada kugu habboon adiga.
• Waydii dhakhtarkaaga ilkaha iyo hawl wadeenka
sixada ilkaha tilmaanta sixada afka iyo tilmaamaha
daryeelka ilkaha maalin laha ah iyo dayactirka.
• Buuxintan ilkaha waxaa si caadi ah u hubbinaaya
dhakhtarka ilkaha/hawl wadeen sixada ilkaha ah si la
mid ah sida ilkaha dabiiciga ah.
Wax la isugu qabto ilkaha oo sadex qay bood ah ayaa
lagu lifaaqi karaa sadex ilka buuxinood.
©Norsk Tannvern. Grafisk prod. og design: Trine Suphammer AS.
Foto: Kjell Størksen Oversettelse: Semantix. Økonomisk støtte: Helsedirektoratet. Brosjyren kan lastes ned gratis fra www.tannvern.no