Carmallada - Project Hannah

faqiir noqdaan. Carmallo badan oo reer Hindiya ah ayaa weli
carruur ah, waayo waxaa jira dhaqanka ah in gabdhaha iyaga
oo aan qaangaadhin niman ka waaweyni guursadaan.
16
Inuu Ilaahay daryeelo haweenka Myanmar ee Project
Hannah ee duceeya kuwaas oo nimankoodii ka tageen
iyaga iyo carruurtoodiiba: Mya Lay iyo toddobadeeda cunug
iyo Beauty iyo shanteeda cunug.
17
Malyuumaadka ah carruurta la dayacay ee ku nool
jidadka, ee aan waxba baran, ee khatarta ugu jira dilka/
jidh dilka, galmada, daryeel la’aanta ama inay qabatimaan
daroogada iyo wixii la mid ah.
18
Inay agoontu helaan fursad ay ku maqlaan inuu
Abuurahoodu doonayo inuu noqdo Aabbahooda
Jannada ku jira, oo doonayo inuu si abadiyan iyaga qoyskiisa
uga dhigto (Efesos 1:4-5).
19
20
Xigmad ay helaan shaqaalaha Project Hannah ee
telefoonada iyo waraaqaha badan ka hela carmallada
iyo xaasaska la dayacay.
Hooyooyinka aan la qabin ee lagu khasbay inay
carruurtooda kaga tagaan qaraabo ama kuwo kale
si ay magaalooyinka ama dibedda ugu shaqo tagaan si ay
qoysaskooda u daryeelaan.
21
Haweenka nimankoodii iyo wiilashoodii dagaallada
lagu diley oo gabdhahoodiina ay askartu afduubatay.
“Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, oo nabrahoodana wuu duubaa”
(Sabuurradii 147:3).
22
Xaasaska nimanka xabsiga ku jira, inta ay haweenkani
isku deyayaan inay aabbe iyo hooyo labadaba
carruurtooda u noqondaan oo doondoonayaan sidii ay
qoysaskooda u quudin lahaayeen.
23
Agoontu inay helaan daryeel fiican. Sidoo kale u soo
ducee in xarumaha agoontu carruurta ka ilaaliyaan
in dhibaato loo geysto, oo ay qofkii carruuta faraxumeeya
sharciga la tiigsadaan.
25
Carmallada murugoonaya ee xaaladooda cusub
daraadeed sharciyada badan ee aanay garanayn soo
foodsaareen carmalnimadooda daraadeed. U soo ducee inuu
Ilaahay iyaga siiyo xirfado cusub oo awoodsiinaya inay madax
bannaanaadaan oo quutul-yoonkooda shaqaystaan.
Haweenka Masiixiyiinta ah ee nimankoodii la xidhay
ama la diley rumaysiga ay Ciise Masiix ku qabaan
daraadiis. Haweenkan waxaa lagaga tegey inay carruurtooda
daryeelaan laakiinse inta badan waxaa loo diidey inay shaqo
ama guri helaan. (Sabuurradii 18:6).
Kuwa ku carmalloobey dagaallada iyo carruurtoodu
inay helaan meelay ku amaan galaan iyo shaqo. U soo
ducee inaan gabdhahooda niman ka waaweyn looga iibin inay
xaasas u noqdaan.
Carmallada waddamada aan oggolayn inay haweenku
hanti yeeshaan. Marka ay nimankoodu dhintaan,
haweenkan waxaa laga qaadaa guryahooda iyo hantidooda
kaleba. Marar badan xataa carruurtooda ayaa hanti u noqda
nimankoodii dhintay qoysaskooda.
Haweenka iyaga oo faqiir ah haddana caawiya kuwa
iyaga ka sii faqiirsan ee u baahan inay jacaylka Ilaahay
dareemaan.
Carmallada iyo haweenka la dayacay ee aadka u
shaqeeya si ay carruurtoodu maalintii hal mar wax
u cunaan. Sidoo kale u soo ducee kuwa aan haysan lacag
ay daawo ugu iibiyaan carruurtooda kaneecadu hayso ama
cudurro kale oo khatar ah qaba.
Inay hoggaamiyeyaasha iyo madaxda sharciyadu
hirgeliyaan qaynuuno lagu ilaalinayo carmallada iyo
agoonta. “Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo
saara, iyo kuwa wax qalloocan qora, inay kuwa baahan garta ka
qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan,
oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa
ay ugaadhsadaan.” (Ishacyaah 10:1-2).
26
27
Carmallada
Xaasaska Raggoodii ka
Tageen, iyo Agoonta
28
29
30
31
24
Dadaalo dhaqan gala oo lagu yaraynayo faqiirnimada
ka jirta Shiinaha, Hindiya, Ruushka iyo waddamo
badan oo kale, si ayan waalidka aan carruurtooda daryeeli
karin ugu khasbanaan inay iyaga cidleeyaan oo dayacaan.
Sidoo kale u soo ducee inay dadka Hindiya oo dhammi daryeel
caafimaad helaan.
U soo Duceeya
Prayer Calendar
January 2015
Somali
Rajada Dumarka waxaa hadda lagu sii daayaa in ka badan 65 luuqadood.
Jadwalka ay Rajada Dumarku soo saarto ee bil kasta soo baxa ee codsiyada ducada ah waxaa lagu turjumaa 80 luuqadood.
H
J anuary 2015 • U
soo
D uceeya C armallada , X aasaska R aggoodii
aweenka Project Hannah ee Ivory Coast ayaa
ujeeddooyinka muhiimka ah ee Ilaahay kuwooda ka
dhigtay. Isla sidii uu Ciise u quudiyey kuwii gaajaysnaa
oo u bogsiiyey kuwii jirranaa iyo kuwii baahnaa, ayaa
haweenkanina u caawiyaan carmallada, xaasaska raggoodii
dayaceen, iyo agoona. Waxay kuwan siiyaan kartoono cunto ah,
daawo, saabuun, iyo saaxiibtinimo. Waxay mararka qaarkood
ayay iyaga ku qaadataa inay lugeeyaan si ay haweenkan
dhibaataysan u booqdaan (haween dhallinyaro ah oo ay
nimankoodii xabsiga ku dhinteen ama xidhan yihiin, hooyooyin
keligood lagaga tegey inay carruurtan daryeelaan, haween
diintoodii beddeley oo nimankoodii ka tageen, kuwa gaboobey
ama jirran). Waxay iyaga la qaybsadaan jacaylka Ilaahay, oo
haweenkan dhibaataysan ayaa lagu marti qaadaa inay nabad,
nasasho iyo bogsiimo ku helaan Ciise Masiix daraadiis.
Haweenka ka tirsan kooxaha ducada ee Yopougon
waxay awoodaan inay baabuur raacaan markay booqashada
samaynayaan waayo Mrs. Germaine oo baabuurkeeda u bixisay
“Hannah” ayaa dooneysa inay iyagu baabuurkeeda u isticmaalaan
adeeggooda. Kaddib markii ay jawaano khudaar iyo saabuun ah u
qaybiyeen hooyooyinka iyo carruurtooda cisbitaal ku jira, waxaa
u hadhay hal jawaan. Dabadeedna mid kooxdooda ka mid ah ayaa
maqashay haweeney deriskeeda ah oo ninkeedii mar dhoweyto
dhintay. Carmalladan dhallinta yari uur bay lahayd iyo wiil 3 jir ah.
Kooxdu iyada hore uma aqoon, laakiinse waxaa iyaga isbeddel
weyn ku sameeyey wixii uu iyaga Ilaahay tusay markii ay iyada
la kulmeen si ay u caawiyaan. Haddiyadoodii bay siiyeen iyaga
ilmaynaya oo iyada iyo qoyskeedii ayay la ducaysteen. Ilaahay
ayaa iyaga la jirey.
Shaqaalaha Project Hannah wuxuu badanaa war ka helaa
dhegeystayaasha barnaamijka Rajada Dumarka iyo xubnaha
kooxahayaga duceeya kuwaas caawiya carmallo ama ay
nimankoodii ka tageen, oo la halgamaya sidii ay carruurtooda u siin
lahaayeen cunto, dhar, guryo amaan ah, daawo, iyo waxbarasho.
Haweeneya dhowaanta carmalka noqotay oo reer Ivory Coast
ah ayaa tidhi sidan, “Waad ku mahadsan tihiin haddiyadiina aanan
filanayn! Runtii, waxaan ka fekerayey sidaanu u heli lahayn wixii
aanu caawa cuni lahayn, dabadeedna idinkaa yimid.”
F
1
adlan u soo ducee...
Carmallada adduunka ee lagu qiyaasay 200 ee malyuun.
U soo ducee kuwa dhibaatada aadka xun loo geysto sida
dhaqanka xalaalaynta carmallada (kufsiga), guryo la’aanta oo ay
keentay wax kasta oo iyaga laga qaatay, iyo gubida carmallada.
Haweenka dareemaya in la dayacay oo la dayriyey inay
ogaadaan in ay Ilaahay kula heshiin karaan dhimashadii
Ciise daraadeed oo saamaxaad ku heli karaan (Kolosay 1:22).
Haweenka cidlada dareemaya kaddib markii nimankoodii
ka dhinteen. Sidoo kale u soo ducee carruurta aan
waalidka lahayn. Ilaahay u weydii inay carmalladan iyo
carruurtani naxariis ku helaan jacaylkiisa iyo daryeelkiisa.
Ilaaheena weyn ee awoodda lihi “wuxuu u garsooraa agoonta
iyo carmalka” (Sharciga Kunoqoshadiisa 10:18).
Barnaamijka Project Hannah ee Codka Rajada ee 66ka luuqadood ku baxa ayaa sii wada inuu dhiirigeliyo,
waxbaro, oo la taliyo haweenka adduunka, oo ku caawiyo inay
go’aano xigmad leh qaataan oo fahmaan inay Ilaahay agtiisa
qaali ka yihiin.
Malyuumaad agoon ah oo u baahan jacayl, daryeel,
waxbarasho, iyo nolosha weligeed ah ee Ciise Masiix.
Sharka dagaallada, cudurrada, iyo faqiirnimada ayaa burburiya
nolosha carruurtan aan waxba galabsan.
Haweenka reer Albania ee keligood nool ama la nool
niman khamriga caba oo ku khamaara lacagta yar ee ay
helaan iyada oo carruurtoodii yaryaraa cunto la’aan yihiin.
U soo ducee kaniisadaha cuntada kariya si ay quudiyaan
kuwa gaajoonaya iyaga oo isla markaana injiilka raadiyaha ka
dhegeysanaya.
Haweenka Project Hannah ee injiilka dadka la qaybsaday
ee carmallada iyo agoonta u qaybiyey dhar, kabo iyo
boorsooyinka iskuulka.
Kuwa ka shaqeeya guryaha dadka gaboobey inay
Masiixiyiinta u oggolaadaan haweenka kelinimadu hayso
daryeelaan. Haweenka Project Hannah ee Turkiga ayaa si
joogto ah u booqda guryaha carmallada gaboobey oo iyaga
tusay jacaylka Ilaahay iyaga oo dhegeysanaya baahiyahooda,
sheekooyinkooda, iyo welwelladooda. Waxay iyaga tuseen
2
3
4
5
6
7
8
ka
T ageen , iyo A goonta
sida ay iyagu Ilaahay agtiisa qaaliga uga yihiin oo waxay siiyeen
haddiyado yaryar oo ay kaga farxinayaan. Xataa waxay u
kexeeyeen casho ama filim. Laakiinse madaxda guryahaa
dadka gaboobey ayaa iyaga hor istaagey waayo waxay ka
hadlayeen wax Ilaahay ku saabsan.
Haweenka HIV-ga qaba ee Tanzania ku nool inay sii
wadaan inay naxariis ka helaan kooxaha Project Hannah.
U soo ducee inuu Project Hannah sii wado inuu iyaga baro
xirfado ay ku shaqaystaan si ay u sameeyaan alaab ay iibiyaan
oo ka helaan lacagtii kirada guriga, cunto, iyo dhar.
Carmallada iyo haweenka Masiixiyiinta ah ee aan
la qabin ee aadka u doonaya in la guursado ee ka
fekeraya nimanka aan Masiixiyiinta ahayn. U soo ducee
inay Ilaahay sugaan, uu ku aaminaan inuu ujeeddadiisa u
muujiyo. U soo ducee inay hoggaamiyeyaasha Masiixiga ahi
qiimeeyaan dadka aan weli guursan iyo qaybta ay ku leeyihiin
Boqortooyada Ilaahay.
Malyuumaadka carruurta ah ee agoonta noqday
waalidkoodii oo dhintay cudurro AIDS-ka la xidhiidha
daraadeed iyo boqolaalka kun ee kale ee ah carruuta uu
hayo cudurka HIV/AIDS. U soo ducee inay kuwo badan oo
carruurtan ahi injiilka ka dhegeystaan TWR Witness at the
Water, kan oo toddoba luuqadood 10 waddan lagaga sii
daayo.
Carmallada ku nool bulshooyinka Kiiniya qaarkood
halkaas oo uu carmalka dhaxlo nin ah qaraabada
ninkeedii dhintay. Carmallo badan ayaa dhaqankani xabistay
oo noloshoodu khatar ku jirtaa.
Ayeeyooyinka faqiirka ah ee haddana lagaga tegey
inay daryeelaan carruurta ay ayeeyada u yihiin waayo
AIDS ayaa reerka intiisii kale laayey.
Haweenka kelinimada dareema wakhtiyada cuntada,
fasaxyada iyo kaniisadda dhexdeeda. U soo ducee inay
qoysaska Masiixiyiinta ahi martiqaadaan oo soo dhoweeyaan
haweenka aan la qabin (carmallada, kuwa la dayacay, la furay,
ama aan weligood la guursan).
40-ka malyuun ee carmal ee reer Hindiya, kuwo
badan oo kuwan ah ayaa dhibaato xuni haysataa waayo
dhaqankii ayaa ka dhigay in la dayriyo, la faraxumueeyo, oo ay
9
10
11
12
13
14
15
Project Hannah • P O Box 4232, Kempton Park, 1620 • Phone: 011 974 2886 • [email protected] • www.phafrica.org